Somaliland: Soo-if-baxa Aragtiyo Siyaasadeed “Midig fog ilaa Bidix Fog” (WQ: Xamse Khayre)

Dad badan Ana aaminsan in asxaabta Siyaasadeed ee Somaliland aanay lahayn aragtiyo oo ay ku kala duwan yihiin. Waxay dadkaasi ku sii doodaan in qabaa’ilka kala tageera axsaabtu ay tahay waxa ugu wayn ee kala duwan. Maqaalkan waxaan so kooban tooshka ugu ifin doonaa dood taas ka duwan oo daahfuraysa soo if-baxa aragtiyo Siyaasadeed oo fidsan min midig, dhexe ilaa Bidix. Walow hadana ay xaqiiq tahay in asxaabta laftoodu aanay ku baraarugsanayn aragtidooda Siyaasadeed Isla markaana aanay jirin mid qoran oo si dhab ah uga tarjumaysa hab-dhaqankood siyaasiga ah.

MIDIG FOG

Aragtida midig fog waxaa ee Somaliland waxaa u taagan Xisbiga Kulmiye oo hadaad u fiirsato hogaamintiisa iyo dhaqankiisa aad adkaysto inuu u taagan yahay:

  • Dhaqaalaha oo lagu wareejiyo gacmo gaar ah, xukuumadduna dib uga baxdo (Privatisation). Tusaale: Dekedda Berbers ilaa Koronta Hargeysa.
  • Kala-qoqobka Bulshada iyo u kala-abtirinta ku dhiban qabaa’ilka,jinsiga iyo da’da. Tusale ahaan Kulmiye waxba kama ah dhexdiisa cida aan ku sifoobin : Laan-dheere/Beesha Dhexe/Jeegaan/ SNM/Rag/oday. Beelaha darafyada, Beelaha la hayb-sooco, qaybo beesha dhexe ah, haweenka, dhalinyaradda iyo cidaha aan xidhiidh la lahayn SNM midna uma arko Xisbiga Kulmiye in lagu aamini karo masiirka umadda.

Xidhiidhka Somaliya/Djibouti : inkastoo Kulmiye furay wada-hadalka Somaliya hadana garabkiisa xagjirka ahi wuxuu u arkaa gef xisbigoodu galay oo ay tahay in laga noqdo marka u horaysa ee fursad la helo. Dhinaca dalka Djibouti oo aan marna raali ka ahayn aqoonsi ay Somaliland hesho wuxuu ugu suntan yahay dal ay walaalo yihiin.Tagista iyo basaaboorka Djibuuti waa caadi halka ka tagista Somaliya iyo baasboorkeedu yahay wax xabsi lagu muto. Siyaasiyiinta Somaalilaan ka soo jeeda ee koonfur taga kuwooda ah beelo gaar ah ayuun baan halis ay u arkaan kuwo kale ama waa la hubaa in aanay halis ahayn ama marka horeba xagaas waligood laga kari mahayo.

BIDIX FOG
Aragtida Bidix fog wali maaha mid ifka u soo wada baxday hada ahaate labada barafasoor ee khaliif iyo Samatar ayaa hogaaminaya waxaana u guuxaya dad kala duwan oo ama labada xisbi ee UCID IYO WADDANI ku jira ama hadda aan Xisbiyo ku jirin balse ka bahda aqoon-yahanka, iyo wax farxad kale.

Aragtida bidixda fog waxaa dhici karta inay u soo istaagaan cidaha ku sifoobay: Beelaha Kulmiye ka soo hadhay ee darafyada iyo dhexe badhkood. Aragtidan halku-dhegeedu waa Somaliland la wada leeyahay oo beesha Dhexe u xidhnayn. Wada-lahaansha Taariikhda (26 June Vs 18 May), awooda iyo Dhaqaalaha ayaa bud-dhig u ah dood ay qabaan.

Waxaa dhici karta in aragtidani xambaarsan tahay dib u habayn hakaylka Siyaasadeed ee ah mid awooddu ku urursan tahay gacanta dawlada dhexe guud ahaan iyo gaar ahaan nafaqeynta (Presidential Unitary State). Waa bedelkeeda si dadban waxaad mooda in ay u janjeedhaan hanaan maamul-daadajin yahay(devolved governance) sida UK oo kale (Scotland iyo UK oo kale). Furista distoorka ayaa ah qodobadaa sii xoojinaya tuhunka dib u habaynta Siyaasadeed ee Dhinacani rabo.

Aragtida DHEXE

Aragtida dhexe waxay meelo badan wadaagaan ta Bidix-da guud ahaan gaar ahaan xaga dadka u janjeedha dhexda oo in badan oo ka mid ahi ilaa imika aanay ka miirmin kuwa Bidix. Waa isku darka qaybo beelaha dhexe ah, Beelaha cidhifyada aqlabiyadooda, wadaado-siyaasadeed, dhalinyaro iyo haweenka.

Asxaabta xidhan, mustaqbalka heshiiska khaatumo,dib u dhaca doorashooyinka iyo qaddiyada qaami-qaybsiga kuraasta ayaa fududayn kara foosha kala-bixida dhexda iyo Bidixda oo isku jira ilaa imika amaba dhan ka kale curdan dhadhin kara soo-if baxa aragtiyahan. Xisbiga WADDANI ayaa ah halka cidhibta u ah aragtida Dhexda taas oo ka duulaysa Somaliland loo-dhan yahay oo ka duulaysa waxyaabaha dadku ka midaysan yahay.

Mustaqbalka ayaa ah halka aragtidani ku foogan tahay. Dhinaca Xidhiidhka Soomaaliya waxay aragtidani u aragtaa dal jaara oo la mid ah Djibouti inkasta oo ay jiri karaan dad u janjeedha wada-hadalka Somaaliya, qorshe labaad oo farsamo ahaan ka duwan baadigoobka aqoonsiga JSL, ama is-afgarad Siyaasadeed oo dhexmara Somaliland iyo Soomaliya.
Nooca xukuumadeed ee aragtidani u taagan tahay ayaa dawlad gacanta ku haysa adeegyo bulsho ee aasaasiga sida amaanka, caafimaadka, Waxbarashadda iyo kuwo kale.

Gebo-gabo

Iyadoo aan hal maqaal lagu soo koobin is-bedelka Siyaasadeed ee waqtigan socdaa hadana waxaa haboon in lagu eego indho ka badan kuwo qabiil. Waxaynu nool nahay xili leh xiisihiisa, halistiisa iyo fursadihiisa. Matalan, fursadda dahabiga ah ee taagan Ana in aragtiyahan ay si wayn iskula qaaten Somaliland ah Qaran madaxbanaan oo aqoonsi ka hela dunida. Waxay ku kala taagan yihiin nooca ay Somalilandtaasi noqonayso. Halista jirta ayaa ah in wadahadalka, garawshiiyaha iyo isku tanaasul Dhinacyadu la iman waayaan.

Waa xili hogaamiyeyaasha Siyaasadeed, dhaqan iyo diimeed aynu xikmadoodda, daacadnimadoodda, samatalisnimadooda aynu magan u nahay.