Somaliland Waxay Fure U Tahay Guusha Maraykanka Ee Dagaalkiisa Ugu Dheer Afrika. (WQ: C/raxmaan Hayaan)

HARGEISA, SOMALILAND: Bishii labaad ee Febarwari 7dii, Gen. Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha AFRICOM(THE UNITED STATES AFRICA COMMAND) , taliska maraykanka ee Afrika, waxa uu u sheegay guddiga golaha senate-ka u qaabilsan arrimha Millatariga in aanu Maraykanku xarakada Al-shabaab ku jabin karin cirka oo laga duqeeyo. Taa baddalkeeda waxa uu yidhi, ciidammada maxalliga ah ayaa loo baahnayahay inay tallaabo qaadaan. Waa uu ku saxsanyahay, waana nasiis darro in marka ciidammada maxalliga ahi ay doonaan in ay Al-shababa ka hor tagaan, AFRICOM ay indhaha ka laabtaan.
Ka soo qaad Somaliland, oo ah dawlad aan la aqoonsan oo xad la wadaagta Djibouti, isla markaana maamusha, xeeb gaadhaysa 460 mayl oo ku teedsan gacanka cadmeed. Halka ay Soomaaliya dhex muquuratay fawdo iyo kala danbayn la’aan sannadkii 1991kii, qabiillada Somaliland deggani waxa ay dlakooda ku soo dabbaaleen nabad galyo, kaas oo 30% ka ah guud ahaan dhulkii Soomalia laodhan jiray.

Laakiin nabaddaasi kumay imman bilaash, inkasta oo Somaliland khayraadkeeda dabiiciga ahi koobanyahay-waxa ugu badan ee ay dhoofiyaan waa xoolaha nool- haddana misaaniyadda dalka oo gaadhaysa $350 milyan , 30% ka mid ah waxa lagu bixiyaa nabadgalyada iyo difaaca. Ciidammadeeda gaadhaya ku dhawaad 15000 oo nin, iyo ciidammada tirada yare ee ilaalada badda, waxa lagu shaqaalaysiiyaa inay qorigooda soo qaataan. Lacagahaa oo badankooda waddanka gudihiisa laga soo saaray, waxay noqonayaan faro-guudkood maka loo eego caawimada dhaqaale iyo millatari ee Somalia ka hesho dibadda. Sidoo kale, Maraykanku waxa uu sannad walba ku kharash gareeyaa, $70 Milyan( toddobaatan milyan oo Dollar), inuu kiraysto, saldhigga millatari ee Camp Lemonneir, ee Djibouti oo xarun u ah dhammaan hawlgallada bariga Afrika, intaa in ka badanna waxa uu ku kharash gareeyaa inuu tasiilaatkiisa kor u qaado.
Arrinta amniga Somaliland iyo Maraykanku isku meel ayaa ay yihiin: Somaliland waxa ay doonaysaa inay Al-shabaab uga dhaarato dhulkeeda iyo kooxaha kale ee argagixisada ah, illaa maantadan aynu joognana guul weyn ayaa ay ka gaadhay arrintaa. Marka laga reebo dagaalka soo noqnoqday ee dhinaca xadka Somalia.
Dawaladda iswiidhan ayaa dhawaan ugu deeqday saddex doonyood ciidammada badda Somaliland, kuwaas oo ay immika u isticmaalaan inay badda kaga ilaaliyaan hubka laga soo galinayo dhanka Yaman. Saraakiisha Somaliland waxay ku faanaan inaanay wali ka dhicin dhacdo kaliya oo la xidhiidha badhcad.

badeednimo dhulka Somaliland. Inkasta oo Puntland, oo ah gobolka Somalia ee la jaarka ah Somaliland uu noqday xuddunta budhcadbadeedda.
Siyaasiyiinta iyo madaxda millatariga Somaliland-ba waxay ii sheegeen muddadii toddobaadka ahayd ee aan joogay inay soo dhawaynayaan caawimo kasta oo uga timaadda dhanka maraykanka, muhiimaddooda koowadna ay tahay sidii ay uga hor tagi lahaayeen Al-shabaab, iyo hubka kootarabaanka ah.

Siday doontaba ha ahaatee, siyaasadda maraykanku, waxay mar walba ahayd inay ka fogaato Somaliland si ay u dhawrto midnimada Somalia. “ falcelinta maraykanka ee arrimaha Somalia waxay intii muddo ahba ahayd inay la shaqayso dawladda fadaraalka ah iyo maamul goboleedyada somalia iyada oo u sii maraysa midowga Afrika, Qaramada midoobay, iyo daneeyayaal kale oo dan isku mid ah ka wada leh Somalia, taas oo ah inay taageeraan dadaallada soomalida ee nabadaynta iyo dib udhiska dalkooda.
November, 2017 maqaal ay qoreen AFRICOM ayaa lagu sheegay. “ in dhibta ugu weyni tahay, halka Somaliland ay aragti ahaan ka tahay gobol fadaraal ah, laakiin xaqiiqo ahaan sinaba uma aha. Madaxda muqdisho waxay magacaabeen Baarlamaan 2012, toddoba sano kadib markii ay Somaliland doorteen kooda. Kuwa loo doortay inay Somaliland matalaan, ma joogaan Somaliland , awood sharcina uma laha ama awood saamayn ay ku yeelan karaan dalka gudhihiisa.
Wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka iyo qaramada midoobay waxay u daba fadhiistaan midowga Africa oo aan haba yaraate rabin inuu jeexo xuduudo cusub. Dooddaa diblomaasiyadeed waxay noqon kartaa mid macquula h( inkasta oo dadka reer Somaliland sheegayaan in xuduudahooda ay si fiican u qeexeen heshiisyo la gaadhay ka hor in ka badan qarni, markii Ingiriisku uu Maxmiyad ka aasaasay Somaliland, makii danbena xorriyaddii siiyay sannadkii 1960kii … markaasoo in ka badan 30 dal ay aqoonsadeen madax bannaannida Somaliland).

Laakiin ma jirto sabab doodda noocaas ahi ay u soo dhex gasho danaha muhiimka ah ee Maraykanka. Turkiga, Itoobiya iyo jabuuti ayaa qunsuliyado ku leh Hargeisa, caasimadda Somaliland. Denmark waxay iyaduna ku leedahay xafiis, kiiniyana dhawaan ayaa la filayaa inay ka furato.
Ciidammada badda ee Isbayn waxa ay carbis la qaateen ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland, dawladda Imaaraadka Carabtu waxa ay saldhig millatari ka furatay Berbera, goob ay ciidammada Maraykanku ku shaqayn jireen dagaalkii qaboobaa.

Mid kaliya oo ka mid ah dalalkan iyo midowga Afrika toona uma tarjumaan galaangalkooda Somaliland inay mijaxaabinayso siyaasado dublamaasiyadeed oo waaweyn aama si uun u aqoonsanayaan Somaliland. Marykanka laftiisu inkasta oo uu diiddanyahay inuu xidhiidh dhow la yeesho Somaliland, haddana waxa uu toos ula macaamilaa Taiwan isaga oo aan aqoonsanayn, isaga oo u sii maraya machadka Maraykanka ee Taiwan.

Weerarkii Ciraaq ka hor, CIAda iyo ciidammada gaarka ah ee Maraykanku waxay xidhiidh la samaysteen Kurdiyiinta Ciraaq, inkasta oo Washington aanay si rasmi ah u aqoonsan dawladdooda. Sidoo kale CIA-da iyo millatariga maraykankuba waxa ay tababareen isla markaana tababar shaqo la sameeyeen ciidammada sirdoonka ee Falastiiniyiinta, inkasta oo aanay si rasmi ah u aqoonsanayn dalwadnimada Falastiin. Tii ugu danbaysay, ciidammada maraykanku waxa ay jaal la noqdeen Kurdiyiinta Suuriya si ay uga wada hor tagaan cadowgooda.

Sida in badan lagu doodo, Soomaaliya, waa meesha uu maraykanku kaga jiro dagaalka ugu wakhtiga dheer, America’s Longest war balse maaha Afghanistan. Isaga oo la taliyaha ammaanka qaranka ee maraykanku John Bolton , sheegay 13kii December 2018, in muhiimadda koowaad ee maamulka Trump tahay “ ka hor tagista khatarta ka immanaysa kooxaha xagjirka ah iyo dagaallada lagu hoobto” haddana marka la eego sida loogu guul darraystay xataa in wax lala qabto kuwa la dagaallamaya Al-shabaab, budhcad badeedda, iyo koontarabaanka hubka, ayaa caddaynaysa, si kasta oo Pentagon( aqalka gaashaandhigga ee Maraykanku) diyaar ula yahay inuu lacag ku kharash gareeyo, haddana AFRICOM aanay diyaar u ahayn inay guulaysato.

Michael Rubin, waa aqoonyahan ka shaqeeya American Enterprise Institute (AEI) , waxa uu hore u ahaan jiray sarkaal ka tirsan aqalka Pentagon-ka ee looga taliyo Millatariga Maraykanka, isaga oo qaabilsanaa arrimaha bariga dhexe.
Waxa uu Somaliland yimid intii u dhaxaysay 8-14 February 2019.

Michael Rubin (born 1971) is a resident scholar at the American Enterprise Institute (AEI) . He previously worked as an official at the Pentagon, where he dealt with issues in the Middle East.[1]
hore uga
1. Michael Rubin@mrubin1971
March 7, 2019 | Real Clear Defense

Waxa Tarjumay: C/raxmaan Hayaan, Freelance journalist
cbdrxmngeni@gmail.com