Burburkii dawladeed ee somaaliya ka dhacay sanadkii 1991-kii, wuxuu horseeday in khayraad badan oo soomaaliya lahayd uu Ajaanibka gacanta u galo, sida ka faa’iidaysiga hawada Somalilya, badihii iyo weliba xuduudo-dhuleedkii oo ay wadamo shisheeye ahi si aan sharciga waafaqsanayn uga faaiidaysteen iyadoo dadkii lahaa ka baahan yihiin, Dhinaca kale, Dawlad goboleedyadii ku abuurmay nidaamka deegaan-qabiileedka ku salaysanina waxay awoodi waayeen inay sifo dimblumaasiyasadeed iyo mid ciidan ku wajahaan xalinta dhibaatadda haysata dhulka ay dawladnimada u sheeganayaan ee shisheeyuhu gujadda ku maalayo, iyagoo u qaybsamay kuwo shisheeyaha arimahan kula socda, iyo kuwo calaacal naf mooday oo meel ay wax ka bilaabaan garan la’.
Tan 1991-kii, Maamulida hawada Soomaaliya waxaa u xil saarayd hay’adda la yidhaahdo EKAAWA oo ah mid qaramada midoobay maamul ahaan hoos tagta, taasoo lacag lagu qiyaasay 5,000,000 (shan Milyan oo doolar bilkasta ka qaadi jirtay diyaaraddaha isticmaala hawada soomaaliya, lacagta oo qadarkeedu dhan yahay 60,000,000 (lixdan milyan oo Doolar) sanadkii, sida ila xogogaal ahi sheegaan wax ka yar 10% (boqolkiiba-toban) ayaa lacagtaas kaga soo noqon jirtay Soomaaliya, waxa kalena may soo dhaafi jirin ciddii gacanta ku haysay oo si dadban u leexsan jirtay, waxaa ah arin muhiimadeeda leh in dadaal badan ka dib, dawladda dhexe ee Soomaliya ka talisaa ay ku guulaysatay in mar kale ay maamulida hawada Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto gacanta dadka Soomaaliyeed, oo ah kuwii xaqa u lahaa, balse, tan muhiimadda garka ah sii lihi waxay tahay, sida ay dadka soomaaliyeed laftoodu uga wada faa’iidaysanayaan fursadan soo korodhay inagoo og inta maanta dawladda federaalka ee xamar ka taliso dhulweynihii Soomaaliya,iyadoo isla markii warkani soo baxay ay ka biyo-diiday Soomaliland oo sheegtay inaan wax talo gelin ah laga siin, isla markaana aanay dawladda Soomaliya kaga wakiil noqon doonin arintan, hal arin ayaa ah lama huraan, kaasoo ah in dawladda Xamar la timaado maskax furnaan ay ku kasban karto Somaliland-ta biyo-diidku ka muuqdo oo ah, bal inay Soomaliland weydiiso fekerkeeda ku aadan sida hawada Soomaliya ay Soomaalidu u wada maamulan kartto mar haddii uu gacanteedii kusoo noqday iyadoo talin gelin siinaysa, jawaabta Somaliland soo celisana lagu maal-qaybsado, oo haddii ay macquul tahayna la wada qaato, haddii aanay macquul ahayn laga wada hadlo sidii macquul loogu eekaysiin lahaa, amaba xaqaa’iqa loo waafajin lahaa, haddii kale, arinku kama fogaan doono yooyootan iyo isjiid-jiid, taasina waxay markale fursad siin kartaa kuwii horey u maamuli jiray in dib gacantooda ugu soo noqoto, oo la yidhaahdo way ku heshiin waayeen soomalidii arinta ee sidii hore ha loo daayo.
Somaliland lafteeda, waxaa looga baahan yahay inay u fekeraan si caqli iyo garaad ku jiro oo waaqici ah, oo ay fahmaan in dawladda Muqdisho ka talisaa ay haysato liisanka sharciyadeed ee matalaada dawladnimada Soomaaliyeed ee dunida inteeda kale, ayna sababtaas tahay tan looga wareejiyay maamulida hawada Soomaaliyeed, iyaguna (Soomaliland) ay haystaan awooda xukunka maamulka ee dhulka Somaliland, markaas, waxaa muhiim ah in labada dhinac ay is waafajiyaan nuxurka labadan arimood, oo ay la yimaadaan qaraaro caqli iyo cilmi ku qotoma oo ay ku xalilaan arintan, isla markaana fure u noqda in mustaqbalka dhow isfaham laga yeesho dhamaanba arimaha kale ee hadhay ee ay siyaasiyan labada dhinac ku kala tagan yihiin, arimahana waxaa laga rabaa inay hormuud ka noqdaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo si ay taariikh fiican ugu sameeyaan dadka Soomaaliyeed ee uu oonka dawladnimo hayo.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud
Email, husseinlucky@hotmail.com
Burco, Somaliland.