Sookoobida Buugga ”The Room Where It Happened: White House Memoir” (WQ: Sacad Aareeye)

Buug soo koobid:
The Room Where It Happened,: White House Memoir,
W/Q: John Bolton, La-taliyihii Arrimaha Ammaanka ee Maraykan
Soo baxay June, 2020

Boggaga: 570

Buuggan oo soo baxay bishii June, waa mid dareen xiiso badan leh, sababta oo ah waxa qoray masuul xog-ogaal ah. Intii aan la daabicin ayaa la helay isagoo electronic ah. Soo koobid aan ku sameeyey ayaan halkan idin kula wadaagi doonaa, aniga oo cutubyo u qaybliyay si aan ku kala dhambalo.

Cutubka 1aad wuxuu kaga waramayaa ololaha uu u galay siduu u noqon lahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo sida aanu uga cag qaadin maamulka Trump, markii la doortay madaxweynaha iyo shirar joogta ah oo uu la yeeshay maamulka iyo madaxweynaha laftiisa.

Mar walba wuxuu ka waramayaa aragtisiida ku waajahan ammaanka Maraykan iyo sida uu u arko, uguna mudan tahay Iran iyo Bariga Dhexe, W. Kuuriya iyo Shiinaha. 2 maqaal oo isku iibinayo ayuu qoray. Buugga waxaad kula kulmaysaa ololaha balaadhan ee Bolton galay iyo qaska mar walba ka dhex jiray aqalka cad sida iscasilaadda joogtada ah iyo sida aanu Trump ugu qancin masuuliyiin uu magacaabay, haba ugu darraado Rex Relerson, Xoghayihii Arrimaha Dibadda oo uu uga cawday Bolton laftiisa inaanu hayn shaqo micno leh.

Cutubka 2aad wuxuu gebi ahaantiiba ka waramayaa Suuriya oo isticmaashay Chemical weapon iyo falcelintii Maraykanka. Arrimaha xiisaha leh waxa ka mid ah telefoon ay ku wada hadleen Erdogan iyo Trump, isaga oo Bolton ku sheegay Erdogan sidii Musolini oo kasoo hadlaya xaruntii uu ka talinjiray. Wuxuu sheegay inuu u khudbeeyey madaxda Maraykan. Arrimaha cajiibka ah ee aad cutubkan kula kulmayso waxa kamid ah inay wada socdaan Maraykan, UK, France iyo Russia, hayeshee dunida loo tuso inay col yihiin–ilko Abeeso hoosta ayay ka xidhiidhsan yihiin.
Maraykan wuxuu aad uga taxaddiray inay waxyeelo gaadhsiiyaan ciidanka ama qalabka dagaal ee Ruushka, iyaga oo arrintaa ka wada shaqeeyey La-taliyaha Arrimaha Ammaanka ee Ruushka.

Qodob kale oo xiiso badan waxa weeyi inuu Trump ku wargeliyay dalalka Carabka ee gobolka inay bixiyaan kharashka ciidanka Maraykan ee Suuriya jooga iyo lacago kale oo dheeraad ah–baad!

Cutubka 3aad wuxuu ka waramayaa kulan ku dhexmaray Aqalka Cad Trump iyo Ra’iisalwasaaraha Jabaan, shirkaa oo ku saabsanaa 2 qodob: arrinta Waqooyiga Kuuriya iyo mid ganacsi. Intaa waxa raaca ceeb ka dhacday cunaqabatayn la damacsanaa in Ruushka lagu soo rogo oo dib loo dhigay, hayeshee danjiraha Maraykan ee Qaramada Midoobay ay sheegtay in Xoghayaha Maaliyaddu maalin kadib ku dhawaaqayo. Arrintaasi waxay maamulka Trump ka dhex abuurtay muran iyo canaan xooggan.

Qodobka labaad ee in badan laga hadlay waa ka bixistii heshiiska Iran ee Nuclear ka. Trump ayaa Aqalka Cad ku qaabilay 3cisho gudahood madaxweynaha Faransiiska iyo Ra’iisalwasaaraha Jarmalka. Madaxweyne Macron wuxuu usoo jeediyay Trump inaanu heshiiska ka bixin ee wax laga badalo, hayeshee Trump wuu ku adkaystay. Dhanka kale, Markel wuxuu ku canaantay inay Ruushka xoojinayso, isaga oo tixraacayay heshiisyo ay 2da dal wada gaadheen.

Sidoo kale arrinta heshiiska Iran ayuu kala hadlay, Markel na si lamid Marcon ayay usoo jeedisay inaanu ka bixin heshiiska Iran. Trump dhegaha ayuu ka firaystay dalabka.

Arrinta xiisaha leh waa Xoghayaha Gaashaandhigga, Mattis oo ka bixista heshiiska Iran kasoo horjeeday oo marar badan Bolton iyo tiimkiisa kala masuugay xog isdhaafsi. Arrintaa Bolton in badan ayuu kaga waramay buugga.

Cutubka 4aad wuxuu ka waramayaa qorshaha iyo diyaargarawga kulankii Singapore ee Trump iyo Kim Jong Un iyo faahfaahin ku saabsab Nuclear ka Waqooyiga Kuuriya. 3 muwaadin oo Maraykan ah oo lagu haystay Waqooyiga Kuuriya, sidii looga soo daayay ee Xoghayaha Arrimaha Dibaddu dalka ugu soo celiyay, soo dhawayntii ay la kulmeen iyo Trump oo saqdhexe qaabikay ayuu ka waramay.
Qaybtan la xidhiidha arrimaha Waqooyiga Kuuriya marka aad akhriyayso, waxaad la kulmaysaa shakhsiyadda Trump ee jahawareersan. Madaxda Sirdoonka halkuu inta badan dhagaysan lahaa Trump isagaa hadla. Bolton wuxuu xusayaa inuu iskudayay sixidda khaladkaa, hayeshee kuma guulaysan. Sheekada kale ee xiisaha leh waa Trump oo amray in aqalka Cad la keeno wasiirka Arimaha Dibadda Waqooyiga Kuuriya oo warqad ka siday madaxweyne Kim.

Bolton, Pence iyo Pompeo waxay ku dedaaleen inaanu Oval Office ku qaabilin. Xataa Bolton ayaa usoo saaray Bill Clinton oo kula kulmay 2 General, si uu u tuso inay Waqooyiga Kuuriya dhaqankan taqaan. Wuu diiday Trump.

Cutubka 5aad, wuxuu ka waramayaa gogolxaadhkii uu Bolton u sameeyey kulankii Trump iyo Putin ee Helsinki iyo safar hordhac oo uu ugu kicitimay Moscow, halkaas oo uu kula kulmay Putin. Waxay ka wada hadleen arrimaha Suuriya/Iran, Waqooyiga Kuuriya iyo kaantaroorlka hubka. Shirkii NATO ee Brussels ayuu ka waramay iyo duruufihii ku geddaamnaa. Trump wuxu usheegay madaxdii la socotay inuu ka baxayo NATO. Way uga digeen, dheg se jalaq uma siin. Shirkii NATO markuu furmay wax ka duwan ayuu Trump sheegay. Wuxuu ku dooday in Maraykan dhaqaale badan ku bixiyo NATO, dalalka kale se aanay ka soo bixin heshiiskii Cardiff Commitment 2014.

Labadii shir, London iyo Helsinki ee Trump la yeeshay Theresa May iyo Putin ayuu ka waramayaa. Shirka Putin ayaa xiiso gaar ah leh, maadaama oo Ruushka lagu eedaynayay inuu farogeliyay doorashadii Maraykan 2016kii. Markii uu warbaahinta la hadlayeen Trump iyo Putin ayuu Trump qalad sameeyey oo halkuu Ruushka toos u xusi lahaa ayuu ka booday, hadalkaasina madmadaw ayuu keenay. Warbaahinta Maraykan ayaa qaadaa-dhigtay, kuna dooday inay iscasilaan Pompeo, Kelly iyo Bolton.

Cutubka 6aad maaha mid xiiso badan, kumana jiraan dhacdooyin qurux u yeelaya buugga ama soo jiidanaya akhristaha. Wuxuu ka waramayaa heshiis ku saabsan Intermediate-Range Nuclear Force oo u dhexeeyey Maraykan iyo Ruush oo Maraykan markaa qorshaynayay inuu ka baxo.

Cutubka 7aad wuxuu ka waramayaa xiisad ka dhalatay baadari Maraykan ah oo lagu xidhay Turki iyo bangi jabiyay cunaqabatayntii Iran saarnayd ayaa xiiso leh. Markii wadahadalkii la isku mari waayay, ayuu madaxweyne kuxigeenka Maraykan soo jeddiyay inay toos u wada hadlaan 2da nin ee Erdogan (wasiirka maaliyadda) iyo Trump (ergayga bariga dhexe) soddoga u yihiin.

Bolton ayaa arrintan ku wargeliyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo masuul ka socday Wasaaradda Maaliyadda. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa ka cadhooday. Baaddarigii waa la siidaayay, hayeshee ardintii lama xallin. Iyada oo khilaafku cirka marayo oo Maraykan ka fekerayo inuu eryo danjiraha Turkiga ee Washington (Persona non grata) ayay ku kulmeen Argentina labada madaxweyne: Trump iyo Erdogan.
Madaxweyne Erdogan ayaa farta ka saaray Trump warqad uu soo qoray qareenkii (Legal Firm) baanka Turkiga metelayay. Trump ayaa ku qancay inaanu dambi lahayn baanku, maxkamad New York ku taal oo xayiraad saartay baankana xaakinnadii joogay ayuu ku sheegay inay yihiin rakaabkii Obama, kuwiisana uu dhawaan ku bedeli doono.

Qaybaha xiisaha leh waxa kamid ah kabixistii Maraykan ee Suuriya oo saaxiibbada Maraykan kasoo hor jeedsadeen iyo iscasilaaddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Mattis. Trump ayaa u sheegay Bolton inaanu jeclayn Mattis. Wuxuu Trump sheegay inuu qalad sameeyey markuu magacaabay Mattis oo lagu naanayso Eyga waalan!

Cutubka 8aad: Chaos as a way of life

Arrimaha xiisaha leh waxa kamid ah Trump oo aan la dhacsanayn shaqada ay hayaan Xoghayayaashiisa Arrimaha Gudaha iyo Caddaalada ee ku aadan gidaarka uu ballanqaaday inuu ka dhisi doono xuduudka u dhexeeyey Mexico. Waxa xiiso gaar ah leh, wiilka uu soddogga u yahay oo ciyaaraya doorka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, kadib markuu la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mexico. Arrintaa waxa ka xanaaqaya Kelly, Madaxa Aqalka Cad (Chief of Staff ).
Dilkii bahalnnimada ahaa eeJamaal Khashoqi loogu gaystay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee Turkiga ayaa dareen gaar ah leh. Trump dilka Jamaal inuu ka hadlo wuxuu ka doorbiday danta hubka ay ka iibiyaan Sacuudi Carabiya. John Bolton laftiisa ayaa xusaya laba wejiilaynta. Trump ayaa weydiiyay Bolton siduu u arko shakhsiyadda Mattis, Xoghayaha Gaashaandhigga.
Bolton oo is dhawraya ayaa bixiyay jawaab kooban. Waxa cajiib ah inuu Bolton dareensanaa in Trump isagana (Bolton ) dadka sidaa u weydiiyo. Qaybahan, waxa aad uga dhex muuqanaya doorka balaadhan ee qoyska madaxweynaha, gaar ahaan marwada koowaad oo gaadhaysa heer ay Twitter ku qorto shaqaale ay ku sheegayso inaanay u qalmin inay ka shaqeeyaan Aqalka Cad. Trump laftiisa ayaa ku calaacalaya siday u qortay, iyada oo aan wargelin.

Cutubka 9aad wuxuu ka waramayaa Venezuela iyo sida Maraykan u arkayay, guddoomiyihii Golaha Shacabka oo sheegay in dib u doorashadii madaxweyne Maduro aanay sax ahay, isaguna isku cumaamaday madaxweyne kumeel gaadh ah iyo aragtidii Trump ok ay ku jirtay xal milatari. Waxa ka dhex muuqanaya sida Maraykan aanu u danayn dimuqraaddiyad ee uu danihiisa u eegto.

Trump ayaa farriin usii faray madaxweyne kuxigeenkiisa oo kulan dhanka tilifoonka ah lahaa guddoomiyihii baarlamaanka ee sheegtay madaxweyne kumeel gaadhka ah, isaga oo ku adkeeyey inuu usheego inuu daacad u noqon doono Maraykan!

Cutubka 10aad: China

Wuxuu ku bilaabayaa siduu koboca u sameeyey Shiinuhu iyo tartanka ka dhexeeya Maraykan. 2 fikradood oo galbeedku ka qabay Shiinaha: qolo ku dooda barwaaqada ay gaadheen iyo maalgashiga dibaddu inay wax bedeli doonto iyo qaar aaminsan koboca dhaqaale inuu keeni doono dimuqraaddiyad. Bolton wuu khilaafayaa 2da ba.
Ganacsiga ka dhexeeya Maraykan iyo Shiinaha ayuu kawaramayaa iyo siduu Trump ugu doodo inaanu caddaalad ahayn. Shirkadda ZTE oo Maraykan dacwad kusoo oogay, Trump oo amray in dacwadda la laalo misna sheegay in shaqaale badan Shiinaha gudihiisa shaqo waayeen ayaad kula kulmaysaa. Bolton wuxuu is weydiinayaa waxa ka galay shaqaale Shiine ah shaqo waayay!
Akhristuhu wuxuu ku dhagabarjoobayaa dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dal, 2 kulan oo G20 ah oo Argentina iyo Japan ku dhexmaray Trump iyo Xi: 2da madaxweyne.

Madaxweyne Xi ayaa ka hadlay siduu u jeclaan lahaa in Trump sii joogo xilka, dastuurka wax laga bedelo, Trump wuu u bogay. Arrimaha ganacsiga mar laga hadlayay, Trump wuxuu ka codsaday Shiinaha inay fududeeyaan ganacsiga alaabaha beeraha, si Trump u helo taageerada beeralayda.

Cutubka 11aad: Shirkii Hanoi

Shirkii Hanio, Vietnam ku dhexmaray madaxweyne Trump iyo Kim iyo ismariwaagii ayuu kawaramayaa. Shirka ka hor, Trump wuxuu sii dhagaystay kaaliyayaashiisa, si fiicanna wuu uga dheregsanaa wuxuu shirka ka rabo. 3 doorasho ayaa miiska u saarnaa: heshiis weyn, mid yar ama inuu shirka kabaxo. Madaxweyne/ guddoomiye Kim Jung Un (Chairman Kim as Americans refer to him ) wuxuu la shir yimid inuu xidhayo goob kamid ah kuwa hubka lagu naaxiyo, taa bedelkeedana cunaqabataynta dhaqaale laga qaado.
Maraykan way diideen. Haddana wuxuu soo jeediyay inay warmurtiyeed soo wada saaraan. Maraykan mar labaad way diideen, inkasta oo Trump la qaatay. Haddana markii shirku dhamaaday, Maraykan wuu diiday.
Marar badan waxaad la kulmaysaa sida Trump uga soo horjeedo ciidamada Maraykan ee dalalka shisheeye jooga. Waa maxay sabata ciidankeennu u joogaan K. Kuuriya, Jarmalka ama Estonia ayuu weydiiyaa madaxda ka hoosaysa. Heshiisyadii ciidan ee ay kula jireen Koonfur Kuuriya iyo Jabaan oo dhacay iyo sidii Trump loogu qancin lahaa in la cusboonaysiiyo!

Madaxweyne Trump oo safar ku jooga Jabaan, ayaa Twitter umariyay Kim Jong Un siduu u jeclaan lahaa inuu ku gacanqaado xuduudka u dhexeeya 2da Kuuriya, marka uu booqasho ku yimaado Koonfur Kuuriya, shirka Jabaan kadib. Madaxdii Maraykan ee la socotay way la yaabeen, hayeshee Trump wuxuu doonaya ‘igu sawir’ sida uu Bolton aaminsan yahay. Qaybta dambe ee cutubku waxay ka waramaysaa wadaxaajoodkii Maraykan la yeeshay K. Kuuriya

Cutubka 12aad

Wuxuu ka waramayaa Iran iyo heshiiskii Nuclear ee 2015kii, cunaqabatayn lala damacsanaa iyo in lagu daro liiska argagixsada Ilaalada Kacaanka Iran. Maamulka Trump arrimaha Ilaalada Kacaanka way ku kala qaybsameen. Dhanka kale, wuxuu ka waramayaa, mararka qaarna weerarayaa Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykan oo uu ku eedaynayo inuu ilaalinayo danaha shirkadaha Maraykan, taasi oo kalifaysa inuu marar badan hor istaago cunaqabatayn ama tallaabo laga qaadi lahaa dawladdo shisheeye.
Bolton ayaa xusaya in wasiirka Arrimaha Dibadda Iran rumaysan yahay in Trump jecelyahay wadahadal dhexmara Iran laakiin Natenyahu, Maxamed Bin Salman iyo Bolton caqabad ku yihiin. Iran oo gobolka isku balaadhisay, saamayna ku yeelatay ayuu ka waramayaa. Xataa ilaa Taliban inay caawisay mar hadday u adeegsayo danaha Iran, oo aanay kala jeclayn Sunni iyo Shiico.
Dhacdo maraakiib shiidaal lagu weeraray gacanka Hormuz ayuu ka waramayaa, suurtagal siday u tahay daandaansi Iran waddo.

Arrimaha xiisaha leh waxa kamid ah madaxweynaha Faransiiska, Macron oo Trump uga cabanaya in la hor istaagay mar uu rabay inuu telefooonka kula hadlo iyo Trump oo Bolton ku canaanaya arrintaa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Macron ku casuumay shirkii G7, kana shaqaynayay inuu Trump la kulmo iyo Bolton oo ka dagaalamay inay arrintaasi dhacdo, isla markaana qorsheeyey inuu iscasilo hadday dhacdo.

Cutubka 13aad: Afghanistan

Bolton wuxuu carrabka ku adkaynayaa inuu 2 ujeedo kalahaa Afghanistan, la-taliyayaasha sare ee Trump na qabeen;1) in laga hortago ISIS, Al-Qaacida iyo Taliban inay madaxa lasoo kacaan iyo khatarta ka dhanka ah Maraykan, 2) inay ka feejignaadaan khatarta Nuclear ka Iran iyo kan Pakistan oo haysata.

Arrinta yaabka leh waa Bolton oo ku sheegaya Abiy Axmed madaxweynaha Itoobiya, mar uu Trump telefoon kula hadlay 15 March, 2019 si uu uga tacsiyeeyo shilkii Ethiopian Airlines. Dhanka kale, waxa aad uga dhex muuqanaya sida State Department, Pentagon iyo National Security Adviser ay ugu kala aragti duwan yihiin Afghanistan iyo wadahadalada Taliban lala furay/o.

Trump wuxuu isku qaldayaa Xamid Karsaay iyo Ashraf Qaani, isaga oo marar badan xusaya inuu musuqmaasuq badan yahay madaxweyne Ashraf Qaani. Wuxuu Bolton leeyahay hadduu kala garanayo madaxweynaha imika ee Afghanistan, Qaani iyo kii hore, Karsaay dhib badan ayaanu ka badbaadi lahayn.

Trump wuxuu caan ku yahay inuu mawduuca kolba ka baxo iyo siduu uga soo horjeedo ciidamada Maraykan ee caalamka ku baahsan. Africa ciidamada waa inaynu kasoo saarnaa ayuu u sheegay saraakiisha milateriga, si lamid ah siduu ugu celceliyo Suuriya, K. Kuuriya iyo Afghanistan. Sheekada xiisaha badan waa isaga oo socda wadaxaajood Taliban ay la wadeen Maraykan, ayuu Trump si kedis ah ugu wargelinayaa inay Taliban iyo madaxweyne Qaani keenaan Washington, si uu la kulmo. Waxa dib u dhigaya qarax lagu dilay 12 qof oo 1 mid Maraykan ahaa.

Cutubka 14aad

Wuxuu ka waramayaa Ukraine iyo sida Trump fadeexad uga raacday inuu awooddiisa u isticmaalo dano siyaasadeed, telefoon ay ku wada hadleen 2da madaxweyne; Ukraine iyo U. S. Waxa inta badan ka dhex muuqanaya doorka qareenka Trump ee arrimaha Ukraine.
Waxa xiiso gaar leh sida uu Trump afka ugu balaadhinay asxaan inaad ii samayso ayaan doonayaa, mar uu telefoonka kala hadlayay madaxweynaha Ukraine.

Inta badan, Bolton wuxuu ka waramayaa safar ku tegay Yurubta bari oo Ukraine ku jiro, shirar uu la qaatay madaxda dalalkaa. Cutubkan waa ka ugu xiisaha badan buugga, waana ka sababay in Trump xilka-xayuubin lagu soo oogo.

Cutubka 15kaad: Gunaanad (Epilogue)

Wuxuu kaga waramayaa sida uu xaqa ugu leeyahay inuu buuggan daabaco iyo madax hore oo maamulkay ka tirsanaayeen isaga oo weli xilka haya buugaag qoray. Gole-joojintii Trump ayuu waxogaa kawaramayaa.
Dhamaad.