Sookoobidda Buugga “29ka Sirood ee Hoggaaminta” (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Sookoobidda Buugga “ 29ka Sirood ee Hoggaaminta”

Hordhac

Buuggan la yidhaa waxa qoray “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta” waxa qoray Jack Welch, oo ah qoraa iyo ganacsade. Muddo badan ayuu ganacsiyo maammulayay, sida General Electric Company.

Buuggu waa 142 bog. 4 qaybood ayuu qoraagu u qaybiyay. Waxa uu buugga kaga warramayaa qofka maammulka sirta uu ku shaqaynayo ee uu shaqaalihiisa iyo macaamiishiisa.

Nuxurka Buuugga

Aragtiyaha uu u arko inay SIRTA hoggaamiyaha yihiin ayuu qoraagu aad u xusayaa. Weliba aragtidiisa ayuu ku salaynayaa. Aynnu qaar ka mid ah 29ka SIROOD soo qaadanno:

1- Awood isbeddeleed: Meesha aad doonto ayaad hoggaamin kartaa. Ganacsi baad samayn kartaa, dad baad hoggaamin kartaa. Waa inaad AWOOD ISBEDDEL lahaatid.

2- Xaqiiqada inuu wajaho: Sida ay waxyihiin macaan iyo qadhaadh ba waa inuu hoggaamiyuhu ku dhacaa. Maaha in uu been isku maaweeliya.

3- Hiraal samee, ka dibna ku dhaqaaq waddada hiraalkaa aad samaysatay: Marka koowaad hiraal samayso, dabadeedna raac oo waddada haka leexan.

4-  Ilaali oo xannaanee shaqaalaha shirkadda qiimaha u yeela.

5- Wuxuu leeyahay qorshe ama Strategiyad uu isbeddelka kula tacaalo: Sirta hoggaamiyaha waxa kale oo ka mid ah inuu isbeddelka dhacaya la tacaali karo.

6- Fursadaha ayuu ilaashadaa.

7- Shaqada qofka 1aad ahaw ama ka 2aad, suuqana ka warhay.

8- Dhaqanka meesha aad joogtid ka jira aad uga warhay.

9- Fekrado cusub ku soo dar shaqadaada/ganacsigaaga, macno malaha cidda kuu sheegtay, iyo halka aad kala timid. Se ku soo dar.

10- Dib waxba uma dhigtaan hoggaamiyayaashu.

11- Xuduud ku xannibta ha samaysan: Qoraagu waxa uu halkan kaga hadlayaa inuuna qofku isxidhxidhin oo meel kaliya ku ekaa. Hoggaamiyuhu maaha mi xidhxidhan. Waa inuu shaqada, habka, meesha iyo noocaba ballaadhiyo.

12-  Dadka aad isla shaqaynaysiin, ama aad madaxa u tahay dhegayso.

13-  Dadka aad madaxda u tahay goobta kaga horree, wayddiimaha ay ku waydiinayaanna uga jawaab.

14- Markasta tayadu ha ahaato ujeeddadaada koowaad.

15-  Cidda aad shaqada u qabanaysid oo macmiilka ahi inuu kugu qanacsanyahay tayadaada iyo in kale ogoow.

Gebagebo

Buuggu dhawr qodob ayuu ku dhisanyahay oo xooggasaarayaa. Badankoogii waynu soo taxnay, kuwa kalana kuwaa kama foga. Qoraagu waxa aad mooddaa hoggaaminta uu ka hadlayaa inay tahay ta ganacsiga, oo uu iyada xooggasaarayo, walow hoggaaminta guudna aynna ka maqnayn.

 

Muuqaal ahaan aroorta ka daawo Channelka #Xogkorodhsi: https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA