Sul. Cabdilxamiid iyo Tabaha Sirdoon ee laga bartey.

Waxaa la sheegey in Suldaan Cabdilxamiid waqtigiisii uu ka shakiyey in dawladaha waaweyn qaarkood wax u maleegayaan, gaar ahaan Ruushka, Ingriiska iyo Faransiiska, kadibna waxa uu u yeedhay sadexdii safiir ee markaas dalakooda Istanbuul i fadhiyey, si reer magaalnimo ah ayuu ula sheegaystey sadex qalina hadiyada buu u kala siiyey.
Kuwaas oo ahaa kuwo aad u qurux badan, mid kasta oo qalimada ka mid ah marka mudo waxa lag qoro khadkiisa ayaa warqada ku budaacayey ka dibna qofka waxa ku qorayaa waa in uu iska tuuraa waqrada iyo qalinka isla wasakhoobayba.
shaqaalaha nadafaad safaaradahana waxa uu ku darsaday rag sirdoon ah oo u si gaar ah waxa uu u baray.
Safiirkii Ruushka oo uu aad uga shakisnaa ayaa ku qoray war uu dawladiisa kaga codsanayo in ay ay ciidan badeed u soo dirto suryada laga galo bada madow ka dibna xaga Caasimada Turkiga u soo kacaan, laakiin maxaa dhacay? qalinkii ayaa sidii loogu talo galay kharibay warqadii safiirkiina wuu tuuray markiiba qashin ururiyihi waxa uu gacanta ka sarey Suldaankii oo inta uu warqadii Faynuus dusaalarey ayuu khadkii ku daaday ka maydhmay ka dibna si fiican ayuu u akhriyey wixii ku qornaa, sidaas ayeyna ciidankiisii kaga war heliin waxa la maleegayo kuna fashiliyey.

Xasan Ciise- Suxufi