Suufiyaddii Baska! (WQ: Cabdicasiis Guudcadde)

Aalaaba basku wuxuu ii jiraa in door ah. Waan lugeeyaa waxoogaa si aan istaanka u gaadho, dabadeed baska lacagtiisa bixiyaa. Waa sababta ay xaafadaha caynka ah ugu bixiyeen Lug iyo Lacag. Maanta basku sidii u caadada ahayd ma taagna meeshiisii. Wuxuu ka wahsaday in uu laabto, ka dibna halkii ugu dhawayd boosteejada ayuu iska iimaansaday. Marka aan baskii arkay in uu rakaabsanayo, ayaan u soo degdegay sidii oo aad mooddo in baska hal kursi ka bannaan yihiin, oo aan kursigaa kula tartamayo ninka waddada dhankeeda kale soo tallaaba dheeraynaya.

Basku ma dhawdhawa. Kuraasi badan ayaa faaruq ah. Dadka saarani way wada aamusan yihiin. Laakiin iska ma aamusna. Waxay dhegaysanayaan ilaaqtanka marmar kaftanka isu rogaya ee dhex maraya odayga iyo haweenayda isku kursiga wadaagaya. Waa da’aadda 70meeyada, tukubana wuu sitaa ninku. Gabadhu se waa hooyo maraysa cimrigeedii 40meeyada. Waa da’dii dadka nebiyada laga dhigi jiray. Haweenku se saami ku ma laha nebinnimada, oo waa shaqo ragga kooto loo siiyay. Aad bay hadalka isugu dhiibdhiibayaan, oo markan aan ku soo beegmay waxay ku jiraan dacaayad guurka la xidhiidha oo ay hortay sii wateen.

Odaygu wuxuu aad ugu soo celcelinayaa in shabbad mooyee aanu gabadh kale kaam odhan. Iyaduna waxay ku afjigaysaa in uu raadsado inantaa, oo aanu iyada ku habsaamin maaddaama aanay da’daa ahayn. Mar qabiillaa lagu kaftamayaa, mar da’daa la isku xifaalaynayaa, marna si guud oo bilaa turxaan ah baa la isaga qoslinayaa. Anigu kursiga ugu danbeeya baska ayaan koonihiisa midig is le’ekaysiiyay. Sheekadooda maan sii danayn, oo waxaan moodayay in ay iska tahay hadaltiro. Balse haweenaydan dalladda basaliga ah huwan, ee tusbaxa marba kor u taagaysaa in aanay ahayn qof laga jeesan karo ayaa igu qaaday in aan si buuxda ugu biiro baska dhan ee sida wadarta ah isugu rogay shaleemada odaygaa iyo gabadhaasi jilayaan.

Markii cabbaar la isku tuurtuuray hadalka, ayay gabadh xagga hore fadhiday oo damacday in ay gabadha aamusiiso, kaftankana soo afjartaa, sheegtay in haweenaydan aan afkeeda eegaynaa ay dhimirka ka bukto. Iyada oo aan dhaleecayntiiba dhammayn, ayay gabadhii tidhi: “Anigu waa run oo waan bukaa. Balse caqliga ka ma waalni, oo hoosta ka ma waalni e, maskaxda uun baan ka bukaa!” Qiyaastii, caqligeedu in uu fayaw yahayna waxay ugu quusgoynaysa gabadha iska hadashay ee soo afaaraysatay, in aanay hoosteedu ‘ka dhaanso’ ahaynna waxay ula dan lahayd odayga hadalkiisu u badnaa mawduuca guduhu. Weedhaasi aad bay baska uga qoslisay.

Sida bulshada Soomaalida looga bartay, dumarku inta badan meel sida baska mahwi ah ka ma kaftamaan. Barbaarinta iyo deegaanka ay ku caqarismaan oo ‘xishood, codkaagu waa cawro, gabadh baad tahay..’ ku badan yihiin ayaa qayb ahaan loo aanayn karaa. Laakiin, waa halkii Ilaahay e, ‘ma sinna (لَيْسُوا سَوَاءً)’. Waxa jira dumar, sida gabadhan aad uu u xallad badan yahay hadalkeedu. Haweenaydani waxay kartay in ay odaygiina ka kaftan fiicnaato, oo aamusiiso, gabadhii dockayeedhka qaabka daran la timina ku tuurto garnayl sababay in ay shuuriso, sidii oo ay eraydu ka qaxeen afkeeda.

Markii uu basku masaafo door ah, oo aanan naf ahaantay dareeminba, jaray, ayuu ku sigtay in uu gaadhi kale galo. Tolow shilka lagu sigtay ma lala xidhiidhin karaa in wadaha baska qudhiisu qayb ka ahaa dhegaysiga haweenaydaa? U badi. Dabadeed waxay tidhi weedh kale oo soo jeedisay dadkii ka shoogay shilka dhici gaadhay: “Dadkii, baabuurtii, iyo cid kastaaba waa ‘I taabo!’” In maalinkaa maanta ah cid kastaa ay doondoonayso cid wax gaadhsiisa, oo dabadeed ay wax u raacato, ayay adkaysay. Waxayna bixisay tusaalayaal malaha ay u soo joogtay. Waa tusaalayaal u badan masabbid iyo dad magdoon ah. Wiil baa ka mid ahaa ay tidhi wuxuu nabay saaxiibkii, oo yidhi gacan buu i jebiyay. Ka dibna saaxiibkii laga beenabuurtay intuu kii lacagdoonka ahaa ballamiyay, ayuu bakoorad dabada u qabtay, oo uu ‘caadi u jejebiyay’, ayay tidhi. Markaa, ayay raacisay, dadka iyo cid kastaa maanta waa kharashdoon e, iska ilaaliya.

Kol ayay damacday in ay odayga raalligeliso. Waxay is tidhi malaha waad ku fogaatay kaftankii, oo waa intaas oo uu si u qaataa. Dabadeed waxay tidhi: “Wiil keli ah oo madi ah baan la dhashay, odaygayguna waa madi, 14 carruur ah oo aan dhalayna hal baa ka wiil ah, markaa anigu ragga waan ixtiraamaa.” Sida kaftankeedii soo taxnaa tan iyo istaankii ka muuqatana, aad bay tixgelintu u biyadhigtay hadalkeeda.
Markii cabbaar la kala aamusay ayay cod ashqaraar leh, oo aan niyaystay in la duubo, ku qaadday qasiido. Tusbaxeeda boodhaha ah ayay kor u taagaysey marka ay madiixaysay. “Eebbahay ninkaan jeclaynow ha ii joojinin” ayaa ka mid ahaa erayada ay luuqda goonida ah ku qaadaysay. Markaas ayay jibbootay. Waxay sheegtay in diintii la faraxumeeyay, oo dad “gadh-dheer” ay ku tilmaamtay ay wax aan ku jirin ku soo biiriyeen. Waxay sheegtay, iyada oo taariikhda ‘gadh-dheerta’ werinaysa, in dadkaasi (oo qasiidadeeda ay Ilaahay ku baryaysay “waa xashiishe naga xaaqeey”) ay ku abtirsadaan nin Nebiga aad uga beenfarriimay, oo ay Wahaab magaciisa ku sheegtay. Waan iska garanayay in ay Maxamed Cabdiwahaab ka waddo, iyo xarakadiisii dhiigga reer Najdi ku dhisantay. Waxay taxday meelaha ay ninkaa Wahaab kaga duwan tahay. Sallida nebiga, oo qasiidadeeda u badnaa, iyo xubbiga Eebbe oo qalbigeeda ku weynaa ayaa ka mid ah, ayay tidhi. Raggaasi u ma qiimeeyaan labadaaa sida Suufiyadu u qiimayso.

Baska baasi goormuu soo gaadhay meeshii aan ku degayay? In ay meeshii tahay mabaan ogaadeen e, daaqadda bilaa daaha ah ee ishu igaga dhacday maxaa i fadhiisiyay? Aniga oo dareemaya in aan qasbanahay, ayaan diwaralkii wayddiistay in uu joogsado. Suufiyaddii baskuna waxay gashay khalaawo aamusnaan u badan, oo malaha waa sabab kale oo aan xaggeedii bidixda iga xigtay uga soo jeestay oo aana daaqadda midigtayda ah u jalleecay. Maskaxdaydu aad bay u guuxaysey markaan cagtayda la waayi gaadhay dhulka. Saacadihii xigay oo dhanna waxa igu dherernaa hadalcaddaanta iyo caqliga gabadhaasi ku soo bandhigtay carwadii bilaashka ahayd ee aan labada kun ee shilin ku soo galay!