Taan shalay ka cabanayay ayaan maanta samaynayaa (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

Wada- lahaanshaha dal la wada leeyahay waxaa ka ratibma xuquuq iyo waajibaad is garab-yaala, asalkabana, astaamaha lagu garto jiritaanka dal waa lahaanshaha Dhul, dad, xuduud la aqoonsan yahay, kheyraad, iyo inuu leeyahay calan, lacag, haykal dawladaeed dhamaystiran oo shaqaynaya, iyo dastuur laysla wada ogol yahay, dadka geyiga noocan oo kale ah ku noolina waa inay leeyihiin xuquuq siman marka ay timaado saami qaybsiga kheyraadka dalkaas laga helo, iyo qaybsiga kuraasta dawladnimo ee heerarka kal duwan ee qaab-shismeedka dawladnimo leedahay, iyadoo markaas cidda mindida daabkeeda haysa laga filayo inay u cadaalad fasho shacabka ay wada metelayso.

Isku darsankii labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee sanadkii 1960-kii,ee ay ka ratibantay Dhisitaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya, xukuumaddii ugu horeysay ee lagu dhawaaqayba, waxaa muuqatay in inta badan xubnihii golihuii wasiiradda ee la dhisayba ay wada qaateen Walaalihii koonfureed, halka ay walaalihii reer waqooyiguna heleen wax aan dhaafsiisnayn fara-guudkeed, waana tan ay ilaa iyo hadda ku cawdaan in la duudsiyay waqtigaas, cabashadani waxay noqonaysaa mid gar iyo xaq ah marka la eego sida wax u dhaceen waagaas, balse, isla xaqdaradaasi, waxay maanta ka dhexjirtaa isla reer Soomaliland dhexdeeda, bal u fiirso, Somaaliland, waxaa loo qaybiyaa deegaan-qabiileed ahaan dhowr dariiqo, 1. Beesha isaaq oo degta juquraafi ahaan dhulka dhexe, gadabuursi iyo Ciise oo dega Cidhifka galbeed, iyo Beelaha Hartiga oo dega Dacalka barri, waxaa iyguna jira beelo aan intaas midna ahayn oo iyaguna dega dacaladda iyo xudunta labadaba oo ay ka mid yihiin beelaha gabooyaha, Fiqishiniga, Madigaanka,  iyo qaar kaloo badan, Dhinaca kale,  markaad taas barbardhigto,, Xukuumadda u dhisay Madaxweyne Muuse Biixi, in ku dhow 72 magacaabisood (dikreeto) oo uu sameeyay ilaa iyo hadda, oo isugu jira wasiiro, Agaasime Guud, Maareeyayaal, Badhasaabo, Gudoomiyaal Hay’ado madaxbanaan,  59 ka mid ah,  ayaa kasoo jeeda Beesha Isaaq ee uu Madaxweyne Muuse Biixi kasoo jeedo, halka 14 keli ahina ay kasoo jeedaan beelaha kale ee Soomaliland sida Hartiga, Gadabuursiga, gabooyaha, Fiqishinga, Madigaanka, iwm, taasoo ah dheeli-weyn oo dhinaca caddaaladda ah, wax badana aan ka duwanayn tii reer waqooyiga ka heshay Koonfurta sanadkii 1960-kii, arinta layaabka sii lihina waxay tahay inay weli beelihii Isaaq ay aaminsan yihiin inaanay sedkoodii helin iyagoo helay 59/72.  su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, maxaa ninkii shalay caddaalad-darrada ka cabanayay, uu isla maanta u samaynayaa isla tii uu shalay ka cabanayay, mise, Soomaalidu waxay cadaaladd-daradda u taqaanaa markay iyada haystao oo qudha, ma diidani inay xaq tahay in sida loo kala tiro badan loo kala sed-bato, waana muhiim in la ogaado in Waqooyiga ay Koonfurtu ka tiro badnayd mujtamac ahaan marka la eego cabashadeenii saami qaybsiga ku salaysnayd 1960-kii, , laakiin, waa in miisaanku uu halkiisa dhacaa, oo aan tiradda badnaanta lagu qaadan sed iyo qurus dheeraad ah, Madaxweyne Muuse Biixi waxaa laga eegayay in 72 digreeto ee uu soo saaray ilaa iyo hadda ay xisaabtu noqoto 44-Isaaq, 28-Beelaha kale, balse, ma yeelin, arintuna waxay taagan tahay Ragg caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac.

Gunaanadkii, Waxaa Madaxweyne Muuse Biixi la gudboon inuu magacaabiisihiisa danbe waafajiyo caddaaladda, kana fuudhyeelo beelaha aan Isaaqa ahayn ee reer Somaliland, haddii uu rabo inuu madaxweyne ka ahaado Soomaaliland lawada leeyahay oo cadaalad iyo kalgacal kuwada  nool.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamou