Taariikh Faneedka Cumar Cabdulle Shoolli (WQ:Cumar Seerbiya)

Cumar Cabdulle Shoolli fankiisu waxa uu la kowsaday markii uu ku biiray ciidanka xoogga dalka oo uu ka mid noqday bilawgii lixdankii waxaana kooxda madaxda u ahaa Cismaan Aadan Xuseen (Askari). Isla Cismaan Askari ayaa u dhiibay heesta ugu caansan ee uu Cumar Shoolli qaaday ee “Ladnaan ku waara “ oo iyada oo muddo dheer laga joogo xilligii la allifay weli loo adeegsado xilliyada farxadaha siiba aroosyada . Cumar Shoolli ayaa heesta laxanka saaray codkiisana ku qaaday .

Marka laga soo tago caannimada heesta Ladnaan , Cumar Shoolli markii koowaad waxa lagu bartay heesta “ Waayahaye ku daayee wadadeed maraysaa ? oo uu isagu kula hadlaayey gabadh sheeko ka dhaxaysay.

Cumar Shoolli , wuxuu bartay Guitar-ka oo uu weliba ka mid noqday dadka lagu tixgeliyo aqoonta Guitar-ka , markii la isku daray kooxihii xoogga dalka , iyo labadii kooxood ee Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho , Shoolli waxa loo doortay xulka Musikistayaasha/ Musicians-ka tuma munaasabadaha gaarka ah , waxaanu qayb ka ahaa kooxdii tumaysay habeenkii koowaad ee heesaha hirgalay 1971 oo ay tartamayeen dad ay ka mid ahaayeen , Cadbi Xasan Dige , Xasan Aadan , Maxamed Aadan Isaaq, Ruqiya Cali Guutaale, Cumar Nuur Cabdulle Muxsin Cabdalla iyo hobolo kale.
Waxauu ku caanbaxay magaca Madalaaha hobolada Waaberi , magaca waxa u bixiyey Cabdalle Nuuradiin Maxamed oo ahaa hal-abuur sidoo kalena weriye (wuxuu allifay heeso uu Cumar qaaday sida heesta Abyan ) , sababta naanaystan uu ku qaatay waa isaga oo meelo kala duwan hal habeen caweysyo ama bandhigyo kaga qaybgala maalinkiina barnaamijkii Kedis ee tartanka Radio Muqdisho qayb ka ahaada.

Cumar Shoolli wuxuu Guitar-ka ka tumay riwaayado kala duwan sida , Qabrigii Jacaylka, Xuuskii Jacaylka , Dhedo Roob noqonweyday , Xuudbaa Liqay Jacaylkii, Wed iyo Wacad iyo kuwa kale . sidoo kale wuxuu tumi jiray qalab kala duwan oo Music-kada ah sida Kaban iyo Organka . heeso jacayl u badan oo uu qaaday ayaana jira .
Cumar Shoolli burburkii Soomaaliya ka dib wuxuu inta badan ku qaatay meelo ka baxsan Soomaaliya , isaga oo sidoo kalena u kala safray dalal ku kala yaalla afar qaaradood oo dunida ah.

Alle ha u naxariisto Cumar 14- April 2020 ayuu Muqdisho ku geeriyooday