Cumar Carte Qaalib, waxa uu ku dhashayย magaalada Hargeysa sannadkii 1930, waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu kaย baxay dugsi sare oo ku yaalla magaaladaย ย Cadanย ee dalka Yemen, markii dambe waxaย uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska.
Markii uu soo laabtay 1950-yadiiย waxaย uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinkaย Laascaanood , Hargeysaย iyo Berbera , Ingiriiskaย ayuu ku noqday sannadkii 1956ย ย isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,ย waxaย uu soo laabtay sannadkii 1958ย ย oo loo magacaabay maamule ku xigeenkaย dugsigii dhexe eeย Sheekh , markaa dibย waxaย uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.
Waxaย uu kaย tirsanaaย xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiskaย madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960, waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey.
Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda 1969 , waxaย uu noqday Madaxweynaha golahaย ammaanka ee Qaramada Midoobay 1972 ,ย sannadkii 1974 waxaย uu Soomaaliyaย ku daray ururka jaamacadaย Carabta .ย Waxaย uu xilka wasiirka arrimaha hayey illaa 1977.
7 June 1982, Cumar Carte Qaalib iyo 16 siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeenย dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed, waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Ismaaciil Cali Abokor. Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uuย xidhnaa, laakiin dilkiisa waxaย baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuuqda aadamaha, waxaana loogu badelay xabsi.
Waxa lagu hayey xabsi guri uu kuย jiray laba sanno, bishii January 1991, ayaa Maxamed Siyaad Barreย u macaabay Raโiisalwsaare si uuย u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u soo galay magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, waxa xukunka laga tuuray 26 January 1991.
Markii ayย dawladdu sii burburaysay, waxaย uu ugu baaqay ciidamadu in ay hubkoodu ku wareejiyeenย jabhadahaย dagaalka kula jiray, waxaana uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara oo colaadaha la isku afjaro.
Garabkii siyaasada ee jabhadii USC, ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaanaย uu isnaย Raโiisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib, oo jagadaasi hayey illaa bishii May 1993.
1993, waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.
Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax kaย noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galayย doorashadii dawladdahaย hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi.
Carte dadkaย yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi kartiย badan oo qunyar socodย ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.
Fiiro-gaar ah : Wixii aan ka tagay waa lagu dari karaa , wixii khaldana waa la sixi karaa .
Xigasho: Maxamed Boosh