Taariikh nololeedkii Mujaahid Maxamed Rooble Faarax “Guraaye” (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

 

 

Mujaahidkii ugu horeeyey ee lahaa gaadhigii ugu horeeyey SNM yeelato Muj. Maxamed Rooble Faarax (Guraaye), Horseedkii Hayaankii Dheeraa 1934kii-2006da

Addis-ababa oo aan tegay 11/5/06da ayaan ka soo noqday 20/5/06. Waxaan ku soo daabacayay Diiwaanka Maansada Cabdillaahi Suldaan oo aan muddo dheer ururinayay. Markii aan Hargeysa soo galayba waxaan ku war helay geeridii naxdinta lahayd ee Mujaahid Maxamed Rooble Faarax oo loo yaqaannay Guraaye oo ku dhintay Abu-Dabi 18/5/2006.

In uu inan-gobeed halgan xalaal ah soo galay yahay waxaad ku garataa maalinta uu god-galay oo ku suntan figta halgankii hubeysnaa ee uu naf iyo maalba u huray.

Intii aanan geeridiisa maqal in badan ayaan is-weydiiyay halka uu ku maqnaa waayo beryihii hore Hargeysa waan ku arki jiray. Bal se immika muddo sannado laga joogo ma aan arag. Dhowr jeer ayaan u holladay in aan wareysto halka uu ku danbeeyay. Saaxiibbo halgan-wadaag ah ayaanu ahayn.

Muddo immika laga joogo 26 sannadood ka hor ayaan bartay. Xilli caadiya ma ahayne duruuf-halgameed oo aad u qallafsan ayaanu isku barannay. Anigu keliday ayaan duruuftaa u soo badheedhaye, isagu isaga oo saddexan ayuu yimid. Isaga oo intaa ka badanna in uu yimid waa laga yaabaa, ee waxaan soo qaatay intii arkayay oo keliya.

Markii uu sida tooska ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd waxa la socday wiilkiisii curad iyo baabuur iska-roga ahaa oo casaa.

Waxa laga yaabaa in badan oo idin ka mid ah in ay wax caadiya maanta la noqoto in qof sidaa ku tallaabsado, bal se marka aad taariikhda dib ugu noqoto wax fudud oo si hawl yar lagu gaadho ma uu ahayn go’aankaas oo kale. Xilliyadaa go’aan-qaadashada noocaas ahi waxay u baahnayd ka-fiirsasho xoog leh iyo go’aan-qaadasho geesinnimo leh. 1982kii wax fudud ma ay ahayn in aad dagaal hubeysan ku qaaddo nidaamkii Siyaad Barre oo beryahaa ilkihiisu bed qabeen.

Xukunkiisa iyo cabsi-gelintiisu kuma ay koobnayn Soomaaliya oo keliya, bal se si fudud ayuu nidaamkaasi xilliyadaa wax kuugu yeeli karayay dalalka deriska ah oo dhan. Itoobiya iyadu waa ay ka sii xag-jirtayoo ilaa meelo durugsan oo aanu caqligaagu suurayn karayn ayuu nidaamkaasi ka talin jiray. Waxaan xusuustaa Xarshin oo aanu 1982kii degnay oo aanad maalintii dad ku salaama arkayn, bal se habeenkii inta dareenka lihi iyaga oo hagoogan kuu iman jireen. 1982kii waqti hore ayay ahayde, waxaan xusuustaa 1984kii xilliyo aanu tegi jirnay Jabuuti oo marka aad meelaha lagu kulmo sida makhaayadaha tagto la kala yaacayo oo in badani is-leedahay yaan lagugu arkin ama lagugu sawirin qofkan.

Sidaa ay ahayd in badan oo kale ayaa ku soo dhiirran jirtay in ay kuu timaaddo oo ku wareysato, kula socoto ama ku marti-qaaddoba.

Hudheelkii “Havana” ee Jijiga ku yaallay ee beryahaa iska ahaa qalcadda SNM ayaan ku bartay Maxamed Rooble Faarax oo loo yaqaannay Guraaye. Wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1934kii. Hooyadii waxay ahayd Khadiija Yuusuf. ku-sinnaan 1946kiina wuxu u wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku bartay sancada iyo farsamada Baabuurta iyo hawlo kale oo ganacsiga la xidhiidha.

Waqti ku beegnaa 1978kii ayuu Hargeysa ku soo noqonayaa oo degayaa ilaa tallowgiisii oo ku beegnaa 1982kii xilligaas oo si toos ah ugu biiray halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd.

Qofba xilli uu ku soo biiraba SNM dad badan ayaa isugu yimid. Maxamed Rooble Faarax wuxu ka mid ahaa rabac aan keligood imanne bal se yimid iyaga oo lammaan ama saddexanba. In kasta oo uu rabacaasi badnaa Guraaye mooyaane, waxa kale oo aan ka sii xusi karayaa: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo innammadiisii qaar ka mid soo kaxaystay iyo Suldaan Saxardiid oo isaguna wiilkiisii la yimid. Dad kale oo badan oo noocaas ahina waa ay jireen.

Maxamed Rooble Faarax markii uu SNM sida tooska ugu soo biiray, wuxu watay Iska-roga midabkeedu casaan ahaa oo Izuzu ahayd. Baabuurta xilligaa SNM u suntanayd ama u joogtay waxay ahayd iska-rogadaa Guraaye, Land-rover Aadan Saleebaan la soo tallaabay iyo Toyote uu la soo tallaabay Ciise Curaagte. Marka aynu dib u raacno keydka dokumentigii ku keydsanaa Xafiiskii Aroori (Jijiga) ee SNM, Iska-rogadaa Guraaye tafaasiisheedu waxay ahayd:

Nooca Baabuurka: Iska-roga Izuzu ah,

Lambarka: 53423,

Chasis Lambar: 1164331,

Engine Lambar: 807638,

La diiwaan-geliyay Bishii Meey, 1982kii.

Xilliyo badan oo ay SNM soo martay waxa ka mid ah xilligaas oo ay rarasho-gaadiid u haysatay Iska-rogadaa Guraaye oo keliya. Bal ka warrama! Xilliyo badan oo kale ayaa xigay. Waqti yar ka dib ayay noo soo tallaabeen gaadiid badan oo xagga Jabuuti soo maray. Waa ay ka mug weynaayeen kana casrisanaayeen iska-rogadii Guraaye, bal se marna qiimaheedii ma lumin oo da’ iyo mudnaanba waa ay sheegatay.

Maa daama xilliyadaa gaadiid iyada oo keliya ahaa, siyaabo badan ayaa loogu adeegsan jiray. Mar gaadiid wax lagu rarto ayay noo ahayd, marna gaadiid lagu duulo ayay noo ahayd.

Malahayga waa 1982kii. Saldhigba SNM waxay lahayd Durya oo keliya. Bar kulan ayaa laga dhigtay oo ciidan iyo saraakiilba halkaa ayaa la isugu yimid. Waxa loo ballansaana Bariga fog ee jiiddii tallowga ee Itoobiya oo dagaallo ka socdeen in loo gurmado. Land-roverkii iyo Iska-rogadii Guraaye ayaa bartii lagu diyaariyay.

Damal Cabdilqaadir Koosaar ayaa Taliye ciidan noo ahaa. Halkii baa ciidankii lagu fayliyay oo lagu saaray Iska-rogadii iyo Land-roverkii. Ciidankii oo aan meelba gaadhin ee Kaam-abokor ku dhow ayuu halkii dagaal ku qabsaday. Waa xilliyadii ay socdeen mushkiladihii laga soo gudbay ee la odhan jiray dagaallada dhabarka. Garo’ oo dad baa ninkii odeyga ahaa ee Siyaad Barre adduun kaga qaadan jiray annaga ayaa halkooda ku joojinayna, beladii ka raacdayna waa loo wada joogay.

Waa meelahan meelaha uu ka adeegayaa Guraaye, maa daama ay dagaallada noocaas ah ee dhabarku ka socon jireen degaammo uu Gooseygu ka mid yahay. Dhimashadii ugu badnayd ee SNM u dhacdaa waa tii 17/10/1984kii ee ilaa lixdanka Mujaahid ku shahiideen Burco-duurrey iyo Goosayga oo ay isla maalin dagaallo qorshaysani ka dhaceen.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyoe’, Maxamed Rooble Faarax oo loo yaqaannay Guraaye, baabuurkaas oo keliya uguma adeegin SNM bal se siyaabo badan ayuu halgankii hubeysnaa uga qayb-qaatay. Wuu ka odayeeyay. Taakulayntii, hub-ururintii iyo ciidan-ururintiiba wuu ka qayb-qaatay. Nabadaynti iyo heshiisiintii Beelaha ayuu door la yaab leh ka qaatay. Ciidanka iyo Beelaha ayuu u dhexeeyay.

Abaabulkii iyo hagiddii gaadiidleyda ayuu door lama-illaawaan ah ka qaatay. Wuxu ahaa Maxamed Rooble Faarax nin diimeed afkiisa iyo addinkkisaba laga nabad galay. Wuxu ahaa nin gaaban oo indho yar-yar.

Kaftan miidhan ayuu ahaa, halgankuna dhiig iyo dhuuxba wuu xulay. Maxamed Rooble Faarax wuxu ka mid ahaa foolaadkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail.com

www.dharaaro.com