Taariikhda Argagixisanimada Dowladaha iyo Ereyga “Terrorism” halka uu kasoo Unkamay (WQ: Dr Abdikarim D Hassan)

Inkasta oo ereyga Argagixiso (terrorism) uu ka mid yahay erey-yada warbaahinta, siyaasiyiinta iyo bulshada akademigu ugu adeegsiga badan yihiin hadana ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku waafaqsan yahay. Taasi waxa u sabab ah kala fogaanta danaha quwadaha aduunka oo mid kastaa rabo inuu ereygan u xambaariyo macne iyo nuxur isaga raali geliya si uu ugu fushado danaha istiraatijiga ah ee uu wato.

Dooda qeexitaanka dib ayaynu u dhigannay laakiin qormadan waxaynu ku eegaynaa Taariikhda ereyga “Terrorism”,  iyo halkuu kasoo jeedo, siduu inagu soo gaadhay, iyo cida hidaha u lahayd. Inaynu erey bixin kasta asalkeeda ogaano waxay inaga caawinaysaa in aynu fahano dagaal diimeedka ee inagu socda iyo weerarka Nebiga (SCW) lagu hayaa ujeedad laga leeyahay.

Fikrada iyo adeegsiga argagaxisonimadu waxay si adag ugu soohantahay taariikhda, falsafada, iyo dhaqanka yuhuuda iyo kiristanka, waa labada la isku yidhaahdo “Judo-christian”. Marka la raad guro dibna loo raaco bilowgii Ereyga argagixiso waxa markiiba taariikhda ka dhex muuqda kooxo Yuhuud xag-jir ahaa oo la odhan jiray Sicarii, kuwaas oo ku hubaysnaan jiray golxobyo afwayn, oo ay ku khaarajin jireen dadka ay is qabtaan; kooxahan oo uu xusay Josephus Flavius waxay ka horyimaadeen dawladii Rome sanadkii 70 AD, waxay ka mid yihiin mucaaradkii ugu horeeyay ee loogu yeedho Argagixiso. Inkasta oo ururo yaryar oo yuhuud ahi ay ka koryimaadeen Rome, hadana marka laga hadlayo adeegsiga siyaasad habaysan oo ku qotonka argagixin iyo cabsi abuurida waxa ugu horeeyay kacaankii faransiiska.

Taariikhda inta la ogyahay Ereyga terrorism waxa uu ka yimid ereyga faransiiska ah ee Terrorisme, oo isna laga soo dhanbalay ereyga Latin-ka ah ee Terror macnihiisuna yahay “cabsi xad-dhaaf ah” .

Markii u horaysay ee ereyga “terror” xeer sharci ah lagu dhex xuso waxay ahayd sanado yar uun kadib kacaankii faransiiska; markaas oo sanadkii 1793 golihii guud ee kacaanka faransiisku soo saaray xeer uu ku aqbalayo in argagixin wax lagu maamulo; dadka kacaanka faransiiska ka soo korjeedana lagu kiciyo guluf argagixineed. Mudadaad xeerka argagixinta faransiiska lagu maamulayay waxa loo bixiyay La Terreur (Reign of Terror) oo noqonaysa xukunkii argagaxa. Maximilien Robespierre oo ahaa hogaamiyaha kacaanka faransiiska waxa uu ku andacooday “Terror is nothing other than justice, prompt, severe, inflexible” argagixintu waxa weeyaan uun caddaaladii oo degdeg ah, xannuun kulul oo aan la leexleexin.

Gudi lagu magacaabay “nabad-gelyada dadwaynaha” oo loo xilsaaray fulinta siyaasadaha “argagixinta” ayaa iyana loogu yeedhi jiray “Terrorists” argagaxiye-yaal. Xiligaas ereygan argagaxiso waxa uu dalka faransiiska ka ahaa wax lagu faano oo loo fasiray in ujeedadiisu tahay ilaalinta kacaanka iyo horumarka dalka.Waxa taariikhdu sheegtaa in ilaa shan boqol oo kun oo qof lagu xidhay dalka faransiiska iyadoo la adeegsanayo sharciga argagixinta; todoba iyo toban kun oo qof ayaa la khaarajiyay iyadoo la adeegsanayo sharcigan argagixinta. Waxa la yaab leh in ninkii sharciga argagixinta hindisay ee kumanaanka qof ku khaarajiyay, waa Maximilien Robespierre’e, isna ugu danbayntii, kurka laga jaray iyadoo loo adeegsanayo isla sharcigii uu isagu alifay.

Muran kama jiro in Maximilien Robespierre iyo kacaankii faransiisku ay ahaayeen aabaha sharciga ah ee Argagixin wax ku hogaaminta: ciijinta mucaaridka, weetaynta iyo baraq-jabinta bulshada si ay u fududaato maamulideedu. Hasayeeshee, marka laga hadlayo falsafada aqoonneed ee usii bud-dhigtay suura galnimada Argagax-gelin wax lagu maamulo, waxaan la hilmaami karin faylasuuf iyo lataliye-siyaasadeed (philosopher and Political advisor) oo talyaani ah lana odhan jiray Nicollo Machiavelli (1469–1527).

Machiavelli buug caan ah (The Prince) oo uu qoray waxa uu ku leeyahay A prestige of cruelty” be used to maintain law and order and to torrorize potential political enemies: waa in la isticmaalo cunfi aad u heer sareeya oo “ili-qabatay ah” si loo ilaaliyo sharciga iyo kala danbaynta iyo si loo cabsi geliyo cadowga siyaasadeed ee iman kara. Machiavelli waxa uu leeyahay waxa hogaamiyaha u fiican in la jeclaado lagana baqo, laakiin marhaday adagtahay in labadu kugu kulmaan, waxa hogaamiyaha u amaan badan in laga baqo oo dadka uu cabsi iyo salbabaqe kurido si uu u muquunin karo. Ninkani waxa uu ka mid yahay aqoonyahanka tirada badan ee u sii geed-xaadhay adeegsiga siyaasada argagaxinta  ee xiliyadii danbe dowlado badan oo Yurub ahi ay ku dhaqmeen.

“Xukunkii Argagaxinta” ee faransiisku wuu ka wada duwan yahay dhamaan xukunnadii kale ee adeegsaday dhiig daadin iyo gowrac xad-dhaaf ah si ay dhidibada ugu taagaan dowlado aan waarin. Faransiisku waxa uu la gaar noqday, inuu ahaa, markii aad loo baadhay taariikhda casriga ah, dowladii ay isu-dumto wixii ay hanti, hub iyo abaabul heli karto si ay u xasuuqdo dad siyaasada iyo mabaadi’da kaga soo horjeeda iyadoo adeegsanaysay qaanuun u maxlelaya Argagixinta. Bruce Hoffman waxa uu leeyahay “Xukunkii Argagaxinta” ee faransiisku laba astaamood ayaa la wadaagay dhigiisa ururada argagaxisada qarniga 21 aad. Kow, waxa uu ahaa mid abaabulan, oo badheedh ah isla markaana nidaam ku salaysan. Marka labaadnn, hadafkiisa siyaasadeed ee ugu wayni waxa uu ahaa in uu abuuro bulsho cusub oo ka wanaagsan isla markaana bedesha tii hore ee ay dishoodeen musuqmaasuqa iyo sinnaan la’aantu; labadaas astaamoodba waa rukumada ay ku taagan yihiin inta badan ururada argagixisada ee casriga ahi. Sida taariikh-yahanadu xaqiijinayaan kacaankii faransiiska iyo aragtidii hogaamineed ee uu unkay waxay ahaayeen daraggadii lagu canqariyay hogaaminta ku salaysan argagaxinta, waxay ahaayeen degelkii lagu gardaadiyay ee uu ku tisqaaday.

Fikrada siyaasadeed ee “Argagaxintu” waxay ku fiday Yurub oo dhan; ruushka waxa fikradan la wareegay oo sii naaxiyay Mikhail Bakunin (Dhashay May 30, 1814, Premukhino, Russia—dhintay July 1 1876, Bern  Switzerland) oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaada  “Anarchism” ama “Qaswadeenada”  iyo Sergey Nechaev oo isna ahaa argagiso mudo dheer u dagaalamay mabda’a “Nihilsim”. Iyagoo ka dhimbiil qaadanaya fikradii ragaa hore ayaa Nikolai Morozov iyo koox uu hogaaminayo waxay dalka Ruushka ka aasaaseen ururkii argagixiso ee ugu horeeyay The Narodnaya Volla (People’s Will) oo magaciisu noqonayo rabitaanka dadwaynaha; marka taariikhda casriga ah laga hadlaayo. Ururo kuwaas la mid ah ayaa ka samaysmay Serbia, Hungry iyo Germany. Serbian Black Hand waxa uu ahaa ururkii argagixisada ee sababay dagaalkii koobaad ee aduunka markay shirqool kudileen Archduke Ferdinand iyo xaaskiisii 28 June 1914.

Wakhtigaa aynu ka hadlayno kelmada Argagixiso ee lagu tilmaansan jiray ururada yurub ka dhismay waxay lahayd dhadhan togan oo lala xidhiidho gobanimo doon, cadaalad raadis, dulmi la dagaalan waxaana loo arkayay in ay tahay hubka inta taagta darani kaga hortagto burjuwaasiyiinta, hantigoosadka, iyo imbiryaaliyada. Waxa la yaab leh in markii ugu horaysay ee kelmada “Terrorism” ay dunida islaamka usoo tallowday ahayd markii gumaysigii faransiisku qabsaday dalka Aljeeriya. Faransiisku waxa uu bilaabay inuu gumaysiga qabatinsiiyo muslimiintii reer Aljeeriya oo uu cagta hoosteeda geliyo. Waxa uu doonay inuu diintooda, dhaqankooda iyo afkoodaba ka masaxo; inuu Aljeeriya ka dhigo faransiis. Laakiin taasi way u socon wayday waxaana lagala horyimid iska caabin xoogleh iyo jihaad ay culimada islaamku hogaan u yihiin. Halkaas ayaa, sidii caadada faransiisku ahayd, dadkii faransiiska ka soo horjeeday, ee xaq u dirirka ahaa, lagu duray inay yihiin Argagixiso.

Ugu danbayn, erey-bixinta argagixiso-nimada iyo aragtiyaha musdanbeedka u ahiba waxay ku arooraan kacaankii faransiiska iyo bilowgii hore ee dhismaha jamhuuriyada faransiiska. Waxa sii dhidbay siyaasadii gunta-kasiibida ahayd ee gumaysta faransiisku kula dhaqmay wadamadii iyo bulshooyinkii uu xooga ku qabsaday. Maanta jamhuuriyada faransiisku cuqdad wayn ayay ka qabtaa taariikhdeeda, werwer wayna waxay ka qabtaan in, sida isbedelka dunidu u socdo, mar’uun lagula xisaabtamo godobihii ay ka gashay boqolaal milyan oo qof oo aduunka ku nool.

Siyaasadaha Islaam nacaybka ah ee Macron wado waxay salka ku hayaan in taariikhda godobaysan ee dalkiisa cid kale dusha loo saaro, amaba ugu yaraan la badhxo dheg xumada iyo nacaybka huursan ee bulshooyin badan u hayaan faransiiska. Taasna waxa lagu gaadhi karaa, waa sida Macron iyo faaliye-yaashiisu u fikiraane, in Muslimiinta, oo ah dadka ugu badan ee faransiisku jariimooyin ka galay, laga dhigo qaar mutaystay tacadiya loo geystay iyadoo loo sawirayo inay yihiin dib-u-dhacayaal cunfi badan oo khatar ku ah hab-nololeedka dadka faransiiska.

Allaah Mahad leh.