Taariikhda Dariiqooyinka Sheekh Iyo Xaaxi W/Q: Cali Cabdi Coomay

Aasaaskii Dariiqada Sheekh
Sayid-Aadan Axmed Samatar wuxuu markii hore aasaasay Dariiqada Sheekh qiyaas ku beegan badhtamihii sannadkii 1800. Wuxuu ka yimid dalka Sucuudi Arabiya, gaar ahaan magaalad Jeesaan, halkaasi oo ku soo bartay Qur’aanka Kariimka ah iyo aqoonta diinta Islaamka. Wuxuu soo maray magaalada Berbera ka hor intii aanu soo gaadhin deegaanka Sheekh ee uu Dariiqada ka aasaasay. Sayid-Aadan Axmed Samatar wuxuu deegaan ahaan ka soo jeeday beesha Ciise Muuse, Aadan Ciise, Reer Iidle.
Intaanu iman deegaanka Sheekh wuxuu maray goobo badan oo ay ka soo raaceen dhallinyaro badan kuwaasi oo doonayey inay bartaan Diinta Islaamka. Wakhtiyadaasi waxa deegaannadaasi ku xoog badnaa dagaallada iyo is-maandhaafyada beelaha wada deggan. Sayid-Aadan wuxuu xoogga saaray sidii beelahaasi loo walaalayn lahaa oo ay ugu midoobi lahaayeen hal ujeedo. Wuxuu sal uga dhigay inay ku walaallobi karaan dariiqa Ilaahay. Waana halka uu ka yimid magaca DARIIQADU. Dariiqadii waxa ay noqotay goob ay wada deggaan beello kala duwan oo ku walaaloobay dar Ilaahay, ilaa maanta ay sidaasi tahay.
Aasaaskii Dariiqada Xaaxi.
Dariiqada Xaaxi waxa ay u dhowdahay magaalada Oodweyne. Dariiqada Sheekh ayaa ka da’ weyn ta Xaaxi. Markii uu Sayid-Aadan Axmed Samatar ka yimid dhinacaa iyo Sheekh isaga oo ay la socdeen koox wadaaddo Carab ahi, wuxuu soo gaadhi deegaanka Bandacaw, halkaasi ayey yidhaaheen waa halkii aynu u soconay. Wixii ugu horreeyey ee ay dhiseen wuxuu ahaa Masaajid ay ka dhiseen Duur ama qoryo yar yar.
Masaasjidka dhinaciisa waxa ay ka qodeen ballay weyn oo ilaa maanta reer Xaaxiyeed u yaqaannaan Berked. Waxa ay ku beereen afar geed ama shan geed oo Gob ah, oo ilaa maanta magacyo kala duwan loo yaqaanno. Hablihii uu dhalay Sayid-Aadan Axmed waa la wada guursaday oo qaarkood waxa lagu guursaday Xaaxi. Maryan Sayid-Aadan Axmed waxa guursaday Sheekh Muuse oo noqday Sheekhii ugu horreeyey ee ay Dariiqada Xaaxi yeelato. Sidoo kale Saciido Sayid-Aadan Axmed carruur ay dhashay ayaa ka mid noqday culimada Dariiqada Xaaxi.
Tixraac: Sayid-Axmed Dhegay (2024)………..Taariikh ku saabsan Guriga Dariiqada Sheekh. 850—2000.
Like

Comment
Send