Taariikhda Jasiiradaha Sacaadadiin Iyo Ceebaad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Magaca jasiiradan Sacaadadiin waxa loogu magac-daray boqor la odhan jiray Maxamed Sacaadadiin oo xukumayey deegaanka Saylac wakhtiyadii dawladii Cusmaaniyiinta. Maxamed Sacaadadiin waxa lagu diley oo lagu aasay jasiiradan magaciisa huwan illaa maanta sannadkii 1415, markii uu dagaal dhexmaray boqor Xabashi ahaa oo la odhan jiray Yeshaq oo xukumayey dhulka Itoobiyada maanta. Jasiirada Sacaadadiin waa tan ugu weyn Soomaalilaan.

Jasiiradani waxa ay magaalada Saylac ee caasimada gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan u jirtaa masaafo dhan lix mayl, kagana beegan dhinaca waqooyi galbeed. Jasiirada Sacaadadiin waa jasiirad ku habboon dalxiiska Soomaalilaan, wuxuu Ilaahay ku manaystay qurux dabiici ah oo ay ugu horayso dhir jilaal iyo gu’cagaaran oo aanay indhuhu marnba ka xiiso goynayn.

Jasiiradda waxa dhexmara gacan sida webiga ah, waxaana dhinacyada ka xiga dhir cagaaran oo aad u tiro badan. Dhirta ku taalla jasiiradani maaha mid ka baxda guud ahaan Soomaalilaan, waxaana dhirtan siidhkooda keenay oo beeray dawladii Cusmaamiyiinta ee wakhtiyadii hore xukumaysay deegaankaasi ka hor intii aanu Ingiriisku iman Soomaalilaan. Dhirtan waxa ugu caansan geedka la yidhaa’’QANDALKA’’oo leh cagaar saa’íd ah oo meel fog lagu arkaayo cagaarkiisa. Jasiirada waxa ku yaalla barkad ay ku dhacaan biyaha roobku, oo uu dhisay Turkigu. Bilicada, daganaanshaha iyo nimcooyinka badan ee Eebe ku galaday, waxa ay naftu ku odhanaysa ha ka tegin.

Jasiirada Sacaadadiin waa mid dabicii ahaan soo jiidanaysa dalxiiseyaasha Soomaalilaan, geeska Afrika iyo guud ahaanba caalamka, marka laga qiimeeyo quruxda iyo deganaanshaha uu Ilaahay ku manaystay.

Sooyaalka Jasiirada Ceebaad

Jasiiradan Ceebaad waxa ay kaga duwan tahay jasiiradaha kale waa meel kulmisa shimiro fara badan oo ka soo kala socdaala dhul kala duwan oo adduunka ah. Shimiraha qaar ka mid ahi waxa ay deganadaadan sannadka oo dhan oo ay ku dhalaan, qaar kalena waxa ay ka yimaadaan dalalka bariga dhexe, sida, Ciraaq, Sucuudiga, Cumaan, iyo waqooyiga Yaman.

Dhammaan shimirahaasi waxa ay ka qayb qaataan quruxda iyo soo jiidashada jasiirada Ceebaad. Jasiiradani waxa ay deegaan rasmi ah ahayd xilligii dawladii Cusmaaniyiinta, waxaana ku yaalla noobiyad ay maraakiibta waaweyni adeegsan jireen. Ceebaad waa jasiirada labaad ee ugu weyn Soomaalilaan, waxaana ka weyn oo keliya jasiirada Sacaadadiin. Ceebaad waxa ka baxa caws iyo daaq aad u qurux badan, waxaanay hodan ku tahay kalluumaysiga. Waxa wakhtigan saldhig ku leh ciidamada ilaalada xeebaha Soomaalilaan. Waxa jasiiradan isugu yimaadaa doonyo fara badan oo ka kala yimaada dalalka jaarka ah oo u socda kalluumaysiga si ay uga kalluumaystaan uguna nastaan.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

https://wikivisually.com/wiki/Zeila_Archipelago

http://wikimapia.org/8433361/Sacadadiin-Island

http://www.safarisomalilandtour.com/index.php/tourism/special-tour/zeila-and-sacadadin-island