Taariikhda xil ka xayuubinta madaxwayne ee maraynkanka “History of Impeachment” (WQ: Sacad Muuse Cumar “Sacad-Makaawi”)

Dastuurka mareykan waxa uu dhigayaa in madaxweynaha hadii lagusoo eedeyo khiyaamo iyo ku tagrifal awoodeed (high crimes and misdemeanors)xilka laga xayuubiyo, iyada oo marka golaha wakiiladu soo ansaxiyaan, usoo gudbiyaan golaha senate ka, halkaas oo maxkamad laga furo golaha senate ka, ka dibna aakhirka ay cod u qaadaan, laguna tasdiiqin karo uun cod ah 3/2.

Taariikhda ma badna inta ay dhacday soo gole-joojiyintu lkn 4 m.weyne ayey soo martay oo kale ah:

1. Andrew Johnson 1868, oo lagu eedeeyey awood ku tagrifal, ka dib markii golaha hoose ee wakiiladu meel mariyeen xil ka xayuubintiisa, aakhirkii golaha Senate ka ayaa uu ku badbaaday.
2. Richard Nixon 1974; oo lagu soo eedeeyey ku tagrifal awoodeed, ka dib markii ay madmadow badan iyo raad badan kaga soo baxay fadeexadii “Watergate(watergate scandal)” ee loogu dhacay xafiiska xisbiga dumuqraadiga, lkn markii golaha wakiiladu ay ansixiyeen xil-ka xayuubintiisa, intii aanay bilaabmin maxkamadeynta iyo codeynta senate ku ayuu is casilay August 1974. (Waa m.weynaha kaliya ee ku baxay).
3. Bill Clinton 1998/1999; eedo badan oo ay kamid ahayeen fadeexadii “whitewater” iyo tii aad ka u caan baxday ee “Lewinsky”(inantii aqalka cad ka ahayd intern ka ee odeygu xodhiidhka la yeeshay) ayaa igu waaweynaa eedaha ay daaranayd xil ka xayuubintiisu, ka dib markii uu ogolaaday golaha wakiiladu, loona gudbiyey golaha Senate ka oo maxkamdeyntu ka furantay, aakhirkii wuu ka badbaaday in Senate ku xilka ka xayuubiyaan.
4. Donald Trump 2019; eedaha ugu weyn ee loosoo jeediyey ah fadeexada ku saabsan in uu awoodo shisheeye u adeegsaday inay faragaliyaan siyaasada maraykan sida (faraglintii Russia ee doorashadii 2016, maxkamada uu ku dirqinayey m.weynaha Ukraine inuu ku qaado qoyska Baden oo ah kuwa ugu fadalo cad xisbiga dimuqraadiga) iwm. 2dan article ayeyna dacwadiisu daaranthy: “power abuse” ku tagrifal awoodeed & “obstruction of Congress/justice”. 19, Dec ayey caawa xil ka xayuubin u codeeyeen golaha wakiiladu, waxa loo gudbin doonaa golaha senate ka oo maxkamad iyo codeyn ka dib sar-jari doona masiirka iyo halka ay ku danbeynayso.