Taariikhyahankii Tabcaansanaa (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Hugiisa iyo muuqiisa dadku inta badan hoosba uma eegaan, wuxuu se hayaa taariikh iyo tusaalooyin uu in badana akhriyey inna uu dadka waayeelka ah ee uu inta badan wehesho ka dheefay. Dadka aad uma dhexgalo, wuu fiirsi badan yahay, kuu arko inuu wax ka fahansan yahay taariikhaha adduunka iyo tan Soomaalida ayuu sheekada ku darsadaa. Isna waxba u kordhiyaa isna waa loo kordhiyaa wixii lagu dhaamo. Dadka maskaxdu madhan tahay ee qaylada badan wuxuu dadka kula taliyaa in aanay dhegaysan oo wuxuu u yaqaanaa inay ku xigmad guurayaan haddii ay dhegaystaan. Wuxuu xiiseeyaa doodaha cilmiga iyo caqliga ku dhisan ee ay ka madhan tahay cadhada iyo caadifadu.
Wax xannuun ahi ka muuqato, mase fayooba, oo markuu hadlayo waxaad moodaa inuu hadalka aakhiro ka soo qaadayo. Tolow ma xannuunbaa mise waa abuur uu iska leeyahay? Mooyi, labadaba ka filo. Wuxuu si aan xaasidnimo lahayn dhallinyarta ula wadaagaa wixii sooyaal ah ee uu hayo. Wuxuu yidhi “ Borobangaadadu waa dagaalka badhii ayuu Talyaanigu ku maahmaahaa” Dhawr taariikhood ayaa goga noo geliyey, meel aanu dhawaan ku kulanay.

= Abraham Linclon wuxuu ahaa ninkii laga bartay in aanu qofku ka hadhin hadafkiisa. Wuxuu dhashay sannadkii 1809. Muddo ku dhaw soddon sanno ayuu kolba guuldaraysanayey, haddana kamuu hadhin wixii uu doonayey. Sannadkii 1838 ayuu u tartamay guddoomiye Baarlamaan kumuu guulaysan. Haddana sannadkii 1848 ayuu ku guuldaraysatay inuu dib u galo aqalka Kongareeska, sidoo kale sannadkii 1854 ayuu laba jeer ku guuldaraysay inuu galo golaha Sanadka Maraykanka iyo madaxweyne ku xigeen uu isu sharraxay. Dhammaan waxaasi oo guuldaro ahi kumuu niyad jabin, aakhrikii wuxuu ku guulaystay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka sannadkii 1860. Markaad sooyaalkaasi aragtaan wax ku qaata oo beddela dhaqankan Soomaalida ee fudaydku ku buuxo.

Haddana wuxuu raaciyey tu kale
= Habartii Raysal wasaaraha ka ahayd dalka Israa’iil intii u dhexaysay 1969—1974 oo la odhan jiray Golden Mayer, waxa ay ahayd habar adag oo inkaar ah. Waxa ay asal ahaan soo jeeday dalka Ruushka gaar ahaan jamhuurriyadda Ukraynta maanta. Waxa ay ka mid ahayd dadkii halgan dheer u soo galay in Yuhuudu dawlad loo sameeyo oo weliba la dejiyo dhulkii awowyaashooda oo ay haatan degan yihiin. Iyada oo xilka ku cusub oo markaasi uun loo dhaariyey xilkii Raysal wasaaronnimo sannadkii 1969, ayuu nin Yuhuudi ah oo asalkiisu ka soo jeedo Ustareeliya oo la odhan jiray Micheal Rohan uu dab qabadsiiyey Masaajidka Qudus. Haddaba saxaafadda ayaa habartii weydiisay maalimihii nolosheeda ugu naxdinta badnaa? Waxa ay ku jawaabtay “ waxa iigu naxdin badnayn aniga oo xafiiska bilo kooban jooga ayaa la gubay Masaajidka Qudus. Waxa aan ka naxsanaa tallaabada ay carabi qaadi doonto, hasayeeshee waxa aan aad u farxay maalintii xigtay oo aan ogaaday in aanay carabi waxa halis ah u aragba gubitaanka Masaajidka”.

Cajiib waa ninku akhris badanaa, wallee sidaanu afkiisa u eeganayn ayaanu danahayagii seegnay. Haddana wuxuu ku daray.
= Barriba la xaday nin ganacsade ah gurigiisa. Ninka ganacsaduhuna wuxuu ka shakiyay in cidda xaday ay tahay qof shaqaalaha gurigiisa ka tirsan. Si uu u helo tuugana, wuxuu u tagay nin degaanka magac ku laha oo maskax badnina lagu tiri jiray, lanana odhan jiray Hollac.Ninkii Hollac markii sheekadii looga sheekayay, ayuu tagay gurigii ninka la xaday. Wuxuun isugu yeedhay dhamaan shaqaalihii guriga joogay oo dhan. Wuxuuna waydiiyay inay sheegan cidda wax xaday. Waana la wada dafiray.
Markaad ka dib ayuu fikiray ninkii Hollac. Wuxuu soo qaaday ulo is wada leeg, wuxuuna siiyay dhamaan mid kastoo ka mid ah shaqaalihii. Wuxuuna ku yidhi, “Qofka wax xaday ushiisu barri 2 Inch bay ka dheertahay ulaha kale”. Wuxuuna ku amray in barri halkaa la isugu yimaado iyadoo nin walba ushiisi sito.

Maalintii dambe ayay soo wada xaadireen nimankii shaqaalaha ahaa. Dabeeto markuu wada eegay ulihii, ayuu ninkii Hollac wuxuu arkay in ul ka mid ah ulihii u nimanka siiyay ay 2 inch ka gaaban tahay ulihii kale. Wuxuu yidhi, ” Waakan ninka wax xaday; tuuga ha la qabto.”Ninkii ganacsadaha ahaa ayaa dabeeto waydiiyay Hollac siduu ku gartay ninka wax xaday. Wuxuuna ugu jawaabay, “Ninka wax xaday wuu bacaysan yahoo, xalay buu ushiisi gaabiyay isagoo is leh ushaadu ulaha kale ayay ka dheeraan doonta”.

= Markii dawladii kacaanku qabsatay xukunkii Soomaaliya ayuu Faarax Galooley tegay “Af-gooye” afkana maro ku xidhay. waxa arrinkii loo sheegay Madaxayne Maxamed Siyaad Barre, kadib wuxuu amray Siyaad in loo yeedho Galooley, Markii loo keenay madaxwaynihii wuxuu waydiiyey sababta uu afka iskaga xidhay!? Wuxuu ku jawaabay Faarax Galooley “Afkaaga Hayso ama Af-wayne Raac ama Afgooye aad”. Kadib waxaa loo fasaxay inuu xor u yahay aragtidiisa.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com