Tallaalka Caruurtu miyuu Sababaa Autism-ka? Q.3aad (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Waa su’aal dood wayn dhalisay labaatankii sano ee ugu danbeeyay. Inkastoo si isdaba joog ah si cilmiyaysan loo beeniyay in tallaalku keeno Autism-ka, hadana waxa wali jira dad shakigaasi kusii jiro oo aan si buuxda u aaminin tallaalka caruurta, qaar kale ayaa hormuud u noqday kacdoon xoog badan oo kasoo horjeeda dhamaan noocyada tallaallada iyagoo ku andacoonaya in tallaalladu yihiin aafo caafimaad oo ubadku aanay u baahnayn.

Hadaba aynu bal dib u milicsano halka ay salka ku hayso in tallaalku sabab u noqon karo Autism-ka. Dadka ku doodaya in Tallaalku sababo Autism-ka waxay ka duulayaan Laba hindiye (Hypothesis) oo mid walba xidhiidh ka dhexaysiinayo maadado sanaaci ah oo tallaalada qaar kujira iyo Autism.

Hindisaha koobaad waxa hormuud u ah Dr Andrew Wakefield oo shaqaale ka ahaa cusbitaalka la yidhaa the Royal Free Hospital oo kuyaal London, ayaa 28-February-1998 isaga iyo koox uu madax u ahaa ay cilmi baadhis ku faafiyeen Joornaalka lagu soo bandhigo cilmi-baadhisaha caafimaadka ee la yidhaahdo The Lancet.

Dr Andrew Wakefield cilmi-baadhistiisa waxa uu ku soo qaatay 12 caruur ah oo dhamaantood Autism qaba. Sababta uu 12 kaa caruurta ah u xushay waxay ahayd, caruurtan dhamaantood (waa sida uu isagu sheegtaye) waxaa Autism laga helay bil ka dib markii ay qaateen tallaalka lagaga hortago saddexda xannuun ee Measles-Mumps-Rubella (MMR). Caruurta waxa kale oo lagu arkay astaamaha calool xannuunka, iyadoo waliba markii la baadhay uur kujirtooda, iyadoo la adeegsanayo mashiinka Ultrasound-ka, lagu arkay in qan-jidhada mindhicirka ku taxani ay barareen: xaaladan oo lagu magacaabo Lymphoid Nodular Hyperplasia.

Marku saddexdaa arimood ee kulmay- (Autism ka, xannuunka dheef-shiidka, iyo qanjidhada bararay)-waa sida uu is yidhiye- isu geeyay ayuu Dr Andrew Wakefield wuxuu gunaanadkii cilmi baadhistiisa ku soo ururiyay: Tallaalka MMR wuxu xannuun ku keenaa dheefshiidka caruurta (Gastrointestinal inflammation), taasina waxay sababtaa in dahaadhka gudaha ee mindhicirku dhaawacmo, dhaawacaasina waxa uu fududeeyaa in Barootiino (Encephalopathic peptides) sida dabiiciga ah u gudbi karin dhiigu ay fursad u helaan in ay dhiiga galaan.

Barootiinadani dhiiga waxay uga sii gudbaan Maskaxda; halkaas oo ay khalkhaliyaan koritaanka maskaxda ilmaha oo ugu danbayna ay sababaan Autism-ka. Sidaa ayuu Xidhiidhka noocaas ah Dr Wakefield uga dhexaysiiyay Tallaalka MMR iyo Autism-ka.

Hindisaha labaad ee dadka qaar u daliishadeen in tallaalku Autism keeno waxa weeye Maadada Thimerosal oo ah maadad loo adeegsado in la isku rakibo tallaalada dhowr nooc isugu jira. Maadadan Thimerosal qayb ka mid ah dhismaheedu waa Mercury la khafiifiyay (50% Ethylmercury in weight). Mudo hada kusiman konton sano ayaa maadadan loo adeegsanayay samaynta tallaalada. faa’iidooyinkeeda waxa ka mid ah in ay disho bakteeriyada.

Arinta buuqa maadadan kusaabsan abuurtay ayaa ah in sanadkii 1997 hay’ada Marayka u qaabilsan cuntada iyo dawooyinku waxay sheegtay in caruurta tallaalada farabadan qaadanaysaa ay jidhkooda gasho isugayn 187.5 microgram oo mercury ah. sida la ogyahayna Mercury waxa wax yeeshaa maskaxda iyo nerfayaasha. halkaas waxa ka dhashay muran odhanaya in Tallaalku marhadii mercury ku jirto uu Autism keeni karo.

Wixii xiigaas ka danbeeyay Thimerosal waa lga daayay in lagu daro tallaalka samayntiisa, Laakiin Autism kii muu yaraan, waabuu sii batay, taasina waxay cadaysay in maadadani aanay sababta ahayn

Dr Wakefield cilmi-baadhistiisu waxay yeelatay god-daloolooyin iyo iino faro badan oo aad u dhaawacay run-nimadeeda, ku kalsoonaanteeda iyo aqoon galnimadeeda intaba (reliability, and validity). Sida lagu yaqaan cilmi baadhista dhabta ah, waa in ay u adkaysan kartaa naqdinta, isla markaana waa in loo raaco habka cilmi-baadhisaha ee caalamiga ah (the scientific method).

Ugu yaraan kow iyo toban jeer ayaa kooxo cilmi-baadhayaal ah ay isku deyeen in ay tijaabadii Dr Wakefield dib u sameeyaan oo ay gunaanadkiisa oo kale soo saaraan. Laakiin taasi way suuro geli wayday, sababta oo ah Dr Wakefield wuxuu ka been sheegay sida uu u sameeyay cilmi-baadhistiisa. Wuxuu dhinac maray shuruudaha looga baahan yahay cilmi-baadhisaha saxda ah.

Kadib waxa baadhitaan sharci bilaabay The General Medical Coucil oo ah hay’ada u qaabilsan UK dabagalka iyo kormeerida dhakhaatiiirta, waxay ogaadeen in Dr Wakefield uu ku talaabsaday khiyaano iyo wax-isdaba marin markii uu cilmi-baadhistiisa samaynaayay.

Wuxuu alifay macluumaad aanu ka helin caruurtii uu daraasada ku sameeyay, isagoo macluumaadkii uu ururiyayna in badan iska tuuray oo aan daraasada ku darin. Waxa kale oo lagu helay in uu lacag gaadhaysa £500,000 in shirkad kuwa dacwadaha ooga ahi ay ku maalgelisay daraasadiisa. Shirkada qareenada ah oo ujeedadoodu ahayd in ay dacwada magdhow doon ah ku qaadaan shirkada samaysa tallaalka MMR iyo wasaarada caafimaadka iyagoo matalaya waalidiin cadhaysan oo isku qanciyay in caruurtooda oo Aurism qaba ay kukeentay tallaalku.

Mudooyinkii wakhtigaas ka danbeeyay waxa la sameeyay cilmi-baadhitaano balaadhan oo lagu qabtay wadamada UK, Maraykan, Canada, Australia, Germany iyo Holland. Daraasadahan oo marka la isku geeyo ay ka qayb qaateen in kabadan 20 million oo caruur ah oo la tallaalay ayaa dhamaantood aan helin wax xidhiidh ah oo u dhexeeya tallaalka MMR iyo Autism, Habayaraatee.

Dr Wakefield waxa laga qaaday liisankii dhakhtarnimo, waxa laga cayriyay shaqadii cilmi-baadhiseeda, waana la ganaaxay. Wargeeska The Lancet isaguna wuu ka laabtay faafintii uu faafiyay daraasadii Dr Wakefield, halkaana waxa ku cadaatay in cilmi-baadhistiisu ay ahayd mid bug ah oo aan sal iyo raad lahayd.

Hasayeeshe talaabooyinkaas oo dhami may demin shakigii ay daraasadiisu abuurtay, muranka kusaabsan tallaalka iyo Autism-kana wali dad ayaanay kalsoonidii usoo noqon. Waxase xaqiiqo in aanay jirin wax sabab ah oo u dhaxaysa Autism-ka iyo Tallaalka.

La soco qaybta danbe

https://www.bmj.com/rapid-response/2011/11/03/vaccines-and-autism-case-misplaced-trust