Tallo ku socota Madaxwaynaha (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Marka la eego qaab dhismeedka ay u dhisan yihiin wasaaradaha wadanka Somaliland , Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa qaabilsan Amaanka iyo Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka , marka la eego waajibaadka culus ee arrimahaasi koobsanayaana wasaarad keliya ku culus.

Sidaa markay tahay , iyadoo lagga shiidaal qaadanayo baahidda wayn ee loo qabo in Dawladda dhexe gacan wayn ku yeelato , horumarinta magaalooyinka , dejinta siyaasadda guud ee magaalooyinka , dhismaha maamuladda gobolada iyo horumarintooda iyo waliba xaqiijinta helista adeegyadda aasaasiga ah ee xeerka maamulka Goboladda iyo degmooyinku ku waajibinayo dawladda hoose , waxaa haboon in Wasaaradda Arrimaha gudaha loo qaybiyo laba wasaaradood oo kala ah , Wasaaradda Dawladaha hoose iyo horumarinta marinta magaalooyinka iyo Wasaaradda Amniga Qaranka.

Wasaaradda Dawladaha hoose , waxay u madaxbanaanan lahayd dhismaha iyo horumarinta dawladaha hoose ee hawl-gabka noqday Wasaaradda Amniga Qaranku , waxay la jaanqaadi lahayd nidaamka cusub ee Aduunayadda ka hirgalay wixii ka danbeeyey 2001 , kaasoo wadamo badani qaateen nidaamka la baxay Home land security , nidaamkaas oo laggu aasaasay Wasaaradd u gaar ah dhinaca amaanka .