Ma tahay arday/ardayad heer jaamacadeed ah ama mar dhow gelaya jaamacadda oo Soomaali ah oo dalkiisa ka shaqaysan doona, IA?
Ma hubtaa inay kaa go’an tahay inaad jaamacadda dhammaysato hadhowna ku shaqaysato isla aqoontaas aad ย ka baratay jaamacadda (academic) oo noqon doonto qof leh mihnad gaar ah oo lagu yaqaan (professional)?
Ma rabtaa in aanad weligaa shaqo beelin markaad jaamacadda dhammayso, marka laga reebo muddooyinka yar yar ee aad shaqo ka tagto ee mid kale u wareegayso, iwm?
Miyaa reerkiinnu yahay maalqabeen iwm oo shaqadii aad qaban lahayd miyay kuu sii diyaarsan tahay?
Haddii jawaabahaaga hore yihiin “haa” tan u danbeysaana tahay “maya”, fadlan imminka baro maaddooyinka “ad-adag” ee madax-wareerka ah laakin aan dalabkoodu weligii buuxsamin ee mar walba loo baahan yahay (high demand). Fadlan iska dhaaf maaddooyinka fudud oo baro kuwa adag ee dhibka badan waayo siday u dhib badan yihiin marka hore bay u dheef badan marka danbe adduunyadanna sideedaba ma jirto dheef si fudud lagu helaa ee wax walba waxa ka sokeeya hawl iyo dhidid (NO PAIN, NO GAIN).
Haddaad aragto meel dhibkeedu yar yahay waa meel dheefteeduna yar tahay marka laga reebo xaalado naadir oo mar mar dhacdo in hal qof ama dad tiro yar si fudud ku helaan dheef badan laakin taasi waa naadir naadirna laguma xisaabtamo (ุงููุงุฏุฑ ูุง ุญูู ูู).
Markaa marka hore ee aad yar tahay ogolow dhibta iyo hawsha adag waayo dhibta badan waa waxa qof ahaan ku dhisaya ee kaa dhigaya mid duruuf walba oo timaada la jaanqaadi kara. Haddaad imminka dhibka iyo oohinta diido mar danbe ayaad ka shallaayi doontaa ee imminka nafta xakamee oo waddo adag afka u saar.
Maaddooyinka ama kulliyadaha aan sheegayo qaarkood waa kuwa beryahan danbe ardayda Soomaalidu ugu neceb yihiin waxana ka mid ah:
1) caafimaadka iyo wixii la xidhiidha (oo noocyo badan ah marka horena u kala baxaya dad iyo xoolo);
2) dhaqaalaha iyo wixii la xidhiidha (accountancy/audit, finance, agribusiness, projects/production, etc.); iska ilaali Political Economics haddaad rabto inaad shirkadaha Private-ka shaqo ka hesho, weligaa isu badi dhinaca Financial Economics, iwm
3) Injineerinka iyo wixii la xidhiidha oo noocyo badan hana illaawin tiknaloojiyada casriga ah iyo shidaalka oo soo socda, IA.
4) macallinnimada iyo wixii waxbarasho la xidhiidha.
5) iyo qaar kaloo badan.
Arrimahaas shaqadoodu mar walba way taagan tahay inta dunidan Bani’Aadam ku nool yahay weliba waddankeenna qaarkood baa macduun ah oo cid qabata la la’yahay halka ardaydii jaamacadaha ka baxdayna ay meelahaas taagtaagan yihiin shaqo la’aan waayo waxay soo barteen waxyaabo kale oo aan shaqadooda lahaynin waqtigan.
Tusaale ahaan, waxad arkaysaa dhakhaatiirta qaarkeed oo marka qof buka u tago odhanaya “safku waa dheer yahay ee dhowr cisho ka dib soo noqo” mar marna ka badan ba intaas.Waxaas oo kale adduunka kama jiraan baan filayaa; dadkaas la gelinayo kayuuga dheer waa shaqadii ay qaban lahaayeen dadkii jaamacadaha ka baxayey labaatankii sano ee la soo dhaafay hadday baran lahaayeen mihnaddii ku saxnayd bii’adda ay joogaan (local context).
Waxa kale oo jira shaqooyin badan oo aanan halkan ku xusin oo fiican sida management, law, journalism, iwm sababtaan uga tegayna waad garanaysaa oo xagga hore ayaad iga fahamtay. Yacni, kuuma dammaanad qaadi karo inaad mar walba shahaadadooda shaqo ku helaysid gaar ahaan marka waqtigu xumaado oo wax walba ciriiri galaan waayo waa shaqooyin caqliga caadiga ah iyo “indho-adayg” lagu wadi karo mar marka qaarkood.
Shaqooyinka kor ku xusan haddaad si fiican u barato waan hubaa inaad maalin shaqo beelayn intaad xoogga tahay haddaan belo kale ku haysan. Laakin shuruudda fahan: waa inaad si fiican wax u barataa; lama rabo been-beeney iyo bajeellaha oo la iska qaato.
Ogow, markaan leeyahay shaqo waayi maysid uma jeedo inaad mar walba shaqo ka heli doontid shirkad weyn, dowladda, iwm. Taasi waa sida rajadu u badan tahay laakin waxad kale oo ku talogashaa inaad iskaa u shaqaysan karto oo noqoto curiye-ganacsi (entrepteneur), iwm.
Sidoo kale ogow haddaanad si fiican wax u baran xataa adigu si fiican uma shaqaysan kartid haddaanad ahayn dadka marka horeba aan waxbarasho gelin (uneducated class) ee iska bilaaba ganacsiga iyo xoogsiga kale ee caadi ah kuwaasina way fiican yihiin laakin ma aha mawduuca aan hadda halkan kaga hadlayo (waan se ka hadli doonaa mar kale, IA).
Halkan waxan kaga hadlayaa wixii khuseeya ardayda ka qalinjebisay dugsi sare kuwaas oo iyagana u sii kala baxaya labo qaybood:
A) dad u baydha dhinaca xirfadaha degdeg ah oo ah dadka neceb inay muddo dheer qalin iyo buug dabada hayaan; waa dad wanaagsan oo firfircoon waxay se aad ugu baahan yihiin dowlad xoog leh oo qorshe adag u dejisa. Markaas iyagana mar baan ka hadli doonnaa, IA.
B) Qaybta labaad waa dad doonaya inay sii wataan waxbarashada oo galaan jaamacad (academic) waana qaybta aan halkan kula talinayo kuwaas oo inta badan shaqooyin ka hela shirkadaha, dowladda, iwm dabeedna markay muddo shaqeeyaan iyaguna aakhirka u kala baydha labo waddo.
Qolada hore waa dhallinyaro markay muddo gaaban ( 3 ilaa 6 sano ugu badnaan) shaqeeyaan ka taga shaqada mushahariga ah (salaried) ee u baydha inay iskood u shaqaystaan oo mashaariic abuurtaan.
Ogowna waa muhim in qofku marka hore ku bilaabo shaqaalennimo waayo waxa u furmaysa maskaxdii shaqo iyo maamul (illeyn tii hore waxay ahayd maskax waxbarasho) oo wuxuu ka faa’iidayaa khibrad iyo weliba xidhiidh dad kala duwan oo laga yaabo inuu hadhow si uun uga faa’iido isbarashadii; mar walba waa muhim in qofku ku xidhan yahay dad badan oo shabakaddiisu ballaadhan tahay (connections).
Qolada labaadna waa kuwa aan ka tegin shaqadaas mushahariga ah ee muddo aad u dheer kasii shaqeeya, ilaa 30 iwm, ee ku raaga shaqaalennimada iyagoo inta badan u kala dabqaadaya loo-shaqeeyaal kala duwan (employers) qaarkoodna noqdaan madax sare oo laga heybadaysto gaar ahaan kuwa nasiib u hela shirkadaha iyo dowladda.
Laakin waxa dhiirranaan iyo caqli u baahan sidaad u qaadan lahayd go’aanka ah inaad shaqada mar hore ka tagto iyo inaad ku raagto.
Markan oo kale waxyaabo badan baa tixgelin u baahan oo qaarkood laga siman yahay qaarkoodna ay yihiin xaalado ama duruufo u gaar ah qofka markaas go’aanka qaadanaya.
Waxyaabaha qofka dhallinyarada ahi inuu ku xisaabtamo u baahan waxa ka mid ah ammaanka shaqo (job security), heerka dakhliga (pay), iyo horukac mihnadeed (career development), niyadda qofku u hayo, iwm.
Tusaale ahaan, haddii qofka dhallinyarada ay muuqato inaanu shaqadan waayi doonin muddo dheer kuna dallici karo sallaanka kala sarreeya (hierarchy) isla markaana la siinayo mushahar sare (good pay), iwm dee markaas ma jirto sabab uu uga tago shaqadiisa waayo mushaharooyinka iwm ee ay helaan shaqaalaha madaxda ah qaarkood waxay la mid tahay ama xataa mar mar ka sarreysaa faa’iidada laga helo ganacsiyada yar yar qaarkood.
Dhinaca kale, haddii qofka aanu waxyaabahaas kore, qaarkood, ku haysan meesha uu ka shaqeeyo amaba u rajaynayo inay u dheef badan tahay inuu madaxbannaanaado, dee, markaas waa inuu ka dal-doorsadaa dunida shaqaalennimada (E Group, employee) oo u wareegaa mid ka mid ah saddexda ilood ee kale ee lacag laga helo: inuu isagu isu shaqeeyo sida dakhtarrada, laoyarrada, iwm (self-employed, S group), inuu meherad furto (business, B group) taasoo ka rabta inuu joogto u maamulo, iyo tan u danbeysa oo ah inuu shirkad shaqaynaysa saami ku darsado (hadduu lacag haysto) oo dabeedna faa’iidada uun ka gurto (investor, I group).
Laakin ogow isma diidayaan afarta nooc ee aan kor ku sheegay oo qofku isagoo mid ku jira ayuu kuwa kalena ku jiri karaa ama mid gaar ah ayuu u go’doomi karaa waayo muhiimmaddu waa inuu qofku helo riziq xalaal ah oo ka madaxbannaan baryo Bani-Aadam (financial independence).
Intaas baan ku soo xidhayaa caawa talooyinkan yar yar ee ay kalliftay markaan arkay inay is-qardhaafsan yihiin waxa ardayda qaarkeed baranayaan iyo shaqooyinka suuqa yaal (job market) taasoo ay keentay ardayda oo aan marka hore helin jihayn wanaagsan markay dooranayeen takhasuska ay ku shaqo tegayaan.
Wa BillaahiTowfiiq.
Raygal Xasan