Talo iyo duco ku socota Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Haloow: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

 

Uj: Talo iyo Duco:

 

Mudane Madaxweyne, Waxa Rasuulkeenna-SCW- ka sugnaatay in uu yidhi: “Saddex qof ducadooda lama celiyo – waa la aqbalaa- 1) Qofka soommani marka uu afurayo. 2) Madaxweynaha caadilka ah. 3) Oofka dulman ee laga gardaranyahay-(habaarkiisa).

 

Mudane Madaxweyne, waxa aynnu u baahannahay in aynnu labada horena ducadooda hello, ka saddexaadna habaarkiisa ka badbaadno.

 

Mudane Madaxweyne, waxa aynnu ku jirnaa maalmo khayr badan oo tobankii ugu danbeeyey ee Ramadaan ayaa inoo bilaabmaya caawa, wakhtigu wuu innagu adagyahay, ma lihin xoog iyo xeelad la isku hallayn karo oo aynnu kaga badbaadno dhibaatada caafimaad ee cudurkan faafaya (Covid-19), dhibaatada dhaqaale ee uu keenay iyo xaaladaha bulsho ee uu abuurayba, keliya waxa aynnu filaynnaa samatabixinta Alle oo cidda isku hallaysa ku filan.

 

Haddaba si aynnu Alle qalbiyo nadiif ah oo isu laabxaadhan ugu barino, waxa innala gudboon in aynnu dulmanayaasha dulmiga ka dulqaadno oo habaarkooda ka baaqsanno.

 

Waxa xabsiga weyn ee Hargeysa ku xidhan dadka falal denbiyo ah loo xukumay oo muddo dhawr iyo toban sannadood ahaa lagu xukumay, way dhammaysteen xukunkoodii, haddana sannado dheeraad ah ayay sii xidhan yihiin, wax ay u xidhan yihiinna cid sheegi kartaa ma jirto, lama yaqaanno wakhti ay xorriyaddooda helayaan, keliya waxa la hubaa haddii ay dhintaan in xabaal loogu beddeli doono xabsiga!

 

Mudane Madaxweyne waxa aannu si xushmad leh kaaga codsanaynaa in aad arrinkaa gacangeliso oo dadkaas xorriyaddooda siiso, isla markaana u amarto in muddada ay xaqdarrada u xidhnaayeen magdhowga ay xaqa u leeyihiin la siiyo.

 

Mudane Madaxweyne, hore waxa aan u dhegaystay adiga oo marar badan u doodaya dadka xukun la’aanta u xidhan, waxa jira dad badan oo muddooyin badan xukun la’aan ugu xidhan xarumaha wax lagu xidho, dadkaasi way dulman yihiin, denbiilayaalla ma aha ilaa xukun maxkamadeed ku dhacayo caddeyn ka dib, qaarkood muddo bilo badan ah ayay xidhan yihiin!

 

Ugu danbeyn, mudane Madaxweyne, ummaddaada ku badbaadi CADDAALAD, SI DUCADAADA LOO AQBALO, HABAARKA DADKA DULMANNA INNAGA BAAJI si Alle dhibaatooyinka cudurkan iyo waxa uu wataba innooga badbaadiyo, bishan barakaysanna acmaasheenna loo aqbalo,  Alle-na dhammaanteen inoogu naxariisto.

 

Ilaahay waxa aynnu ka baryaynaa- waynnu soommanahaye – in uu aafooyinka iyo dhibaato oo dhan innaga dhawro, amniga inoo siyaadiyo, inta xanuunsanaysa caafimaad degdeg ah oo taam ah siiyo, inta caafimaadka qabtana cudur ka dhowro, inta dhimatay u naxariisto, culaysyada badan ee jirana dhammaantood innaga dulqaado – Aamiin yaa Rabbii.

Waa talo muwaadin, waa soo jeedin lexejeclo, ma helin jid aan kan ahayn oo aan kuugu soo gudbiyo.

Qolyihii Madaxweynaha warka siin jiray hadday taladan siiyaan ku danbaabi maayaan, Madaxweynuhuna kuma diidi doono, waxa aan rajeynayaa in ay shaqa fiican noqon doonto arrintaasi.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder.