Talo iyo Tilmaam Gollaha Cusub ee Borama (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

Doorashadii 31-May-2021, waxa ay dhiig cusub ku shubtay geedisocodka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, waxa ka soo baxay golleyaal cusub oo ka kooban golle degmo iyo gollaha  wakiillada kuwaasi oo sii ambaqaadi doona hawlaha hortabinta (priority activities) u leh dalka.

Doorashada danta laga lahaa waa in la helo golle inoo adeega iyo wakiilo si dhab ah u metela shacabka.

Muuse Biixi iyo Saylici, waxa ay dhigeen rikoodh ku cusub saaxadda doorashooyinka iyo geedisocodka  dimuqraadiyadda, waxa ay hal mar qabteen doorasho isku sidkan.

Golaha Deegaanka Borama, waxa ay ka mid yihiin golleyaashii cusub ee ku soo baxay doorashadii, waxa aan tallo iyo hoga tusaalayn waxtar u yeelan karta shaqada laga filayo ku kabayaa xubnaha cusub oo hoggaamin doona degmadda shanta sanno ee soosocota. Gollaha cusub waxa hortaala shaqo adag oo naf-hur iyo isbarbar taag u baahan, 13 xildhibaan waxa aan ka rabnaa in ay noqdaan mishiin dhaqaajiya Dowladda Hoose ee Borama. Dowlada hoose waa hay’ad waxa ay adeegga u dhaweysaa dadka, waxa ay bixisaa adeegyo lafdhabar u ah nolosha iyo dowladnimada. Sidoo kale dowladda hoose waa mishiinka fuliya/bixiya adeegyadda aasaasiga ah ee magaaladda, waa xarunta bud-dhiga u ah isbedelka, koboca iyo hormarka geedisocodka loogu jiro hiigsiga.

 Taladayda waxa aan ku soo ururinayaa 12 qoddob, qodobada qaar waxa aan ku ladhay faahfaahin

kooban.

1. Kordhinta horumarka degmada iyo koboca dhaqaalaha (Maximizing district development and economic growth)

2. Kor u qaadista miisaaniyadda degmada (promotion district budget).

Miisaaniyaadda DHB aad bay u hoosaysaa gollaha cusub ee deegaanka waa in shanta sano ee soo socota miisaaniyadda DHB gaadhsiiyaan $10 million koritaan koboca miisaaniyadda si sanadle ah waa in 64% korodhaa. Borama ugu yaraan waxa ay u baahan tahay in ka badan $10 million sanadkii si loo fuliyo waxqabad iyo mashaariic hormarka tiir dhexaad u ah.

3. Mudnaansiinta baahiyaha kala duwan ee arrimaha magaaladda (priorities the different needs of city).

4. Tayaynta aqoonta, xirfada iyo cududa shaqaalaha [Knowledge, Skill and Abilities (KSA)

Shaqaaluhu waa lafdhabarka meel kasta oo shaqo ka socoto, shaqaaluhu iyagaa horumarka keena ama dib-udhaca keena, inta badan sida aynu la socono shaqaalaha dawladaha laguma qaato aqoon iyo xirfad ee waxaa lagu shaqaalaysiiya qabyaalad iyo Nin jeclaysi, taasi waa arrinta keentay tayo xumo badan oo shaqo oo ka jirta goobaha shaqada intooda badan si gaara DHB, waxaa muhim ah in qaabkaa laga gudbo oo loo hayaamo in shaqaalaha lagu qoro aqoontooda , xirfadooda iyo waayo[1]aragnimadooda.

5. Adkaynt wadashaqaynta hay’adaha dowladda dhexe iyo DHB

Shaqo kasta oo la fulinayo waxaa udub dhexaad u ah wadashaqayn iyo wadajir hadba inta shaqo ka dhaxayso, guusha golahu waxay ku xidhan tahay wada shaqaynta fiican ee ay la abuuraan dowladda dhexe, maadaama qaab dhismeedka dalku yahay “Unitry System”, sidaa awgeed, horumarka Borama wuxuu ku xidhnaanayaa hadba inta ay le’ekaato wadashaqayntu. 6. Casriyaynta faylasha ruqsadaha dhulka qaab dhigitaal ah (updates ground license files on digit system).

Si magaaladdu ula jaanqaado magaalooyinka dunida, waa in DHB ka guurtaa hanaankii hore ee shati bixinta dhulka, oo u guurtaa hanaanka dhigitaalka casriga ah ee xog kaydinta, si loo yareeyo in hal jago laba jeer la wada caseeyo (Red highlighting), hanaankani waxa uu suurtogalinayaa in ay sugnaato bogcada jagada, xaafada ay ku taal, dhisme lamarkii, sakad lambakii iyo jid lambarkii guud ahaan.

7. Hormarinta dimuqraadiyadda (democratizing development)

Golayaasha deegaanku dunida door muhiima waxa ay ka ciyaaraan kobcinta iyo fidinta dimuqraadiyadda maxalliga ah, waxa la idinka sugayaa in aad maamul daadajin samaysaan tusaale waa in gudoomiyayaasha waaxyaha iyo degmo hoosaadyadda la soo doortaa, si dadku ugu bislaadaan is[1]xukunka iyo doorashadda.

8. Isdhexgalka iyo isku dubbaridka barnaamijyadda dhalinyarada (integrating and coordinating youth programs).

9. Xoojinta kala dambaynta iyo kor u qaadista nabada (strengthening order and promoting peace).

10. Hoos u dhigida kharashka guryeynta (Low housing cost)

Waxa aan si gaara u xoojinayaa qoddob uu Xildhibaan Rabiile, wakhtigii ololaha meel barkulan ah ka sheegay magaaladda Borama inaad guri dhisato iyo inaad jago iibsataa waa isku qiimo iibka dhulka iyo dhismahu, halka ay ahayd in jagadu qiimo jaban ahaato. Qodobkani waxa uu u baahany waayahay in si weyn looga hawl galo.

11. Dhiirigelinta madax banaanaynta (privatization) iyo maalgelinta wadajireed (joint venture) ee dowladda iyo shirkadaha gaarka ah.

12. Ururinta xogaha la xidhiidha adeegyadda arrimaha bulshada magaaladdu u baahan tahay (Gather information related to the public utilities city needs).

Bashir Maxamed Bashir

Hargeisa, Somaliland