Talo ku socota Ururka Saxaafadda SoLJA…..W/Q:( Rabiile Xaaji Abiib)

2010 kii, ayay Hay’ad aan la shaqayn jiray xafiis ka furatay magaalada Caynaba. Xafiisku waxa uu u baahday shaqaale ka kooban Saddex Ilaaliye oo ka howlgala xafiiska, annaga oo raacayna qaabdhiska bulshada deegaanka ku dhaqan (Clan Matrix), waxa aan u soo jeedinay gudigii magaalada in ay soo xushaan Laba qof oo “Reer Yoonis” ah iyo Hal qof oo “Cumar Jibriil” ah, kadib, markay noo soo gudbiyeen, waxa aan ka qaadnay imtixaan kooban oo afka ah, nasiibxumo, qof ka mid ah labadii nin ee Reer Yoonis, ayaa ku guuldaraystay imtixaankii. Natiijada kadib, waxa aan markale gudigii Magaalada ku wargalinay, in ay ku soo bedelaan qof kale oo qaraabadiisa ah, waxa ay noo soo qabteen nin kale oo walaalkii ah, sidaa ayaanu shaqaale ku noqday. Talaabadan waxa aan u qaadnay waxa ay ahay in aan iswaafajino Metalaada iyo kartida (Representation and Competency).

Maalmo kooban kadib, waxa suuqa la galiyay war been abuur ah oo odhanaya in qofkii imtixaanka ku guuldaraystay uu maskaxda ka jiranaa, isaga oo ka cadhaysan warkaa been abuurka ah ayuu ninkii noo galay goob u dhow magaalada Caynaba , Alle ayaa naga samatobixiyay rasaastii aan miidaanka loo dayin ee uu na huwiyay. Falkaa dhacay dartii ayaa xafiiskii loo xidhay waqti gaaban ilaa la ga heshiinayay. Ogow, dhibaatadu waxay nagu dhacday annaga oo taxadir badan ka muujinay wax kasta oo khilaaf iyo isku dhac bulsho horseedi kara.

Sheekadan waxa aan u soo qaatay hogotusaaleyn ku socota Ururka Suxufiyiinta (SoLJA) iyo Gudoomiyahooga. Mudane Gudoomiye, waxa hubaal ah in aanay marnaba suurogal noqon karin, in Urur Bulsho oo ay ku midaysanyihiin saxaafada Soomaalilaan hogaankiisa la gu xusho heerka ay aqoontoodu gaadhsiisantahay oo kaliya, iyada oo la iska indhotirayo Matelaada gobolada ama Beelaha. Talaabadani waxa ya ka hor imanaysaa macnaha Urur Bulsho u taaganyahay iyo xaqa xubin kasta oo ka tirsani ay u leedahay in la doorto waxna uu doorto. Waxa marag ma doon ah in talaabadan oo kale uu ka dhalan karo cawaaqib raad ba’an ku yeelan kara wadajirka Bulshada iyo Jiritaanka Ururka. Sidaawgeed, qof ahaan waxa aan soo jeedinayaa in dib loo dhigo Shirweynaha Ururka inta xal la ga gaadhayo ka qaybgalka guud.

 

Agaasime hore ee SoLJA.

Qore:Rabiile Xaaji Abiib

Bandhige@gmail.com