Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 8aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Qisadan waxa layidhaa (ILAAHEY WAA DAMBI DHAAFE HAKA QUUSAN NAXRIISTIISA)

Waqtigii nabi MUUSE CSWS ayaa waxa ku dhaxay reerkiisii ama qoomkiisii abaar dad iyo duunaba dhamaysay oo xitaa ay dadkii qaar le,deen oo ay noloshoodii waayeen markii abaartii kusii daba dheeraatay

ayaa ay dadkii u tageen nabi muuse oo ay ku yidhaahdee ‘’ nabi muusoow ilaahay aynu roob weydiisano ee ilaahay noo barrio adigaa duco yeel ah ama ducada lagaa aqbalaaye ‘’ nabi muuse wuxuu yidhi waayahay ee inoo soo saara barxadaa garoonka weyn ah aynu ilaahay barinee ‘’ markii ay barxadii ay idugu yimaadeen dadkii oo dhan ayaa uu NABI MUUSE BARYADII BILAABAY markii ay inbadan taagnaayeen ayaa wax roob ahi soo daadan waayey sidii uu nabi muuse u bartay.

Nabi muuse wuu yaabay waayo wixii uu ilaahay waydiisto wuu heli jirey, dabadeedna wuu cararay isagoo yaaban oo waxa uu tagay buur uu ilaahay kala hadli jirey oo layidhaahdo DUURI-SIINAA  dabadeed wuu fuuley buurtii oo alaah ayuu weydiiiye ‘’ YAA ALLAH INBADAN AYAAN KU BARYEYNEY OO AANU ROOB KU WEYDIISANAYNEY ROOBNA NOOMA UU SOO DI,IN TOLOW MAXAA JIRRA ”.

ilaahay wuxuu ku yidhi MUUSOOW WAAN OGAHAY INAAD ROO  I WEYDIISANAYSEEN MANAAN SOO DEYN WAAYO WAXA IDINKU DHEX JIRA NIN I CAASIYAAYEY 40 SANADOOD ILAA UU NINKAASI IDINKA DHEX BAXO OO UU DHULKA AAD DAGANTIIN KA TAGO ROOB IDIINMA SIINAAYO ”.

nabi muuse anfariirsan ayaa ayaa qoomkiisii kusoo noqday oo yidhi ‘’yaa qowmii dadkaygiiyoow ILAAHAY wuxuu yidhi waxa idinku dhex jira nin i caasiyaayey oo danbi iga galaayey in kabadan 40 sanadood oo i caasiyaayey iilaa ninkaasi idinka dhex baxana roob idiinma soo daynaayo ee sidaa ula socda ‘’.

dadkii oo dhan ayaa is eegay iyagoo afka raacinaaya waar naga bax ilaahay hanoo naxariistee, ninkii caasiga alle ku ahaa ayaa inta uu hoos alle ula faqay yidhi ‘’ ILAAHAYOW HADII AAN DADKEYGA IYO MAGAALADEYDA KA BOXO WAAN HALAAGSAMAYAA OO MEELKALE OON NOLOL KU GARANAYAA MA JIRO, HADDII AAN DADKEYGA SII DHEX JOOGANA DADKEYGII RAXMADAADA MA HELAYAAN OO WEY HALAAGSAMAYAAN EE ILAAHAY ADAA CAADILA,CASIIS QAFUURA DANUUBTANA DHAAFA WAAN KUU TOOBADKEENEY EE I CAFI ‘’.

daqiiqado ka dib waxa soo daatey roob lagu diirsaday oo nusqaan iyo balaayaba aan wadan oo lagu diirsadey. Markii arrintii dhacadey wuu yaabay nabbi muuse waayo dadku may arkey cid gooni u baxaday waayo waxay taagnaayeen meel barxada oo cidii dhinac u baxda la arkaayo.

Nabi MUUSE oo yaaban ayaa tegey buurtii uu alla kala xidhiidhi jirey ee DUURI-SIINAA waxaana uu ilaahay weydiiyey ” YAA ALLAH ROOBKII WAAD NOO SOO DEYSEY WUUNA NA MAASHEEYEY CID NAGA BAXDEYNA MAAN ARRAG EE MAXAA ISBEDELEY’’.

ILAAHAY WUXUU KU YIDHI NABI MUUSOOW ADOONKEYGII WUU II TOOBADKEENEY ANA WAAN CAFIYEY WAANAN U DEMBI DHAAFAY WAAYO WAXAAN AHAY QAFUURU RAXIIM”.

Nabi muuse oo aad ulla dhacsan qaafir nimada iyo naxariista ALLE ayaa yidhi ‘’ ILAAHEYOW ADAA QAFUURU RAXIIMEE WAXAAN RABAA INAAD ADOONKAA I TUSTO ”.

ilaahayey wuxuu ku yidhi ‘’ MUUSOOW ADOONKEYGU WUXUU I CAASIYAAEY OO DANBI WALBA IA GALAAYEY MUDDO 40 SANNADOODA WAANAN ASTURAAYEY MA MAANTA AYAAN KASHIFAA OON KU TUSAA ISAGOO II TOOBADADKEENEY ALLAAAHU AKBAR ALLAAAHU AKBAR SUBXANALLAH  SUBXANALLAH SUBXANALLAH …………..!

waataa naxariista alle .

Sheekadan waxaynu ka baraney cibro iyo wax ku qaadasho ku saabsan in ilaahey aan marnaba laga quusan naxariistiisa.

ILAAHEYNA WUXUU YIDHI SWTC NAXARIISTEYDA AYAA KASOO HOREYSA CIQAABTEYDA

qofkastoow haka quusan walaal naxariista alle.

Hoos ka akhri qaybe hore oo qisadan ah:

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 7aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 6aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 5aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 4aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 1aad

 

Qalinkii Cabdi Cawiye

wixii comment ama qalad qoraalka ah iigu soo gudbi

shaywaal12@gmail.com

caawiye17@live.com

cell phone +252634115877