Farxad wayn ayay noo tahay inaan dhagaysitayaasha ku jalbeebinno sheekada caanka ah ee Maana-faay. Inta aynnaan dhex muquuran mawjadaha sheekada aynnu yara jalleecnno halka ay kasoo jeeddo. Marka loo abtiyo Maana Faay waa:- 1. Hal-abuur, waxa ay ka tahay 2. Fan, Waxa ay kasii tahy 3. Suugaan. Marka ay suugaani u kala baxdo tix iyo tiraab, wax ay ku abtirsataa bahda 4. Tiraabta. Jihada/jufada ay ka sii tahay waa 5. Qiso amma sheeko casri dheer. Ogoow sheekada casrida ah ayaa u sii kala baxda sheeko dheer iyo sheeko gaaban. Dad badan uma kala baxdsana waxa ay yihiin waxa ay kala yihiin iyo waxa ay isu yihiin 5tan aqoonside ee midba mid ka farcamo.
Haddii aynnu kala qeexno, Hal-abuurku waa hindisaha toolmoon ee ay curiso maskaxda aadmigu. Qaybihiisa waxa ka mid ah fanka. Fankow maxaad tahay ? waa dareen amma fikrado qof hal-abuur ahi u tebiyay hab qurux badan oo loo qushuuco. Tebintaas toolmoon aalaadda uu u adeegsado qofka hal-abuurka ahi waxa ay noqon kartaa muuqaal, sida sawir la daawado. Waxa kale oo ay noqon kartaa sida muusig la dhegaysto. Waxa ay noqon kartaa dhaq-dhaqaaq sida ciyaar, ruwaayad amma filin.
Waxa ay noqon kartaa erayo la xardhay amma hadal la qurxiyay. Qayb faneedda ugu dambaysa qayb faneedda lagu magacaabo Suugaan. Suugaantu waa hadal macaan haddana xanbaarsan dareen ku dhaqaajiya amma fikrado kugu duxa amma labadaba. Suugaani waxa ay u kala baxday Tix iyo Tiraab. Tixdu waa hadal lagu sargooyay miisaan iyo xaraf raac. Labadan afshaxan kolka lagu sii biiriyo humaagyo lagu korkeeno iyo hadal bilayaal lagugu laab-doojiyo tixdu waxa ay u sii dallacdaa waxa la yidhaahdo Maanso. Micnaha maansadu waa tix lagu xardhay humaagyo lagu korkeeno iyo afshaxanno maqalkooda dhegtu ku raaxaysato amma akhriskooda naftu u riyaaqdo.
Tixda amma maansadu waxaa ay u kala farcantaa; 1. Baydh dheer iyo 2. Bayd gaab. Bayd dheerta waxa hormuud u ah Gabayga, Masafada, Guurowga iyo buraanburka. Bayd gaabta badaheeda kuwa wakhtigan xaadirka loogu isticmaalka badan yahay waa Jiiftada iyo Geeraarka. Labadooda jiiftada ayaa loo sii isticmaal badan yahay. Waxa soo raaca badda saarka amma guuxa.
Tiraabtu waa maxay ? waxa ay u kala baxdaa Sooyaal iyo Socoto. Socotada waxa horumuud u ah Sheeko xardhidda iyo Ruwaayad curinta. Horyaalka sheeko xardhiddu waa qisada casriga ah, siiba waa sheekada dheer. Waa halka aynnu u soconno amma yoolka barnaamijkan Taxanaha noqon doona.