Waa laba isku-sidkan ammaan iyo sirdoone inta aynaan shaqooyinka kala- geddisan ee hay’adaha sirdoonku qabtaan guda galin in aan fahan gogol-dhig ah ka sii qaadanno ammaanka ayaa daruuri noqotay si hal-abbaarka qoraallada soo socda ee hawl-qabaddada sirdoonka aad fahankooda ugu raaxaysataan.
Horta waxa lama-huraan ah in aan ka warqabno in aan amni sugmi karin haddii arrimahan soo socda la waayo, oo kala ah;
A. Garsoor caddaali ah oo ummadda sharci ku kala gura.
B. Ciidan Gacmaha iyo awood sharciga lugu filiya noqda.
Haddii labadan mid xagal-ka-daac ku yimaaddo waxa dhacaysa amni xumo. Dhalliilaha hay’adda garsoorka iyo ciidanka booliskuna waa kuwa sameeya dambiileyaasha iyo amni darrada waa haddii ay si wanaagsan u shaqayn waayaan.
Ammaanku waa mawduuc aad iyo aad u sino-ballaadhan hasa yeeshee inta aasaasiga ah laba haamood ayaa loo qaybiyaa, waxa ay kala yihiin;
1. INTERNAL SECURITY
Ammaanka gudaha oo sidii aan kor ku soo xusnay ay ka shaqayso hay’adda amni ee guduhu, Security Intellegency, waxa wasaarad ahaan ka wakiil ah wasaaradda arrimaha gudaha. Xayn-daabka shaqada ammaanka guduhu waxa ay ku eg tahay xuduudka.
2. EXTERNAL SECURITY
Ammaanka debedda oo ay ka shaqayso iskuna hawsho hay’adda sirdoon ee debeddu ” Foreing Intellegency” oo wasaaradda gaashaan-dhigga hoos tagta.
Hay’addu waa in ay ugu horreyn ka jawaabta su’aalahan: Waa kuwama cadowga dalka ee siyaad, dhaqaalaha iyo ammaan?
sumadda cadowgaasi yeesho iyo halka uu joogo ayaa jaan-goyn doonta inta ugu badan shaqooyinka hay’adda marka laga tago sida oo kale in qaranka ay sahan u noqoto hay’addu oo ay ula socoto dhammaan dhaqdhaqaayada ciidan, dhaqaale siyaasadeed ee dawladaha dunida.Gaar ahaanna, kuwa xidhiidhka togan ama taban innagu yeelan kara.
HALINKA HALISAHA AMMAAN EE DALKA
– Internal aided externally; Cadow sokeeye oo gacan ka hela mid shisheeye.
– External aided Internally; Cadow shisheeye oo gacansiiya mid sokeeye.
threat iaded by external
MAXAA HALIS KU AH AMNIGA?
– Saami-qaybsiga.
– Kal badsiga khayraadka dalka.
– Kala-irdhowga dabaqadaha nolosha.
– Tabashada gobollada beriga.
– Saamaynta qabyaaladdu dawladnimada ku leedahay.
– Shaqo la’aanta iyo saboolnimada.
– Faafidda afkaarta xag-jirnimo.
– Tahriibta.
– Muranka xadka Somaliland iyo Soomaaliya.
– Kala-korriinka hay’adaha dawlaga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
– Jaar cadaawaddeed, taasi oo noqon karta mid ciidan ama mid dhaqaale.
– Hoos u dhaca dakhliga dawladda.
– Caydhowga dadka oo sii bata.
– Hannaan Garsoor oo sabool ka ah caddaaladda oo badiyaaba jara gar eexo!
– Koboca musuqmaasuqa.
– Soo-galootiga sharci-darrada ah.
– Qorshe la’aanta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah ba. Gaar ahaanna ;
1. Abaaraha soo noqnoqda,
2. Shilalka gaadiidka,
3.Ummul-aroorka,
4.Nafaqo-darrada,
5. Cudurrada nadaafad-darrada ka dhasha.