Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan Q.2aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

TAXANAHA SIRDOON IYO AMMAAN
Qaybtii 2aad
Cabdinaasir Axmed Abraham

Taariikhda fal-basaaseed ee dunidu waxa ay la dhalatay Aadamaha hasayeeshee in xubin laga dhigo ama hay’ad gaar ah laga dhigo goor aan sidaa u durugsanayn ayaa lagu baraarugay ahmiyaddeeda. Fal-basaaseedkii ugu foosha xumaa ee taariikhda Sirdoon la diwaan geliyo na waxa ka mid ahaa; Basaasnimadii gurracnayd ee Fircoon ku sameynayay Reer binu-israa’iil ee haddii haweenkoodu wiil dhalaanna laga gawracayay haddii ay gabadh dhalaanna loo daynayay. Taasi ayaa basaasiddii ugu foosha xumayd taariikhda lagu tilmaamaa.

Hadda ba Sirdoonnimada si guud uga maynu hadlayne waa mawduuca ballaadhane haddaan soo urursanno xagga diimaha marka aan ka eegno hay’adda CIA-du mar ay is-barbardhig ku samaynaysay hannaankii Wardoon ee Nabi Muhammad iyo Nabi Ciise kaasi oo ay aad ugu ammaaneen in Muhammad uu ahaa Khabiir ahmiyadda sirta cadowga garanayay, oo hannaan Wardoon oo wanaagsan dhisay. Waxa kale oo ay Nabiga NNKH ku boorriyeen in uu dhiiri-geliyay barashada luuqadaha. Gaar ahaan kuwa cidda aad cadowga u arkayso. Arrintan oo xilligan dambe hay’adduhu adduun aad iyo aad u badan ku bixiyaan. Taasaaleyaashan waxa aan u soo qaadanayaa ahmiyadda hay’adda Sirdoon si aan weynaysada u saaro.

Dulucda haddaan ku soo siqno hay’ad sirdoon marka laga hadlayo waxa loo qaybiyaa laba, kala ah;

1. SECURITY INTELLEGENCY; Oo ka shaqaysa sugidda ammaanka gudaha, basaasidda iyo la socoshada sirdoonnada shisheeye ee dalka gudihiisa u jooga shaqooyinka wardoon kuwaas oo inta badan ku raad-gata wax aanay ahayn sida hay’ado sama-fal ah, shirkado ganacsi iyo wixii la hal-maalmaala, sida oo kale argagixisada iyo maandooriyeyaasha ayay hay’addani isku hawshaa.

2. FOREIGN INTELLEGENCY; Oo shaqadeedu tahay soo ururinta xogaha siyaasaddeed ama dhaqaale ee dalalka kale. Siyaasadda arrimo-debeddeed ama Ciidan ee dal waxa jaan-goysa hay’adda Sirdoon ee Foreign Intellegency-ga.

Idil ahaan shaqooyinka kala jaad-jaadka ah ee ay hay’addaha Sirdoonku qabtaan xagga dambe ayaan si weyn ugu faahfaahin doonaa haddii xagga Rabbi laga helo’e bal farta aan ku fiiqno ammintii aadka loo tabay ee lama-huraanka loo arkay yagleelka hay’ad sirdoon oo dalka horumarkiisa iyo badbaadadiisa ka shaqaysa.Sidii ugu koobnayd oo wakhti badan iga qaadatay waa in hay’addaha Sirdoonku ka shaqeeyaan HORUMAR IYO BADBAADO.

Waxa ay ahayd qaarkii dambe ee dagaalkii labaad ee dunida markii indhaha laga qarsan kari waayay baahida loo qabo Sirdoonka. Marka dalka Ingiriisa oo baqortoonyo dunida meel walba gaadhay oo baahida hay’adda xilli hore dareentay kiiskeeda gaar loo dhigo dhacdooyinka soo dedajiyay in hay’adahan la sameeyo waxa ugu mudnayd markii 1945 ciidanka badda ee Japan subax uun ku waaberisteen dekedda dalka Maraykan ee Peralal Harpor.

halkan waxa laga baranayaa haddii hay’ad sirdoon oo dalka debedda uga soo warranta la heli lahaa inta aan cadowgu soo dhaqaaqin ayaa laga tabaabushaysan lahaa qarnigaa gefkii ugu weynaa ee Aadamuhu galo oo duqayntii Horashiima iyo Nagasaakana ahaa muu dhici lahayn.

Hoos ka daalaco markii ay dunidu ku baraarugtay yagleelka hay’adaha sirdoonka.

– MI6; Military Intellegency Section 6.
Britian, 1909.

– GDGS; General Directorate of General Security.
Lebnon, 1921.

– CIA; Centre For Intellegency Agency, USA, 1947.

– MOSAD; The Institute for the Intellegency and special oporation.
Isreal, 1949.

– ISI; Inter-services Intellegency,
Pakistan, 1948.

– ASIS; Australian Sectret Intellegency Service. Australia, 1952.

– ISI; Indonosian State Intellegency. Indonesia, 1946.

– NIO; National Intellegency Organization.
Turki, 1965.

– MSS; Ministery of Secret Service.
Chine, 1983.

– RAW; Research and Anaysis Wing.
India, 1968.

– BND. Germany, 1956

– DIC; Direction de Inteligencia Cuba,
Cuba, 1960.

Waxba yaanan tirada hay’adaha idinku sii badane dulucda haddaan aado 1950-1980 ayaa hay’adihii ugu badnaa ee Sirdoon la sameeyay oo dunidu ku tartantay lana garwaaqsaday waxtarkooda.

La soco…