Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan: Shaqada Amaanka Dibadda Q.4aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Haddaan qaybtii hore kaga soo warramay waaxaha waaweyn ee laamaha ammaanka hordhac ayaan ka sameeyay walaw aan ku dheeraaday amniga gudaha “Internal Security” Wax na waxa ay innagaga qabyo ahaayeen ammaanka dibadda “External Security” Innaga oo sharraxan uga gollahayn si aan fahan fiican uga qaadanno shaqooyinka hay’adaha Sirdoonka.

Arrimaha ammaanka dibaddu fahan dheeraad ah ayay u baahan yihiin aqoon ahaan iyo xirfad ahaanna aad iyo aad ayay uga heersarreeyaan kuwa looga baahan yahay amniga gudaha. Hadda ba imika waan korka xaadinnaynaa hasa yeeshee, qoraalladeenna dambe ayaan si tartiib ah qodob qodob ugu dul istaagi doonaa.

Arrimaha ugu waaweyn ee shaqada ammaan ee dibadda waxa aan ka xusi karnaa, kuwan;

– Arrimaha ammaanka xeebaha “Marine security issues”

– Loolannada dawladaha jiiraanka” Challanges from neighbourhood”

– Halisaha arrimaha Internet-ka” Threats from cyberspace”

– Dunuubta xuduudaha iskaga gudubta” Cross border crimes”

– Horumarka cilmi-baadhista iyo sayniska dalka “Country’s research and Sceintific develepment”

Maadaama shaqada ammuuraha amni dibeddeed tahay mid ahmiyad weyn u leh aayaha dal iyo ummaddeed waxa lugu bixiyaa kharash aad iyo aad u badan kaasi oo xagga horumarka u badan. Haddii labadii qormo ee ugu dambeeyay aan kaga hadalnay amniga iyo labadiisa waaxood ee kor ku xusan hadda wixii ka dambeeya waxa ay ila tahay in aan si toos u guda gali karno shaqooyinka Hay’adaha Sirdoonka.

 

FG: Dadka qaar moodaya in aan arrimahan laga hadli karin rumaysnaanta caynkaas ah waxa bud-dhig u ah moogganaanta dadku arrintan mooggan yahay ee aanu wax war ah ka hayn. Gunnaanadka qoraalkeena ayaan ku sharxi waa kuwee arrimaha aan waxba laga qori karin ee aan la baahin karin.