Tegitaankii Maxkamadda iyo Booqashadii Xabsiga Ee Abwaan Cabdiraxmaan Abees (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Arooryo hore oo Khamiistii ah ayaannu tagnay maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo aanu filaynnay in la horkeeno Abwaan Cabdiraxmaan Abees, waxa aannu xafiiska xeer-ilaalinta kula kulannay Gaashaanle Cabdi Xasan Cismaan (Cabdi-Kiin) Madaxa Baahista C.I.D oo ku qornaa kiiska loo haysto abwaanka. Aabbo Ibraahin Aadan (Abees), walaalladii, abwaanno, qoreyaal iyo garyaqaanno ayaanu ahayn..Magacyada xubnaha hore ayaan ugu xusay xog aan Facebook soo dhigay subaxnimadii Khamiista.

Waxa uu noo sheegay in aan saaka la keeni doonin maxkamadda, isla markaasna uu baadhista ku dhammayn doono, soona gudbinayo subaxnimada Sabtida haddii Eebbe idmo, markaas oo galka uu keeni doono xeer-ilaalinta, si loogu qoro xeer-ilaaliye, markaas kaddibna loogu gudbiyo maxkamadda gobolka, si loogu qoro garsoore loona dhegaysto dacwadda ka dhanka ah Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Intaas kaddib waxa aanu u gudubnay Xabsiga weyn ee Hargeysa, halkaas oo aanu kula kulannay saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo goobjoog ka ahaa aragtida aanu kula kulannay Abwaanka. Taliyuhu waxa uu yidhi “Annagu waxa aanu u xilsaarannahay in aanu haynno inta ay dacwaddiisu ka socoto baadheyaasha booliska, xeer-ilaalinta iyo maxkamadda.

Waxa aanu geynnay qol gaar ah oo uu leeyahay taliye ku-xigeenka xabsigu. Waa kii lagu xidhay Boqor Buurmadaw. Maalin oo dhan bannaanka ayuu iska fadhiyaa, qolka laguma xidho. Cadceedda ayuu qaataa. Waana la soo booqan karaa”. Waxa aanu Taliska Asluubta iyo madaxda xabsiga isla garannay in aanu ka marag furno wanaagga aannu indhahayaga ku soo aragnay.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa igula kaftamay “Maxaa adigana laguu xidhi waayay, inta aad sheegtay ayaa ka badnayd inta aan sheegay?” kkkk cabbaar ayaa la qoslay. Waxa aan ku idhi “Boolisku waa ay oggol yihiin eedda la jeediyo, marka xabsiga laga baxo”. Adeero Ibraahin Abees ayaa yidhi “Siciid, dan kama laha haddii dulmi loo xidho”.

“Waa maxay cuntada aad waddaan. Celiya, waan ka soomayaa cuntada” ayuu Cabdiraxmaan Abees yidhi. Taliska asluubta ayaa yidhi “Taasi nama qabato. Naga daa. Annaga miyaad wax naga tabanaysaa?. Waa nagu gef inaad sidaas samaysaa”. Waxa aanu isla garannay in aanay tallaabadaasi ahayn mid ku habboon ciidanka asluubta, isla markaasna uu lafihiisa wax u cuno. Waanu nala qaatay. Taas beddelkeeda waxa ay ciidanka asluubtu xoojiyeen in ay dhegaysan doonaan tabashadiisa qof ahaaneed iyo in ay ula dhaqmi doonaan sida ugu wanaagsan ee maxbuus loo qaabbilo.. Waxaanay ahayd tallaabo kale oo aanu ku diirsannay.

Marka laga yimaaddo xorriyadda ka maqnayd, waxa uu qiray in ay ciidanka asluubtu si fiican ula dhaqmeen. Waxa uu haystaa makshin ay furaash iyo sariiriba u yaallaan. Rug la saxar-tiray oo ku habboon nolosha aadamaha ayuu ku sugan yahay. Keliya waxa ay cabashadu ahayd in la dedejiyo dhegaysiga dacwadda loo haysto. Waxa aanu isla garannay in aanu ku dedaalno sidii hore loogu dhaqaajin lahaa dacwadda loo dhegaysiga dacwadda loo haysto Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees).

Waan ka xumahay in aan la daahay warbixintan… Waxa sabab u ahaa cillad dhinaca farsamada ah… Muddo dhawr cisho ah ayaan guux iyo gariirba ka waayay laptopkii aan qoraallada ku diyaarsan jiray.. Mana jecli in aan moobil ku diyaariyo wax ka badan dhawr weedhood.. Sidaas awgeed ayaan laba cisho ula dib u dhacay faahfaahintan aan laabta ugu qaboojinayo ummadda ka werwersan xadhigga walaalkeen Abwaan Cabdiraxmaan Abees..