Tiirarka Diblomaasiyadda iyo Rukunada Aasaaska u ah (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

 

Si deggan u akhri qoraalkan kooban oo aan kuugu guud mari doono tiirarka dibloomaasiyda iyo rukunada barbilowga u ah diblomaasiyadda. ii ogolow in aan kaaga mahadceliyo billaabida akhrinta qoraalka, haddii aad dhamaystana  kaba sii wanaagsan.

Fasir iyo qayixitaan aad ila fahmi karto akhriste hadii aan ku weeleeyo si cilmiyaysan waafaqsana hanaanka xeeldheerayaasha calmiga u lihi u dhigaan.

Diblomasiyadu waa halbeega lagu cabiro arrimaha dibada, iyada oo la abuurayo cilaaqaad horemar ku qotoma oo u dhexeeya dawlado kala duwan.

dibloomaasiyad waa maamulida cilaaqaadka caalamiga ah hab xidhiidh wada xaajood ah”. ‘ diplomacy is the management of international(state) relations bye negotiotion’

Diblomaasiyadu waa nidaam xidhiidheed  ku sahabsan iskaashi laba geesood ah, waana jawi dawladuhu ku abuuraan is dhex gal, iskaashi, is-taageerid iyo heshiisyo horumaro ah in ay  qalinka lagu kala duugtaan. Waana ubucda dali ku horumarin karo dal kale isaga oo isticmaalaya nidaamka diblomaasiyadda.

Bar-bilowga Diblomaasiyadda iyo Falsafadda ABC Diplomacy

Waddamada adduunku marka ay cilaaqaad samaynayaan waxa ay unkaan xidhiidhka. Tallaabada ugu horaysa dibloomaasiyada waxa la yidhaa ABC Diplomacy” waana halka ay ka bilaabanto xidhiidhka labada dal, iyada la’aanteeda dal xidhiidh dal kale la sameeyaa ma jirro.

Falsafada ABC Diplomacy haddii ay hagaagto, oo si  taxadar leh oo wanaagsan loo unko, waxa hubaal ah in labadaa dal noqonayaan kuwo isku fiican.

Xarafka ugu horeeya ee “A-Diplomacy”waxa loo soo gaabiyay “ Acceditation Diplomcy ” waa habka iyo tallaabada ugu horreysa ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu kula xaajooto dalka ay safiirka u dirayso. Ujeedada macaamilkeedana u qayaxaysa iyo waliba danta dhaw iyo danta fog ee nooca cilaaqaadka ay dalkaa la samaysanyso. Intaa kadib dalkaasi waxa uu bilaabayaa wax la yidhaa “Administrative Technique ama AT” oo ah in siyaasadooda macaamilka iyana soo bandhigaan iyo waliba in ay shakhsiyaadka la magacaabay baadhis kadib ogolaanshiyo (persona grata) u siiyaan in uu safiir u matalo dalka soo dirsaday.

Xarafka B Diplomcy waxa loo soo gaabiyey “Bilateralism Diplomcy” arrintan waa shaqada labaad ee ah sida ay labada dal u wada shaqaynayaan dhinacyda iskaashiga Aminga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Guud.

Ugu danbayn Xarafka C Diplomcy” waxa loo soo gaabiyay “Consular Protection Diplomacy” arrintani waa sida loo ilaalinayo xasaanada masuuliyiinta laba dal iyo muwaadiniinta labada dal ku kala sugan. Sidoo kale waa habka ay u dhawrsanaanayaan waxa wal oo safaaradaasi leedahay oo aan la baadhayn iyo guud ahaan sida loola dhaqmayo hantida iyo shaqaalaha safaarada oo ah mid dhawrsan.

Shaqada Diblomaasiyadda Inta Badan Saddex Qoddob Ayaa lagu koobaa.

  1. Wada-xaajood ‘Negotiotion’
  2. Matalaad ‘Represent’
  3. Warin ‘Report’

Wallow saddexdan qodobi u baahan yihiin waadixin “bayaamin” lagama maarmaana ay tahay in aynu isla fahano salka akhriste………………………………………… la soco  qurmada dambe.

 

Bashir Maxamed Bashir

Senior economic and political student