Quruxdii rabshadda keentay!! (WQ: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf “Saciim”)

 

Waa goob caafimaad, dadku kaadhadh iyo waraaqo ayey gacmaha kuwada haystaan, Dr ka ayey wada sugayaan, foomam dhaadheer, iyo kuraas ayey kuwada fadhiyaan, dadku da’walba way isugu jiraan, xanuunka Ishooda ayaad ka garataa in ay qaar ka mid ahi il go’sanyihiin sugina kari la’yihiin dhakhtarka xanuun awgii waa bukaanka e’.

Ilinka hore ee Albaabka ayey ka soo gashay, waa lawada aamusan yahay, gudaha ayey usoo gashay, mar qudha ayaa lawada eegay, xataa anigaygan, gacanta waxa ay ku siditaa xantoobooyin waraaqo ah, guulane ay guud keeda sudhay Jamaal midab, joog iyo dherer, jiniyado soo jiidasho leh amaba qurux guud oo dhan.

Markii ugu horaysayba waxa ay laab qaaday wiilkii iibiyaha ka ahaa farmasiiga si dareen li’e ah inta uu u soo wareegay si wax gacanta qabanaya oo kale ayuu ku yidhi: ‘walaal soo soco, walaaal halkan fadhiiso, walaal hada ayaa laga soo baxayaaye in yar sug, Walaal dad badaniba kaama horeeyaan, hada meeshu waabay buuxdaa shaw Quruxudu waa rabshad iyo sixir, walaal waraqda aad sidataa ma jawaabaa mise hada ayaaban kuu jaraa tigidh? Wll! wll! Wll waar ilayn tan oo kale bal wiilkaa waxa gaadhay day.

Wajigiisa waxa ka muuqday baqasho, kalsooni daro, iyo salbabakh xad dhaaf, miir waxa ugu danbaysay markii ay al-baabka ka soobgashay, xaalada wiilka iyo bulshada meesha fadhida waan la socdaa.

Markii ugu horeeysay ee aan meheradaba soo galo ayuu iga qaaday lacagtii aan rabay in aan wax kaga iibsado gacantana ku hayay. isaga oo aan i odhan maxaan ku siyaay oo aan kaa iibiyaa ayuu si dareen li’ah ayuu iga qaaday, ka hor intii aanu magnadku ku dhagin yarka, gacanta ayuu ku hayaa lacagtii, waan arkaa in ay xaajadu qasan tahay, mar danbe oo fandhaan iyo xeedho kala dheceen ayuu yidhi: ‘wl iga raali ahaw maxaan ku siiyaa? Ana waan u sheegay muraadkaygii.Kute! lacagtana keen. inta aan qoslay ayaan ku idhi; wl waadiga gacanta ku haya.

Dareenkiisu waxa uu ku maqan yahay inanta isaga oo baalo daymoonaya kolba ayuu si kadis ah oo baraad la’ ayuu u yidhi; inta waxa aad ku xigtaa islaantaa, cajab!!! Yaab badana ruux waliba kaadh ayuu haystaa, waana lays wada eeganayaaye, waxa u cuntami wayday dadkii inantan hada uun soo gashay meesha hadana uu inanku ku yidhi; islaantaa ayaad ku xigtaa, dadkii ayaa markaliya wada dhawaaqay. Waar waa sidee? Waar sawtii imika timid? Waar miyaad dhaafinaysaa dadka? oo anaa ku xiga islaantaase sideed ii dhaafisay? dadkii mar kaliya ayey buuq iyo sawax iskuda daree. Yarkii ayaa tolo ku xiintay inantiibaa waxay tidhi; ok wl islaantaa uun baan eeganayaa waanan sugayaa waanad mahadsantay, inan meesha fadhiday ayaa ku tidhi; wll sawdigii imika soo galay bal waxa dad fadhiya eeg eed hadana rabto in aad dhaafsato ixtiraam dadka, naa ixtiraamkayga maxaa kaa galay aniga wiilka ayaa igu yidhi; islaantan ku xig e’.iyada oo halkaa marayso meeshiina buuq isku rogtay Dr kiina soo baxay ayaan ana ka soo baxay farmasiigii.kkkkkkkkkkk.

Waa inoo Qayta Danbe.la soco.