Qormada saddexaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e, waxa aynu ku soo qaadanaynnaa Gabay magaciisu yahay ‘Saw Anaga Maaha’. Waxa uu ka mid yahay suugaanta ugu culus ee sida faahfaahsan uga hadlaya kaalinta haweenka iyo hooyadu ku leeyihiin nolosha aadamaha.
Aan kaftan ka horreysiiyo’e, maye haweenki? Sacab iyo mashxarad ha la oogsadaan. Aaway wiilashi ama raggi? Dhammaantood waxa laga doonayaa in ay ka marag-furaan oo “haa” la boobaan.
Gabaygan oo ka mid ah suugaanta ugu shilis ee ay abwaanaddu curisay wuxuu ifka u soo baxay gu’gii 2003da. Abwaan Nimco-Gabaydo oo ka warramaysa sida uu ku dhashay gabayga Saw Annaga Maaha, waxa ay tidhi “Gabaygan waxa sababay qaddarka Ilaahay ka sokow maahmaah ka mid ah kuwa inta badan loo adeegsado ama lagu xaqiro, ama lagu cadaadiyo haweeenka marka aad dhaqankeenna eegto. Maahmaahdaasi waxa ay aniga igu noqotay hub culus “Nukliyeer” waayo waa maahmaahda marka aan tallaabo suugaaneed qaadayo inta badan i hortaagan. Taas oo ka turjunta cabudhinta iyo cadaadiska haweenka lagu hayo. Waa maahmaah xaqiraad ah ama yasitaan ah.
Maalin maalmalaha ka mid ah waxa digreeto Madaxweyne nagu shaqaaleeyay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, annaga oo ah fannaaniin badan. Habeen annaga oo ka tumaynna qasriga madaxtooyada ayaa lagu yidhi “Madaxweyne inta badan fannaaniinta halkaas taagani waa bilaa mushahar”. Waxa uu yidhi “Ha la soo tiriyo inta aan mushaharka qaadannin”. Waxa aanu noqonnay toddoba iyo toban qof oo ay shan iyo toban rag yihiin iyo laba dumar ah. Labada haweenka ahi niga iyo Caasha Yoonis IHUN ayaanu ahayn.
Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi “Imaka laga bilaabo waxa lagu shaqaaleeyay dhammaantood digreeto madaxweyne oo derajada kowaad (A) ah, laga bilaabo bishanna mushaharkooda way qaadanayaan”. Waa la shaqaaleeyay dhammaan shan iyo tobankii ragga ahaa. Maalintii aan mushaharka soo doontay waxa la igu yidhi “Adiga iyo Caasha Yoonis midkiinna lama qorin”. Caasha Yoonis IHUN waxa ay u tagtay Guddoomiyihii Haayadda Shaqaalaha Dawladda, waxaana lagu shaqaaleeyay si silic ah, waxaanay ahayd fannaanad iga weyn. Waxana qorana Cabdiraxmaan Cadami oo Haayadda Shaqaalaha Dawladda madax ka ahaa.
Anigu laakiin markii aan mushaharkii soo doontay, aniga oo kalsooni isku qaba waxa uu Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska oo weliba ahaa nin suugaanyahan ah ama bahda hal-abuurka ka tirsani igu yidhi “Adiga wax shaqaalennimo ah laguuma hayo. Waayo saddex iyo toban oo lab, maansayahanna ah ayaa ka shaqaalaysan wasaaradda oo mushahar ka qaata. Adiga oo inan (gabadh) yar ah oo dumar ahi ma waxa aad sheegaysaa wax aanay saddex iyo tobankaas nin sheegin”. Waxa aan ku idhi “Anigu abwaan ayaan ahay, iyaguna waa abwaaniin. Nin weliba ceesaantiisa ayuu ceelka keenayaa. Weliba waxa la igu shaqaaleeyay digreeto madaxweyne. In bandanna bilaa mushahar ayaan qaranka u shaqaynayaye, maxaa sababay in aniga la iga reebo shaqaalaha?”. Waxa uu yidhi “Na akas caano galeen, caqli ma galo’e. Orod oo carruurtaadii bariiska u karso, dumarnimadaadiina ku ekaw. Meeshana iskaga dhaqaqaaq”
Halkii waxa igaga dhashay gabay aan sidii mushahar ugu qaato oo aanan cid dambeba mushahar weydiinnin. Weligay magacayga lama geynnin Haayadda Shaqaalaha, dibna uguma noqon oo ma codsan in la i shaqaaleeyo. Shaqaalayntana dan kama lihi, waayo waxa aan ka dhaxlay suugaan. Mushaharkuna waa ka Ilaahay, waxaanan qaataa mid ka badan ka ay fannaaniintu qaataan bishii. Waxa aan goaansaday in aanan shaqaalaynta isku mashquulin, laga yaabaa in ay sidaniba khayr leedahay”:
Gabaygu waxa uu ka warramayaa kaalmaha kala geddisan ee ay hooyada iyo haweenku kaga jiraan nolosha aadamaha.
Waxa ay tidhi:
Marka hore Acuudu billaahi, naarnaye iblayska
Bismillaahi baanu edegsanniyo, Eebbe magaciisa
Udgoonaw Rasuulkana salliga, ugu damaashaadnay
Marka xiga ujeeddada tixdaan, Alif ku maamuusay
Waxaan aadi dulucdeeda oo, aashay baan soconne
Marka Aadan laga reebo iyo, Xaawa Nebi Aadan
Inta kale qofaan hooyo dhalin, uunka laga waaye
Iniinta iyo rixinkii shinnida, lagu abqaalaayay
Dhexdoodana arwaaxdiyo naftaba, Khaaliq ku abuuray
“Ayaamona ragaw beerta” yidhi, saw anaga maaha
Wallac lala asqoobiyo culays, lala itaal beelo
Anfac aad cuntoo badi la naco, kuuna soo uraya
Uur sagaal bilood lagu sidiyo, umal xanuun fool leh
Kuway ubadku soo marinayaan, saw anaga maaha
Ibta naaska caanaha ka yimid, una irmaanaaday
Oogta lagu xambaariyo dhabtuu, raaxo ku idlaysto
Tafta lagu ilaalayn intuu, socod adkaynaayo
Edeb iyo daryeel dhiirri-galin, anshax iyo waano
Arxan iyo jacayl waalidoo, aan cid kale yeelan
Kuwa taran ku soo ababiyaa, saw anaga maaha
Awlaaddooda saygiyo tolkiyo, awgayaw xididka
Ehel iyo qaraabiyo xasabo, jaarkiyo asxaabta
Kuwa wada ogee baylahdood, lagula soo eerto
Ee qaranka soo ababiyaa, saw anaga maaha
Kuwa dhaqa adduunkee tabceen, loofarka aqoonnin
Ee waxaad u dhiibtaan xaslada, ama dhaqaaleeya
Ummaddana la soo haybsha nolol, aayatiin wacan leh
Gol dalooladiinnana astura, saw anaga maaha
Ammaaniyo markii ruux xil iyo, loo igmado maamul
In la doorto joogtee kursiga, loo akeekamayo
Kuwa Abu Hadraw heegankaa, una ololeeya
Inta badanna food lagu helaa, saw anaga maaha
Amintay colaad lagu madhiyo, taagan tahay omoso
Ninkooda iyo inankooda iyo, aabbahood gacalle
Abti iyo adeer iyo walaal, iyo inaadeerba
Kuwa aasa ee laga dulmiyo, labada oofoodba
Goblankiyo agoontana mutaa, saw annaga maaha
Utunse maalintuu kala galee, rag is unuun gooyo
Inkastuu heshiiyoo magtana, aadyar kala qaato
Nin iishoo ninkii laga aqtulay, aad u hibanaaya
Haddaan inan shabbada geeridii, lagu illawsiinin
Aqalna loogu soo hoyn marwiyo, oori godob reeba
Aanadu halkii kama tagtoo, laysma aammino’e
Bilawgiyo asaaskeediyo, nabad aslaaxeedu
Ka sakaw alaha waaxidkaa, saw anaga maaha
Dhankastoo la eegaba bulshoy, maalmahan aduunka
Waar kuwaan abaalkay galeen, abid la koobaynnin
Xaqoodana Ilaahay ku dhigay, aayadaha diinta
Ee aydaan u gudi karin misana, saw anaga maaha
Waxba yaanan murtida aawan, iyo ooda sii gurine
Ninkii yidhi “alxay qurus” intay, hooyo tegin iilka
Kan yidhi “aqoon maleh kaskii, caano lagu uumay”
Midba aragtidiisuu hadloo, kala ayaan roone
Ana garashadaydaan abiyo, eegga waxaan leeyay
In la dhawro oo had iyo goor, loo asxaan faliyo
Ixtiraam xaqsiin iyo qaddarin, ubax la guud saaro
Ammaan iyo ducay mudan yihiin loo agaasimo’e
Eed iyo xumaan tacaddi, eexo iyo quudhsi
Adyad iyo xumaatiyo xad gudub, aad ah oon qabannin
Af-legaaddo iyo cay ma geyo, aabiyaw dumar’e
In la helo xuquuqdooda maqan, aniyo qayrkayba
Ayaan gabayga caawa u idhmoon, maansada u ulaye
Indheer garadku hay qiro libtoo, yuu i baal marinin
La soco qaybaha dambe. Hoos ka akhriso qaybihii hore.
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-2aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-1aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/