Toddobada loo hadheeyo (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad)

Maalmuhu kala adag, kala xanuun iyo damqasho daran, waxa inna sugaysa maalin la yidhaahdo maalinta isla-xisaabtanka. Waa maalin qorraxda la isku dallaalnimayn doono oo qof kasta inta abaalkiisu noqdo ay u jiri doonto cadceeddu.

Suubbanuhu wuxu inoo sheegay toddoba qof oo ka nabad hela in ay is arkaan qorraxada. Ogobey maaha toddoba qof oo kaliya ee waa toddoba sifo qofkii laga helo in uu ka mid noqon doono.

Toddobadaa tilmaamood qof kaliya waa yeellan karaa, ummad dhan oo asbabahaa la timidna way noqon kartaa, laakin maaha toddoba qof oo kaliya mana aha toddoba is diidaya haddaad la wada timaaddo.

Mar kale aan xusno e, xadiiska uu warinayo Aba Hurayra, labada sheekhna soo saareen Rasuulku CSW wuxu ku yidhi, โ€œToddoba Korreeye wuu ugu hadheeya hadhkiisa maalin aan hadh jirin kiisa mooye; Imaam caaddil ah. Wiil daโ€™yar oo ku barbaaray diinta. Qof qalbiigisu ku xidhan yahay masaajidka. Laba qof oo dar Alle isku jeclaaday, dar Alle na ku kala tagay. Nin gabadh qurux iyo mansab leh u yeedhay dabadeed ku yidhi Alle ayaan ka baqayaa. Qof sadaqo sadaqaystay ilaa gacantiisi bidix ka ogaan waxa ay bixisay gacantiisa midig iyo qof isaga oo kaligii jooga Alle xusuustay oo ilmeeyey.โ€

Xadiiskaa toddobada isku lammaaneeyey haddaynu kala qaadno kol haddii toddobadaa midkood qofkii la yimaadda hooskaa helayo. Aynu mid walba sharraxno.

Sifada Koowaad

Sarreeye wuxu ugu horraysiiyey toddobadaa tilmamood masuul xilkas ah oo ammaano hoggaamineed leh. Haddaad is waydiiso sababta lixda kale looga horraysiiyeyโ”€waa in waxqabad kasta oo togan oo u la yimaaddo ay wada maashayn doonto ummadda idilkeed, xagga lixdaa kale qofkii mid ka mid ah la yimaadda naftiisa hormarsiyey uun.

Ragga madaxda ah Suubbanuhu isaga oo u tilmaamaya hooska ay ku leeyihiin maalinta qiyaame Rabbi agtiisa ayaa waxa u yidhi xadiiska u wariyey Cabdillaahi ibnu Cumar ibnu Caas ee u soo saaray Muslin, โ€œKuwa caddaaladda sameeya Ilaahay agtiisa maalinta Qiyaame waxa lagu fadhiisiyaa kuraas iftiin leh, waa kuwa ku caddaalad fala xukunkooga. โ€Xadiis kale Rasuulku waxa uu ku sheegay in aan saddex Alle SWT baryadooda aanu celin; saddexdaa waxa ka mid ah hoggaamiye caddaali ah.

Xukunka aan ahayn ka rabitaanka shacbi ku yimaadda ee sharcigu ogol yahay waa ka kali-talisnimada ah. Kali-talisnimadu kama timaaddo maskax caafimaad qabta, kuma salaysna aragti fog, kuma na dhisna aqoon durugsan, caqli fayowna maaha mid u soo dhaweeyo, waxana ay dhaxalsiisa qof kasta oo dhabbadaa mara in uu noqdo mid heeryadiisa cuna.

Bulshadu madaxweynahooda kolka uu danahooda u foogganyahay waa mid ay jecelyihiin oo joogitaankiisa mahadshaan. Kolka se uu yahay mid gafane ah oo dhiigooda miirta, hantidoodana dhurta, ummado kalena u adeega waa kolka la kala dhaqaaqo. Waana sababta uu Rasuulku NNKH, u leeyahay “Madaxdiina kuwa u gobsani waa kuwa aad jeceshihiin, iyaguna idin jecel, u ducaysaan, iyaguna idin duceeya, kuwa idinku dhibka badanina waa kuwa aad neceb tihiin, iyana idin neceb, habaartaan, iyana idin habaara.” Shacabkaagu danahooda haddii ay kaa waayaan, waxa hubaal ah in aad kala dhaqaaqaysaan, haddiise aad noqoto adeege bulshadiisa u diran iyagaa difacayaashaada noqon doona.

Maalinta qiyaame Alle waxa uu ka warramay in aanu maalinta isla-xisaabtanka aanu xaggiisa eegayn, hanuuninayn, lana hadlayn madaxweyne ummaddiisa hagraday oo been ku caan baxay. Muuminka sidiisa ayaa loogu diiday in uu beenaale noqdo, hoggaankiisuna waa uu ka sii xagjiraa oo ummad dhan ayaa afkiisa eeganaysa oo ku socota, kolkaa in uu been ku maaweeliyaa waa mid ayaandarro ah.

Ugu dambayn qofka masuulka ah ee ummad taladeed haya waa inu ogaado in maalin maalmaha ka mid ah la xisaabin doono oo u noqon doon laba uun midkood; mid guul darraystay iyo mid badhaadhe istaagay oo hadhkaa helay.