JAWAAB:
Dadka jirrada in la daweeyaa waa diini.
Habka loo daweynayaana waa maaddi.
Allena waa loo baryi karaa, Laakiin baryadu dawo ma ahee Waa ergo Alle loo dirsanayo in uu qofkan shaafiyo, Alle in uu kaa aqblay iyo in kale, isagaa ku shuqul leh. Sidaa darteed qofkii aad u ducaysay ma siin kartid damaanad qaad ah in ducadii la soo aqbalayo laba wiig ka dib.
Sida Jirrooyinka jidhka loogu daweeyo “aqoon iyo waayo aragnimo la ururiyey” ayey tahay in xanuunada nafsiga ahna loogu daweeyo aqoon iyo waayo-aragnimo la ururiyo, iyadoo baryada Alle la kaashanayo mar kastaba., Haa, sida looga hortagayaa waa ay sugantahay.
Inta aqoontaydu tahay, ma ogi AAYAD quraana oo cad ama xadiis saxeexa oo sugan oo sheegaya habka la isaga daweynayo xanuunada nafsiga ah.
Sidoo kale ma arkin xadiis saxeexa oo sheegaya dad u xanuusaday in uu jin galay oo Nebigii ka saaray. Warino daciif ah waan arkay.
Taas macneheedu ma aha in aanay jirin xaqiiqada ah in jinku geli karo qof bina Aadan ah.
Haddii markaa ay jirto in jinku geli karo qof Bina aadan ah, oo qofku sidaa u jirran karo, WAXA WAAJIB NOQONAYSA IN QOFKAA LA DAWEEYO! Yacnii waa diini in qofkaa la daweeyaa. Laakiin habka loo daweynayaa maadaama oo aanay Kutubiya ahayn, waxa loo daweynayaa habkii “aqoonta iyo waayo-aragnimada ururtay” lagu ogaaday in ay wax daweynayso.
Habkaasi waxa uu noqon karaa:
1- In Quraan lagu daweeyo
2- In Ducooyin lagu daweeyo
3- In hadallo xigmad ah lagu daweeyo
4- In dawooyin la tijaabiyey lagu daweeyo
5- In wax kale lagu daweeyo!
Wixii la soo tijaabiyey ee natiijo laga arkayba waa lagu daweyn karaa. Dabcan waa in aanay dhibaato diineed ama mid maaddi oo kale sababayn. Markaa habka daweyntaasi ma aha diini ee waa maaddi, xiitaa haddii aayado Qur’aan ah oo natiijo laga arkay lagu akhriyo, waa arrin maaddi ah oo aan lagu ogaan waxyi ee lagu ogaaday “waayo-aragnimo la ururiyey”.
Su’aasha meesha taal waxa weeye, ma dhabbaa in jinku dadka geli karo ama sixir jiri karo?
Jawaabtaydu waa HAA. Sixirkana diiniyan ayaan ugu qanacsanahay in uuu jiro. jinkana waayo-aragnimo iyo waxyaalo aan u goobjoogay ayaa igu qanciyey. Laakiin qof kasta oo nafsad ahaan u jirradaa ma sixrana, jinna kuma jiro. Sidaa darteed, waxa loo baahanyahay “Aqoon iyo waayo-aragnimo la ururshay” si loo kala saaro qofka sixran, qofka jinku ku jiro iyo qofka xanuuno kale oo nafsi ahi hayaan.
Taasi waxa ay qasab ka dhigaysaa in ciddii daweynta ama dabiibka dadka u banbaxaysaa ay yeelato TAKHASUS MAWDUUCAAS LA XIDHIIDHA.
Waa in aanay goobo dabiib ah furan karin, cid aan takhasus cilmi ah u lahayn mawduucaas.
Dadka aan takhasus u lahayn jirrooyinkaas -sidayda oo kale- waxa la gudboon in ay dadka si tabarruc ah Alle ugu baryaan oo aanay wax damaanadqaad ah siinin. “Ergo Alle ayaannu kuu nahay, Alle ayaana xanuunka kaa qaadi kara”, ha ku yidhaahdaan dadka. Ha u duceeyaa sidii nebigu samayn jiray marka uu soo booqdo qof jirran. Inkasta oo Quraan dadka nafsi ahaan u jirran lagu akhriyaa aanay ka soo aroorin Nebiga scw, haddana ha ku akhriyaan, waa khayre.
Jahowareerka aad arkaysaan ee culimada is weeraraya ka imanayaa halkaas ayuu fadhiyaa.
WARKII OO KOOBAN:
– In jinku dadka galo oo xanuun ku noqdo, laguma sheegin Quraanka, sunne saxeex ahna kuma aan arkin. laakiin meel jiritaankiisa lagu deedafeeyey ma jirto. sidaa darteed haddii la xaqiijiyo jiritaankiisa, WAA CAADI. Qofka dafira ee diidana, waxa lagula doodayaa ma aha Aayad iyo xadiis ee waa waayo-aragnimada iyo tijaabooyinka la xaqiijin karo.
– kOL haddii jirtaankiisaba aan la faahfaahin habka loo daweynayana lama faahfaahin. Markaa wixii cilaajin ah dee baabkaas la xiriirtaa waa “Aqoon iyo waayo aragnimo maaddi ah” oo laga doodi karo, la iskuna qabsan karo.
– Dadka waa in loo kala caddeeyo wixii diini ah iyo waxa aan diiniga ahayn. Badiyaa dadka cilaajyada ku xidhani, waxay meelahaas u aadayaan “Rumaysnaan diini ah” ee goob caafimaad oo maaddi ah inay tahay uma aadayaan. MUSHKILADDA WEYNINA HALKAAS AYEY TAALLAA!
Waxan leeyahay: “HABKA DAWEYNTU WAA MAADDI EE DIINI MA AHA”. Waxa diini ah “In la is daweeyo”.