CNN: Madaxweynaha Koonfur Kuuriya wuxu doonayaa in laga bixiyo kharashka hudheelka

Telefishanka CNN ayaa maanta baahiyey in madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Kim Jong Un oo doonayo in laga bixiyo kharashka ku baxaya muddada uu wada-hadallada u joogo Singapore halkaas oo ay 12-ka bishan ku kulmi doonaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Sababta waxa lagu sheegay in ay tahay dhaqaalaha xumada la soo deristay kadib markii ay muddo dalkaas saarnaayeen cumo-qabataymo arxan daran oo curyaamiyey dhaqaalihii dalkaas.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu degenaado hudheelka shanta xiddigood ah ee la yidhaa Fullerton hotel kaas oo qolalka madaxweyneyaasha loogu talo galay qiimihiisu habeenkiiba yahay $6000 iyadoo laga yaabo in uu halkaas joogo in ka badan maalin.

Maraykanka ayaa la sheegay  in uu diyaar u yahay in uu lacagtaas bixiyo laakiin wuxu doonayaa in marka hore ay sii dabarto Singapore oo ah waddanka martida loo yahay, kadibna ay ku soo dallacdo.

Kooxda la yidhaa The International Campaign to Abolish Nuclear Weapons oo u ololaysa in dunida laga dabargooyo nukliyeerka ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay hudheelka ka bixiyaan madaxweynaha Koonfurta Kuuriya iyagoo sheegay in ay haystaan lacag dhan $1.1 milyan oo Doollar oo ay kasbadeen kadib markii ay ku guulaysteen dhawaan abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaan Noble Peace Prize.

Wararku waxay sheegayaan in shirka loojistikadiisa iyo qabanqaabadiisu ay kolka iska dhan tahay marka laga reebo in xal loo helo ciddii hudheelka ka bixin lahayd madaxweyne Kim Jong Un.

Il-wareed: CNN