Todoba Faa’iido oo uu leeyahay Mashruuca “Berbera Corridor” (WQ: Maxamed Cali Bile)

Mashruuca “Berbera Corridor.”£8

Faa’iidooyinka mashruucani waxa ka mid:

1. Shaqaale badan iyo shirkado wadani ah ayaa shaqo ka helaya oo dakhli ka soo gelayaa.

2. Dhulka ay waddadaasi mareyso waxa ka furmi doona ganacsi iyo meherado badan oo cusub, sida kaalmo shidaal, makhaayado, iyo hudheelo.

3. Magaalada oo kala nafista oo gaadiidka galbeed iyo bari u kala socda ayaan magaalada Hargeysa dhexmarey.

4. Wakhtiga la safrayo oo aad u yaraan doona maadaama ay waddadani tahay “highway” baabuurtu xawaare weyn ku soconeyso.

5. Ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya oo xoog oo ballaadhan doonaa iyo ganacsatada Somaliland oo fursad u heli doona suuqa Itoobiya.

6. Isusocodka Somaliland iyo Itoobiya oo fududaan doona.

7. Dalxiisayaal badan oo Itoobiya ka iman doonaa oo Badda Berbera u soo dalxiisi doona.