Tolkay eersaday,tolaay ku waashay ileen taag ma haye (WQ: Cumar Cabdirisaaq Cali)

 

Dabayaaqadii Bishii hore waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay in Jamuuriyada Somaliland uu madaxwayne ka yahay Mudane Muuse Xuseen Cabdi(Muuse Biixi) kaasi oo ahaa murashax ka tirsanaa xisbul xaakimka Kulmiye oo hore dalka ugu guulaystay doorsahdii 2010 Xukuumadan cusub ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo lagu tilmaamo in ay tahay xukuumad adag oo sharciga rabta in dadku u hogaansamo ayaa mudooyinkii u danbeeyey wax meesha ka baxday dhamaan dadkii loo yaqaanay waji ku macaash iyo ku jiq sii oo dhamaantood u adeegi jiray masuuliyiinta dawladii hore si ay u fuliyaan danta masuuliyiintaasi.

Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi oo ka tirsanaa gacan yarayaasha wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga oo ka mid ahaa dadka sida weyn uga qayb qaata qorshayaasha uu fuliyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga iyo xulafo la safan wasiirkaasi oo horumar u diiday deegaanada Bariga sanaag oo ka dib dhacay guud ahaan gobolada kale ee dalka taasi oo loo sababeeyo Wado xumo,Hanaanka dawladnimo oo aan si toos ah uga amba qaadin iyo koox xulafo ah oo ka shidaal qaata wasiirkii hore ee gaashaandhiga oo uu gacan yare u yahay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada gaashaandhiga Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi.

Guud ahaa dhalinyarada ku dhaqan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo kuwa ku sugan gudaha magaalada hargeysa oo wakhtigani tilmaamay in ay arkaan wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa dhamaan cid kasta oo dan gaar ah leh iyo dhamaan qof kasta oo u adeegi jiray shakhsiyaad gaar ah maadaama oo uu talada dalka hantay madaxwayne ka madhan Qabyaalad iyo nin jeclaysi.

Xilka Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada gaashaandhiga oo la sheegay in uu Maxamuud Cabdirsaaq Cabdi ku helay u kala shaqaynta masuulkii hore ee wasaarada gaashaandhiga iyo Wax garadka dadka ku dhaqan bariga gobolka sanaag ayaa hada taagan quus uu ka gaadhay shaqadaasi maadaama oo uu meesha ka baxay wasiir kii hore ee uu gacan yaraha u ahaa waxaana soo baxday in wasaarada gaashaandhiga somaliland ay horumar balaadhan samayn doonto kadib 7 Sanadood oo cagaha uu hayey wasiirkii hore ee gaashaandhiga iyo xulafo weyn oo la safan kuwaasi oo adeegsan jiray dad badan oo ka shaqeeya sidii ay hoos ugu dhigi lahayeen horumarka la rabo in la gaadhsiiyo deegaanada Gobolada bariga.

 

Qore:- Cumar Cabdirisaaq Cali