Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waa suโ€™aal lays waydiiyo, waayo waa wax la layaabo dadka maxasta ah waxa laayay. Anigu kolay labada kooxood ee meesha isku haya midna eedayn maayo waayo wax cadayn ah ma hayo, laakiin waxa weeyi in lays dultaago cida waxan samaysay maxay uga dan leedahay, waayo arrin wal oo dhac ula jeedo ayaa laga leeyahay faham ama ha fahmin eh.

Midda kale waynagaa labada kooxood ee meesha isku haya si toos ah koox ula safanay, waayo qaar madaxdeena ah ayaaba laga haya sunni ayaynu nahay, waxaan idhi 1988 markii layna gumaadayay miyaynaan sunni ahayn, mise markaa shiico ayaynu ahayn. Soomaalidu waxay tidhaa fari togdheer ayay kula xushaa.

Haddaad maanta caalamka u fiirsato cida la laynayaa waa Suni, Ciraaq dadka la laynayaa waa Suni, Suuriya dadka la laynayaa waa Suni, Afgaanistaan dadka la laynayaa waa Suni, Yemen dadka la laynayaa waa Suni, Liibiya waa Suni iyo Soomaaliya oo Suni ah. Waxaad mooda maanta gaal iyo munaafaq in ay u heshiiyeen laynta iyo gumaadka Suniga.

Waxaad arkaysaa kuwan khaliijka iyo reer galbeedka ย oo inta badan u hanjabaaya Shiicada, haddana cidan la laynayaa waa Suni uun, anigu waxaan u arkaaba hanjabaadan riwaayad laynoo dhigaayo, marka aad u sii fiirsato waxaad dareemaysa macaa kuwan khilaajku in ay riwaayadan la matalayaan.

Inaguna dadkaa loo marmarsoonaayo ayaynu nahay, markaa heshiisyadan jujuubka lagu galay miyaanay ahayn allayle reer aan doonaayay roob ma igu eryay.

Waar dadkaa doonta lagu laayay waa farriin laynoo soo diray hadii aynu fahamno iyo hadii aynaan fahminba eh, Soomaalidu waxay tidhaa intaanad falin ka fiirso.

Doontaasi waa ciyaar eh in badan ayaa Hargaysa iyo Barbara laga ooyi hadii ย aynaan heshiisyadaa mad madow dib loo eegin,

Soomaalidu waxay tidhaa caano daatayba dabadeed la qabay eh waar farriinta laynoo soo diray aad ha loo fahmo, oo heshiisyadan la galay dib ha loo eego inta ayna tallo farah ka bixin.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Ribo Ribo Riboย 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladoodย 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaaย 

ย Siyaasadda Waxbarashadaย 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa?ย 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.comย