Toosin mise mucaaridid? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Dadka qaarkii ayaa isku khalda shakhsiga toosinta wada iyo kan mucaaridida wada. Kala duwanaashaha labadan kelmadood wuxuu nuxurkoodu ku soo ururayaa sidan:

= Toosin: Soo bandhigida wixii qalloocan iyo wixii quman, iyada oo caddaymo wadata. = Mucaaridid: Soo bandhigida dhaliillo aan daliil xoogan wadan oo ku xumee ka muuqato. Sidoo kalena ay weheliso buunbuunida waxa aanay sakaaro ka biirsanayn. Shakhsiyaadka qaarkii way isku daraan labadan kelmadood oo lagama garto dhinaca ay u janjeedhaan. Waana jirjirooleyaal u eeg kolba meesha ay marayaan. Halka kuwa kalena uu warkoodu dhayda ka cad yahay.

Afkaartooda ay ka muuqato inay yihiin dad ay meel xanjo ugu dhegan tahay. Taageerayaasha xisbiyadu ma kala saari karaan dadka toosinta wada iyo kuwa mucaaridida wada. Kan toosinta wada waxa ku dhoog barta kooxo ay madax martay caadifad reeraysani oo jibbo darteed aan waxba hubsan. Waa fara ku tiris inta si cilmiyeysan ula doodaysaa. Kuwa mucaaridida wadana iyaga waxa u dheer cay qaawan iyo af-xumo aan meel loo soo marin oo ay kula kacaan dadka diidan mucaaridida. Dhawaan ayey goob shaaha laga cabbo isku fara saareen laba qof oo kala aamisan toosinta iyo mucaaridida. Gacan-qaadka ka hore waxa dhexmaray dood kooban oo markaad indho caddaaladeed ku eegto macquul noqonaysay, dadkii goobta jooganayna ay la dhaceen.

= Toosiye: Waar ma ninkii qaranka caayi jiray baa?

= Mucaarid: Waar ma ninkii wasiirka niqaaman ahaa baa?

= Toosiye: Waxaad kala garan la’dahay qaranka iyo ninka xilka haya sida loo mucaarido.

= Mucaarid: Adigu xaaraan cune ayaad tahay oo toosin ku soo daba-gabbanaya. Meel kastana waxaad la taagan tahay in aad I xamatid. Nin baa lagu yidhi “ hebel wuu ku neceb yahay oo wuu ku xamanayey. Markaasuu yidhi” markii horeba col baannu ahayn oo ammaan kamaan sugeyn”. Sidaasi oo kale adiga ammaanba kaamaan sugeyn.

= Toosiye: Adiga ayaa xaaraanta iiga dhaw, oo markii aad xilka wasiir ku xigeenka haysay guriga aad ku jirto ayaad xoolihii ummadda ka dhistay, waadigii kirada ku jiray ileyne. Xittaa gaadhiga aad wadato ee qaaliga ah ayaa xaaraan kugu ah, oo aan caddayn u hayaa. Waayo mushaharkaaga iyo intii aad xilka haysay waan hayaa oo ma goynayaan gurigaaga iyo gaadhigaaga. Wuxuu hadalkiisa ku af-meeray xigmadan “ nin intuu yidhi diiday, waa nin wuxuu dhalay diiday”.

= Mucaaridkii ayaa koob shaaha oo uu cabbayey ku dhuftay, waar kala qabta ayaa qaylo dhaantu ka yeedhay. Dadka badankoodu ma kala saaraan qofku wuxuu aaminsan yahay iyo deegaankiisa. Judhaba marka qofka la ogaado inuu deegaan heblaayo ka soo jeedo, ayaa dusha laga saarayaa inuu qalbiga ku haysto xisbi hebel. Dhaqanka Soomaalida marka si dhab ah loo qiimeeyoo, Suldaanku waa madaxweyne, caaqliduna waa wasiiro, culimaduna waa garsooreyaal, dhallinyaraduna waa ciidan milatari, halka haweenkuna ay yihiin hayada wax-soo-saarka. Is-beddelada taariikheed ee nooluhu soo maray waa saddex weji, “Qabyaalad, gobollaysi iyo qarannimo”.

Sidaasi darteed Soomaalidu weli waxa ay ka gudbi la’dahay qabyaalada. In mar kasta la isku xidho qofk iyo deegaankiisa oo aan la eegin wuxuu aaminsan yahay waxa keena hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah. Shay kasta marka hore ee la qiimeynayo mudnaanta hore iyo tixgelintaba waxa la siiyaa waxa ay diinta ka qabto shayga laga hadlaayo. Dadka madow ee qaarada afrika ka tegay ee galay Yurub iyo Maraykanka, markii caddaankii kaga hormaray aqoontii iyo wax-soo-saarkii dhaqaalaha, waxa ay iyanna horumariyeen fankii, ciyaarihii iyo muusigii. Iyagaana ilaa maanta loo daba-fadhiistaa feedhka iyo filimada. Ninba ceesaantee ceel keentay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com