Turkey kaalin ma ku yeelan doonaa isbeddelka adduunka ee Coronavirus kadib? (WQ: Kamaal A. Cali)

Sannadkii 540 – 541 oo ahayd 30 sano ka hor dhalashadii Nebi Muxammed (SCW), Imbaraadooriyaddii Byzantine ama Bariga Roomaaniya waxaa ka dillaacay daacuun loo bixiyey ‘Justinian’ oo ku faafay Imaraadooriyaddii kale ee Sasanian iyo dhul aad u ballaadhan.

Waxa uu dilay boqolkiiba 40 dadkii deggenaa magaalada caasimadda Byzantine u ahayd ee Qustantiiniya (Constantinople), oo ah magaalada markan dambe loo bixiyey Istanbul ee dalka Turkiga. Guud ahaan adduunkana dadka uu ku dilay waxaa lagu qiyaasaa in ay boqolkiiab 13 illaa 26 ka ahaayeen dadkii markaas ku dhaqnaa.

Cudurkani waxa uu dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba daciifiyey labada Imbaraadooriyadood oo quwadii markaa jirtay ahaa. Waxaanu sabab muhiim ah u noqday in ay liicaan kafadihii quwadda adduunka. Taas oo la aaminsan yahay in ay u gogolxaadhay in labadaas quwadoodba ay aakhirkii ku burburaan gacantii muslimiinta.

Haddaba maadaama oo uu dadku yahay khayraadka ugu weyn ee uu dal leeyahay, waxaa maanta mar kale soo baxday in kala sarrayntii adduunka ee dhaqaalaha, aqoonta iyo cududda ciidanku ay u kula adkaysi iyo manfac badantahay sida uu dal kastaa ugu diyaarsan yahay masiibooyinka dadkiisa yaraynaya, una dhisay kaabayaasha muhiimka u ah nolosha bulshadiisa ee caafimaadku ka mid yahay.

Waa sababta ay u muuqato in xaaladda ka dhalata Coronavirus ay dhulka dhigi doonto dalal cududda dhaqaale iyo milateri kaalmaha hore kaga jiray. Laakiin ay waqti ku qaadan doonto in ay ka soo kacaan dhaawaca gaadhay, halka ay kor u soo qaaddi doonto dalal hore loo quudhsanayey. Waana laga yaabaa in Coronovirus uu abuuro xaalad bilow u noqota isbeddel ku yimaadda miisaanka quwadaha adduunka. Taas oo haddii ay timaaddo, sida xaal hadda yahayna ay ku sii socoto ay hubaal tahay in dalal uu Turkey ka mid yahay dalalka kaalin fiican ka cidhiidhsan doonaan isbeddellada quwadaha ee imanaya.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayey sida uu dalkiisu taariikhda wax uga baranayo ee uu isugu diyaariyey in uu mar kale ka faa’iidaysto isbeddel yimaaddaana waxa uu yidhi, “Xanuunka Coronavirus kaddib, adduunku waxa uu gelayaa marxalad ka duwan tii jirtay xanuunka ka hor. Waxaa dhismi doono nidaam caalamiya oo cusub, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba. Turkiguna marxaladdaaas cusub waxa uu la geli doonaa u diyaarsanaan aad u weyn iyo kaabayaal awood badan”