Tuuga siyaasiga ah iyo tuuga caadiga maxay ku kala duwan yihiin?..W/Q:(Jamaal Cali Xuseen )

Tuuga siyaasiga ah iyo tuuga caadiga maxay ku kala duwan yihiin? Nin African ah Oo aan ayaan dhexdaasa ka daawaday isagoo ka hadlaya su’aashan lafteeda jawaabteeddii. Bal intaan ka xasuusto iyo inyaroo jeebkayga ahba aan ku soo Koobo.

1. Tuuga caadiga ah isagaa is doorta laakiin ka siyaasadda dadkaa doorta.

2. Tuugga caadigga ah cidna taageero kama helo ee isaga kuli waa la eryaddaa xataa jaarku, halka tuugga siyaasadda uu isagu qayb weyn Oo bulshadda ah Oo wax kasta ku taageerta xataa indhahoodoo shan ah isagoo xoolihii ummadda dhacaya Oo ku takri falaya, xataa amaan baabu ku helaa.

3. Tuugga caadiga ahi wax yar buu qaataa Oo qoys keliya ku ah hagardaamo, laakiin tuugga siyaasiga ahi wax weyn ayuu dhacaa Oo bulshadoo dhan dhaawac ku ah weliba mustaqbalka dhalinyaradda ayaabu dhacaa.

4. Tuugga caadigga ahi wuu dhuuntaa Oo weji Ma leh Oo magacna hadalkiisaba daa, halka tuugga siyaasiga ahi Oo tuugadda sharaf iyo magac ku sii helo iyadoo loo qushuucsan yahay weliba la odhanayo haddaa Hebel waa nin siyaasi ah Oo belo ka dhacday.

5. Tuugga caadiga ahi kolkuu xataa ka fadhiisto shaqaddii tuugonimadda waa la hiifaa Oo xataa lama saamaxo, halka uu tuugga siyaasiga ahi kolka ay xataa shaqaddu ka dhamaato uu magac iyadoo loo sare kaco uu ka helo, iyadoo weliba waxyaabihii uu xaday ay weli u sii shaqeeyaan Oo hadday cidi soo hadal qaadana la odhanaayo reer Hebel baa loo jeeddaa.

Waar way badan yihiine idinkuna ka warama Oo waxna ku sii dara.

 

Qore:Jamaal Cali Xuseen

Bandhige@gmail.com