Tuugii Ilaahay ka baqayay! (WQ: Axmed Idiris Ismaaciil)

Waxa laga yaabaa inaad is waydiiso tuug iyo Alla ka cabsi maxaa isu keenay meelba ma wada galaane. Haddaba wiil yaroo arday ah, aabihiina hore u dhintay, ayaa hooyadii waydiiyay; hooyo aabahay muxuu qaban jiray? Hooyadii aadbay uga xumaatay inay wiilkii yaraa u jawaabto.

Halkii uu wiilkii yaraa ka sugayay jawaab waafi ah ayaa hooyadii ku tidhi; su’aashaa mar dambe ha i waydiin iyadoo aad u xanaaqsan. Maxaad ka doonaysaabay ugu hal celisay hooyadii wiilkii? Wuxuu yidhi; hooyo macalinkaa nagu yidhi nin walba waxa aabihii qabto/qaban jiray waa inuu qabto muddo 24 saac ah. Hooyadii iyadoo aad u diidan arrinkaasay ku tidhi; hooyo aabahaa tuugbuu ahaa.

Wiilkii is diyaari una xadhko xidhay siduu hawshii u qaban lahaa, reerihii jaarka ayuu isha la raacay, marka uu reer faqiir ah soo agmaraba wuxuu niyadda u sheegaa waar Ilaahay ka baq kuwani waxba ma haystaane. Ugu dambayn wuxuu ku soo baxay reer tujaar ah qasri wayna deggen.

Gurigiibuu u soo dhacay, qolalkii aanay waxba oolin oo dhan waa soo dhaafay, kuna soo hagaagay halkii khasnadda reerku taallay. Khasnadiibuu furay mise lacag iyo dahabaa afkaa maraya. Gurigu waa guri waynoo laysuma war hayo.
Lacagtii iyo dahabkiibuu kala guray markii uu kala dhig-dhigaybuu sakadii ku waajibtay xisaabteeda galay si uu wax uga xado wixii soo hadha marka sakada laga jaro.

Intii uu xisaabtii ku jiraybaa salaadii subax la eedaamay, wixii faraha ka qaad oo isu diyaari inuu tukado. Ninkii reerka lahaa oo soo kacaybaa la kulmay ninkii oo khasnadii kala dhigdhigay oo salaadii subax ku ag tukanaya. Salaadii markuu ka baxaybuu waydiiyay; waar maxaad ahayd? maxaase kuu geeyay alaabtayda? Aragna inaanuu wax huba sidan. Soo fadhiisobuu yidhi sheekadiibu uga sheekeeyay, wuxuu ku soo gunaanaday xoolahaaga sakadiisii waataa xisaabteedii waxaanan ugu talo galay inaan wixii soo hadha wax ka xado.

Ninkii yaab, wuxuu yidhi hadaad ii shaqayso ood ii xisaabiso xoolahayga, inantaydana aan ku siiyo maxaad tuugnimo ku fali? Waxba iyo hawraarsan. Halkiibaa ninkii wax xad islahaa reerkii kula xididay.

Sheekadani maantay taaagan tahay!!!!