Qaar baa la soo carari waa Iran, illayn waxaynu arkaynaa, had iyo goor kuwan caalamka hogaamiya oo wadankaa shiicada ah u hanjabaay, waar taasi waa majaro habaabin, imisa wadan oo suni ah ayaa burburay intii ay Iran u hanjabayeen, ama si kale waa (this is red herring, or wild goose chase).
Hadaba inta aynaan galin mawduucaa, waxaa wanaagsan in aynu isla garanayno aduunka cida ku halgamaysa. Waayo? nolosha aduunku gabigeeduba waa halgan.
Cida aduunka ku halgamaysaa waa xaq iyo baadil, inta aduunka laga laa laabayana way halgamayaan, kolna mid uun baa sarayn, waayo hadii mid uun sareeyo marwalba, noloshu wax qiima ah ma samaynayso, dha-dhana ma yeelanayso.
Markaa cid wal oo ku sifowda xaq ama baadil, umad, koox ama qof ha ahaato, qolada kale way nacaysaa waanay colaadinaysaa marwalba.
Waxa kale oo jirta umada, kooxda ama qofka xaq raadiska ah ama baadil raadiska ah, iyaguna kafadaas ayuun bay soo galayaan, oo wa la colaadinayaa dhinaca kale ee ka soo horjeeda ayaa colaadinaya.
Hadaba kolay dadka aqoonta lihi, waxbay ku micneeyeen, xaqa iyo baadilka, taa galimayno, laakiin maanta xaqa iyo baadilka si kale ayaa loo arkaa.
Yaa xaq loo arkaa yaa se baadil loo arkaa ? maanta kuwa caalamka hogaankiisa hayaa waxay u arkaan xaq ama cadaw, umada ama koox ama qof ku sifoobay muslim iyo suni
Hadaba umada loogu necebyahay maant aduunka waa umad ku sifowday, muslimnimo iyo suni, cida ay doonto ha ahaatee.
Sifadaa umada badan oo muslimiin ah ayaa ku sifowday, laakiin hadii aad u fiirsato umadahaas kale oo dhan dadkale ayaa ku dhex jira haba yaraadaan qaarkood eh.
Hadal iyo guntii sifadaa umada si toos ah ugu sifowday waa soomali, waa umad nooc gaar ah, waliba waxay ku sii darsadeen inay madaw yihiin, waa umad (unique) ah, sidaas awgeed waa umada ay ugu necebyihiin kuwa maanta caalamka hogaamiyaa gaalada, munaafiqiintooda iyo kaba qaadkoodu.
Bal sawiro intee ayay u xadhig maleegayaan umadaas, wax caqligu sawiran karo maaha.
Imika dhul badan oo dadkaa sunigu dagaayay ayaa la burburiyay. Somalidu waa dawladii suniga ahayd ee loogu hor burburiyo.
Taa waxa ka sii daran iyaga oon is ogayn waxa loola dagaalamayo, iyo iyaga oon garanayn cida la dagaalamaysa.
Labo qolo ayaa la dagaalamaya qaar waa kuwa lagugu dhexbeeray, qaarna waa kuwaa dibada, waxaana khatar badan kuwa lagugu dhexbeeray, soomalidu waa tii tidhi gudinayahay imaad goyseen, hadaan badhkay kugu jirin.
Nur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com
Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:
http://bandhige.com/noloshu-waa-khibrad-la-ururiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/aan-kursiga-mar-uun-ku-fadhiisto-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/allayleh-reer-bari-rag-dheh-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/waa-maxay-quruxdu-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/sidee-dhaqanka-dadka-loo-badali-karaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/wasiirka-imraadka-qarqaash-oo-markale-hadlay-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/
http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com
Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com