Ururada Rayidka ahi waa in ay xuquuqdooda difaacdaan (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

 

Mahad Dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeena Muxammad. Salaan Qaaliya. Dhamaan Saxaafadda iyo Ahkristayaashaba waan salaamyaa

Qoraalkan kooban waxaan ra’yigayga ku cabirayaa Xisbiyada qaranka oo qaarkood dareen taban ka muujiyeen la shaqaynta hayadaha Rayidka Somaliland, sida SONSAF iyo APD. Xisbiga Waddani xoghayihiisa guud ayaa isagu qoraal arintaa uu kaga hadlayo ku baahiyay warbaahinta, (sida aan ka akhriyay Wargeyska Geeska Afrika, cadadkiisii 284, Sept 12, 2017), qoraalkaas oo mucdiisu ahayd in Xisbiga Waddani ay hakiyeen lashaqaynta labadaas hayadood wixii ku saabsan arimaha doorashada.

Intaanan mawduuca guda gelin aan  tilmaamo doorka Ururrada Rayidka ahi ay dhismaha qaran leeyahay kaga jiraan. Sideedaba, Wadamada deganaashaha lagu majeerto ee xukunka hab doorasho oo silmi ah lagula kala wareego, waxa la tilmaamaa in ay ku gaadheen ama ay u suura gelisay arimo dhowr ah in uu waddankaasi leeyahay oo ay ugu horeeyaan:

  1. Ururo rayid ah oo madax bannaan, oo dabcan saxaafadduna hormood ka tahay.
  2. Xisbiyo siyaasadeed oo madax bannaan kuwaas oo aan cid gaar ah u xidhnayn, dadkuna doonistooda siyaasiga ah kusoo bandhigi karaan.
  3. Nidaamka garsoorka oo madax bannaan iyo Sharciga oo cid walba ka sareeya, kaas oo suura geliya in si siman ama ugu yaraan macquul ah khayraadka dalka loo wadaago.
  4. Iyo inuu jiro nidaam ganacsi oo isaguna ilaa xad madax bannaan kaas oo ku xidhan midka caalamiga ah ee maalgeshiga casriga ahi hoggaamiyo.

Somaliland waxay nasiib u yeelatay Ururo aan dawli ahayn oo noocyo kala duwan leh, sida SONSAF iyo APD iyo kuwa la midka ah. Ururadani runtii meel adag ayay kasoo bilaabeen geediga, in badan oo ka mid ahina waa ay taabo gashay, runtiina waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, waajibkaasina wuxuu saranyahay  xukuumada hadba talada haysa.

WADDANI MUXUU QOONSADAY?

Warqadda saxaafadda lagu baahiyay ee uu Xoghaya guud soo saaray waxay muujinaysa in aanay wada shaqayn la yeelan doonin SONSAF and APD.  Dhinac markaad ka eegto cid waliba ama xisbi ha ahaato ama qof ha ahaatee, xidhiidh ay la lahayd cid kale way hakin kartaa, joojin kartaa ama u goyn kartaaba. Xisbiga Waddanina xaq buu u leeyahay inuu go’aan noocaas ah qaato, waanan ixtiraamayaa. Laakinn dhinaca kale Xisbigu kama joojin karo in urrurada bulshadu ka shaqeeyaan tusaale ahaan hawlaha doorashada, sabatoo ah waa ururo bulsho, nidaamka doorashaduna waxa weeye in la helo doorasho laga wada qayb qaato (Inclusive elections) oo si wanaagsan u dhacda (free and fair). Midda labaad SONSAF iyo APD maaha iyagu garsoorayaal (NEC baa xilkaa haysa), waa kormeerayaal, wixii ay qoraana wuxuun buu wanaajinayaa habka doorashadu u dhacayso, waxaanu tusayaa dudnida kale in ay dhacday doorasho laga wada qayb-qaatay (inclusive elections). Warbixinahaas badankooda waxaa loo isticmaalaa in doorashooyinka dambe lagu hagaajiyo, waayo waxay soo bandhigaan waxyaalihii si wacan u dhacay iyo meelihii gaabisku kaga jiray si kuwa dambe looga gaashaanto.

Sidaas darted labada dhinacba waxaynu u jeedin lahayn talooyin kooban oo aan rajaynayo in ay anfici doonaan:- 

URURADA MADAXA BANNAAN EE WADDANIGA AH (siiba SONSAF iyo APD), WAXAYNU LEENHAY:

  • Idinka waxa muhiim ah inaad hubisaan in aan shaqaalihiina ama madaxda xafiisku aanay si toos ah oo ay caddaysanayaan ugu ololayn Xisbi gaara
  • Siyaasadda bulshada lagu horumarinayo inaad ka shaqaysaan waxay ka mid tahay doorka ururada bulshada siisba SONSAF iyo APD, wuxuun baa shardi ah in aad dhexdhexaad ahaataan oo aydaan dhinac la jirin (non-partisan).
  • Waa la yaqaan siyaasi cadhaysan inuu wixii uu ka shakiyoba cagta dhulka ugu dhufto, si kuwa uu ka yara shakiyay ay u baqa cararaan ama wax kale oo markaa aan muuqanini meesha  uga soo baxaan, taas waa inaad iska ogaataan, oo dulqaad u lahaataan iyo tabaabulshe qorshaysan si aydaan khalad u gelin.
  • Sidoo kale haddii laydin dhaliilo waa inaydin ka garbaxdaan oo dadka la hadashaan.

ASXAABTA WAXAYNU LEENAHAY

  • Qof kasta iyo urur waliba xaq bay u leeyihiin inay taageeraan xisbigay rabaan
  • Jilayaasha aan dawliga ahayni (NSAs) way u madax banaanyihiin inay qaataan doorkooda sharcigu siinayo iyo waxa ay u taaganyihiin. Tusaale ahaan inay kormeer sameeyaan, inay warbixino ka qoraan doorashadu siday u dhacayso, inay warbixinahaas soo bandhigaan, cid walbana oo ay khusayso la wadaagaan.
  • Haddii ay shirar/doodo qabtaan ururada bulshadu oo ay idinku casuumaan, waa inaad timaadaan oo kasoo  qaybgashaan. Sababtu tahay bulshda ayaa idiinbaahan si ay u dhegaystaan afkaartiina. Haddii aydaan imanayn, waa ka maqnaan kartaan iyadoo aydaan cidna cambaaraynayn.
  • Laakiin Xisbiyadu ha ogaadaan, Ururada bulsadu waa hay’ado (institutions) idinla siman oo sidiina madax bannaan, shaqadooda ma joojin kartaan, sida iyaguba aanay shaqadiina u farogelin Karin.
  • Midna wayga talo inaad xidhiidh fiican la yeelataan baa ka fiican inaad la colowdaan. Waayo xisbiga malagiisu gelayo ee dhiman raba ayaa ururrada rayidka ah kusoo meeraysta. Waxaan xasuusta cahdigii UDUB in uu xidhay xafiiskii dalladii ururada rayidka ahayd ee la odhan jiray Somaliland Civic Forum. UDUB dabcan ururkii waa ay xidhay, afkana way qabatay, laakiin wuxuun bay ururradiina hoos u yidhaahdeen “UDUB ha dhacdo…Udub ha dhacdo…..”, sidii baanay noqoqtay. Markaas bal bad haysku kicinina e, cagta u dhiga.

Sidoo kale waxaan dadweynaha codbixiyayaasha ah ku barraarujinayaa inay aad dheehdaan, dhadhamiyaana waxa Xisbi waliba ka aaminsanyahay inuu hirgeliyo, horumariyo bulsho haysata deegaan/fursad (space) ay ku horumariyaan doonistooda iyagoo samaysanaya Ururo madaxbanaan iyo saxaafad xor ah. Xisbi kasta oo ay ka dhadhamayso inaanu taa u heelanayn ogaada si hawl yar ayuu diktaatoornimo ugu xuubsiiban karaaye.

Ugu dambayn waxaan bogaadinayaa shaqada iyo doorka ay hayaan hayadaha SONSAF (Somaliland non-State Actors Forum) iyo APD (Academy for Peace & Development) iyo kuwa kale ee aanan magacdooda halkan kusoo koobi karayn.

Wallahu Aclam

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Caydiid

Kulmiye guushii miyuu la caraabay mise ciyaari waa gelin dambe 

Baarlamaanow, arrinta Shirguddoonku – Maba weynee haysla waayina 

Baarlamaankii yara qufacay dawadiisii waa la helay

Itoobiya oo saami laga siiyo maalgeshiga Dekadda Berbera maxay ka dhigantahay?

Dacwadda UCID waa maara-raw siyaasadeed 

Qaylo-dhaanta Cabdilaahi Jawaan: Sax mise Khalad

Marsada Berbera laba laysku heli maayo

Taageeridda mudaharaadka London (UK) xisbiga Waddani miyuu ku saxsanaa?

Saldhig Milatari – Ictiraaf ma gooyaa? Q2aad

Saldhig milateri: Xul mise xal? 

Dhawaaqu ha gaadho meel dheer

Adigu haddaad Jamaal tahay maxaad yeeli lahayd

Dhaawaca Waddani intee buu hoos u qodan yahay?

Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com