Urureynta macallimiinta taclinta sarre, ma noqon doontaa mid guuleysata, Q1aad (WQ: Abdifataah M. Axmed)

Xafiisyo badani somaliland ma jecla shaqaalaha sharciga iyo xeerarka shaqaalaha soo hadal qaada amma ka hadla,Halkaasi waa seero xidhan oo aan la rabin in aad gasho,ka hadalkeeduna maaha arin u qabow sida aad filan karto waayo goodiska shaqo ka ceydhinta iyo cago jugleynta baahida la isaga faa,ideysanaayo ayaa wax kasta ka sii weyn.ku jirida amma sameynta urur shaqaale maanta somaliland wuxu dad badan ula muuqdaa ku biiritaanka furin iyo koox miineysan oo markasta qarxi karta.

Xidhiidhka ururada shaqaaluhu waa aragti curdin ku ah nolosha reer somaliland ee 30 jirsatey waase hal abuur wakhtigiisi la joogo si xooga shaqaalaha dalka iyo xirfadlayaashu ay danahooda isaga kaashadaan.Dal kasta hal urur iyo kooxo amma shakhsiyaad kooban ayaa hirgeliya  lehna fikirka bilowga  sameynta ururo shaqaale kuwaasi oo naftooda u hura isku dheeli tirka awoodaha iyo xuquuqaha shaqada,shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba,taasi oo albaabka u furta kooxo badan oo ciilanaa amma cabudhsanaa  in ay iyaguna soo furtaan ururo ay ku mideysan yihiin.

Shaqaalahee  u baahan in ay ururo sameystaan somaliland

Ururada shaqaalaha daacada laga yahay waxey u socdaan in ay kor u qaadaan mushaharka shaqaalaha,xaqa iyo xuquuqiyaadka shaqalaha sida fasaxyada,caafimaadka,hawlgabka iyo hagaajinta xaalladaha deegaanka lagu shaqeynaayo.waxaaney isha ku hayaan marka daacada laga yahay talaabo kasta oo sharciga baalmarsan lagulana kaco shaqaalahooda.Ururadu waxa ay isku dheeli ter miisaaman ku sameeyaan awwoodaha shaqada,shaqaalaha iyo loo shaqeyahaba.somaliland dad badani waxa ay rumeysan yihiin in ayna wakhti xaadirkan lagu jiro u baahneyn ka mid ahaanshaha ururo maxaa yeellay waxa ay u shaqeeyaan amma ka shaqeeyaan shaqooyin ay ku baahi baxeen iyagana loo baahan yahay,halka dad badani rumeysan yihiin in dadka shaqooyinka hoose ka shaqeeya sida sariibadaha,dhismaha,ganacsiyada qaar,dilaalinta,gaadiidleyda iyo macallimiintu ay yihiin kuwa ugu baahi badan furashada ururo shaqaale,fikirkan dambase waa mid meesha ka sii baxaya waayo maanta dunnida shaqaale weyne badan oo dabaqada sarre ee nolosha ka shaqeeya sida dhakhaatiirta,bayloodada,xawaaladaha,bangiyada askarta iwm ayaa leh ururo danahooda u illaaliya.

Ururada Ma waxa loo Furanayaa in lagu khalkhal geliyo Nidaamyo Dhisan

barashada xuquuqaha shaqada,shaqaalaha iyo xeerarka shaqadu wax ay qof kasta u sahleysaa in aanu ku dhicin haadan iyo mugdi,waxa ay u fududeyneysaa in uu waxkasta waayo aragnimo iyo aqoon u yeesho.Maanta ururada shaqaalaha dunnida laga furto waxa intooda badan aasaasa dad waxbartey oo aqoonta shahadooyin sarre ka heysta,kuwaasi oo isha lagu hayo sidda ay isbeddel ugu sameynayaan xarumaha bulshadda u addeegaaya.caalamada iyo maggaca urur shaqaale waa in aanu noqon mid laga ordo lagana cararo waase in uu noqdo mid lagu soo hirto.

ururku maaha in uu  si khaldan u kiciyo shucuurta shaqaalaha,shaqaaluhuna ay awwooda ururkooda si khaldan u adeegsadaan.fahanka shucuurta shaqaalaha ku fekiraaya in ay hadda urur leeyihiin waxa masuuliyadi ka saaran tahay madaxda ururka iyo madaxda xafiisaadka intaba,shaqada urur weynaha shaqaaluhu ku midoobaan waa in ay noqotaa mid lagu soo hirto oo aan laga wada  cararin,waa in ay noqdaan kuwo ku taagan dantii ay shaqaalaha ku matalayeen oo aan dano gaar ah uga leexan ururweynihii ay hoggaanka u ahaayeen waayo ururo badan waxa ay noqdeen kuwo dano kale lagu rabey.maamulada iyo hogaamiyaasha xarumaha shaqadu waa in ay kula macaamilaan shaqaale weynaha ururada sameystey hab fikir kii horre ka duwan si ay ugu muuqdaan kuwo wada shaqeyn la sameynaya ururka ay ku bahoobeen shaqaalaha u shaqeeyaa,is adkeyntii,cago jugleyntii,eriskii,ku tagrifalidii awoodaha xilka,musuq maasuqii,eexashadii iyo sharci jebintiiba waa in ay uga waantoobaan awoodda  dusha ka eegeysa.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com