URUREYNTA MACALLIMIINTA TACLINTA SARRE,MA NOQON DOONTA MID GUULEYSATA (Q2AAD)

Bahda Macallimiinta Jaamacadduhu isku deygii ugu danbeeyeye ee ay sameeyeen waxa ay dhidibadda ugu taageen dallad iyo maggac kulmiya si ay danahooda uga sheegtaan fagaarayaasha dalka “SOMHETU“.Somaliland Higher Education Teacher’s Association” loona helo  bar kulanno iyo xarumo u dhaq-dhaqaaqa horumarinta xuquuqiyaadka assaasiga ah ee barayaasha tacliinta  sarre.Fikradani ayaa aheyd mid hanka iyo niyadda barayaal badan oo ku dhex qalbi jabsanaa xirfaddaasi kor u qaadey,albaabadana u furtey ka mid noqoshadiisa iyo la shaqeyntiisa.

isbeddel baa  ku socdo  nolosha iyo horumarka dhankasta oo laga eeggo guud ahaantiis ,shaqaaluhuna wuxuu u baahan yahay in xaaladdiisa hoos loo eego laguna wajaho qorshe ka duwan kii horre ee sannooyin horre oo gaboobey lagu maamuli jirey xirfaddiisa.shaqadu waxa ay u baahan tahay xirfaddo cussub oo hor leh iyo door intii horre ka duwan sidaasi oo kale xeerar iyo sharciyo cussub oo la- jaan qaadda waayaha iyo sabanka la maraayo.

Markii dad badani  Sannadihii ina dhaafey  sameysanaayeen ururada ee ay dunnida cussub abuurayeen  kana madax-bannaanadeen  qabyaaladda waa lala yaabanaa,Maantaase la aqoonsadey in ay inaga duwanaayeen wakhtigaasi.haddii dhakhtarada oo ugu dhaqaale badan somaliland ay leeyihiin urur ay danahoodda ku illaashadaan maxaa diiddaaya in xirfadlayaasha dabaqada hoose/dhexe ku jira baahidana u qaba midowgu ay iyaguna dhistaan ururo ay noloshooda iyo xirfaddooda  ku horumariyaan.

Ururadu waa kuwo jiifka iyo fadhiga  u diiddaya loo shaqeeyaha si uu uga foggaado xad- gudubka xatooyadda,tacadiga iyo  sharci-jebinta.si loo helo markaa deegaan qurxoon oo lagu shaqeeyo,shaqaale u daacadda ah shaqadooda iyo loo shaqeeye lagu soo dabbaalo xeyn daabka maamul wanaaga iyo  xeer illaalinta waa in bulshadda oo dhammi ay sameysataa/furataa ururo shaqaale  una diggo rogtaan midnimada fikirka iyo aqoonta.kuweena maalqabeenka ah iyo kuwo badan ee saboolka/danyarta ahiba ururo ayey ku danbeyn doonnaan.sidaasi si la mid ah ururka macallimiinta tacliinta sarre wuxuu albaabada u furey ilbaxnimo iyo xadaarad cussub oo qarniyo u shaqeyn doonta barayaasha tacliinta sarre ku soo biiri doonta.

Qabyaaladdu Inaguma Filna Inamana Wada Deeqi Doonto

Markii Macallimiinta Tacliinta sarre ay sameysteen ururweyne ay ku bahoobeen waxa uu markiiba soo gaadhey warbaahinta somaliland.Maxaad isleedahay wey u sameysteen ururka macallimiinta tacliinta sarre tollow? in badan waxa ay is odhaneysaa waa Macallimiin waxbarashadda ka sameeya dhaqaale ku filan oo heysta  nolol qanacsan maxaa markaa ku kelifaaya urur la furto,halka in badana oo kalena ay isleedahay ururkaasi waa loo baahnaa wuxuuna ku soo hagaagey wakhtigiisii si loogu illaaliyo  bahda macallimiinta oo  dhibaatooyin badan kala kulma shaqada macallinimada. Urureynta shaqaale weynaha dunnidu waa aragti ka madax bannaan baahi waana mid xuduudo uga tallaabtey helida nolol cussub si looga hadlo wax ka baxsan aragtiyihii dhaqamiga ahaa ee noloshii horre.

Maxey Macallimiinta Tacliinta Sarr ugu baahan yihiin Urur ay ku Mideysan yihiin

halkan hoose ayaan idin ku sheegayaa qoddobada macallimiin weynaha tacliinta sarre ku qasbaaya ururweyne ay ku mideysan yihiin.

1) illaalinta heybada iyo dhawrida sharafta xirfadda macallinimo,waayo waan ognahay in macallinimadu ay tahay shaqada ugu anshaxa wanaagsan,si aan loga foggaado in barayaal badani ay u arkaan shaqada macallinimo mashruuc waxbadan oo xun lagu dhex qarin karo.

2)Xornimada cabirka araarta iyo fikirka Aqoonyahanka macallimiinta ah,maxaa yeellay macallimiintu waa dadka ugu badan ee fikirka xorta ahi ku jiro lagana heli karo,Xornimadaasi fikirka oo ah midda haddii la sii daayo abuuri karta ikhtiraacida wax cussub iyo natiijooyin midho dhal ah.

3) ujeeddada saddexaad ayaa ah in si caaddaalad ah loola dhaqmo barayaasha tacliinta sarre dhan kasta haddii ay tahay dheefta,shaqada,xuquuqiyaadka iyo kiisaska dambi ee dhici kara

4)in sharciga,shaqada,xuquuqaha iyo baahiyaha jiraba laga wada siman yahay oo aan cid gaar ahi dhinac u leexsan wax la wada leeyahay waayo siddi berigii horre wax u wada muuqan jireen hadda uma muuqdaan waxaana soo baxey wax badan oo la qariyo oo aan la kala ogaan karin.

Sameynta Ururada Xidhiidhada Gobollada iyo Degmooyinka

Macallimiintu waa  ka mid Bulshada ugu aqoonta badan dalka,sidoo kalena waa xirfadlayaasha ugu dareen dhow bulshadda,maxaa yeellay dhacdooyinka nolosha sida siyaasadda,dhaqaallaha iyo  addeegyada bulshaddaba si gaar ah ayey isha ugu hayaan,Xornimada hadalka,dheefta,caddaalada,xaq dhawrka,naxariista oo ah wax aan la arkin laguse dareemo ficilka iyo waxqabadka ayeyna ugu jecel yihiin in ay ku arkaaan shaqada.

Sameynta Xidhiidhada gobollada iyo degmooyinku waa Shaqada xigta Sameynta una taalla Dallada guud ee Midowga Macallimiinta Tacliinta Sarre,Anniga aragtideyda ayaa aheyd in aan Assaase ka noqdo Xidhiidhka Gobolka Maroodi Jeh “Maroodi Jeh Higher Education Teacher’s Association(MAHETA).

Abdifatah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com