VOA ma idaacad Soomaali u dhex ah baa mise waa mid dhan ka raran (WQ: Cabdimajiid Iid Aadam “Dhimbiil”)

 

Marka aan leeyahay “VOA” ma idaacad dhex ah baa mise waa mid dhan ka raran u jeeddadaydu waxa weeyi guud ahaan dadka Soomaaliyeed ma warbaahin ay u siman yihiinbaa mise waa mid qayb ka mid ah xulafo ka dhiganaysa amaba la ah oo dhinac ku tiirsan oo qolona la shaqeysa, qoloda kalena yasta oo wax badan aan ka waraminba, haddii ay ka soo warantana intooda ugu xun sheegta ama si quudhsi ku jiro in yar oo weliba ujeeddo ka danbayso ka soo sheegta.

Sida caadada ah warbaahiyuhu amaba warbaahintu waa in ay noqotaa mid xaqa ku adeegta cidwalbana u danaysa oo bulshada oo dhan u adeegta,  haddaba dhegaystayaashuna badanaa marka ay dhegaysanayaan waa ay maqlaan marka ay Soomaalida ka waramayso warbaahintani in aanay sida saxda ah ugu waramin  balse ay dhan ka raran tahay ooy dhinac u jan-jeedho.

Iyadoo arintu ay halkaa marayso ayaa maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaan booqday bogga ay VOA ku leedahay barta Facebook-ga  kadibna waxan arkay sawir xaafada masallaha ee magaalada hargaysa ku taala laga qaaday  inta ay soo qaateen ay kusoo dul qoreen waa xaafad hebla oo ku taala magaalada muqdisho, waxa kaloo iyadna jirta in maalin dhawayd ay isla boggooda soo geliyeen war ah in “koox yar oo reer Somaliland ah oo dacwad bini aadam nimada ka dhan ah ka gudbisay  “Cali Samatar” iyagoo sheegay  in uu ku lug lahaa xasuuqii ay xukuumaddii Siyaad Barre ka geysatay dhulka Somaliland xilligii kacaanka, waa ta saddexaade qof kastoo soomaalilaan u dhashay oo aduun weynaha kale jooga oo guul gaadha waxay idhaahdaan hebel hebel oo Soomaaliya kasoo jeeda ayaa sidan iyo sidan sameeyeey abaal marinna ku guulaystay.

Iyadoo haddaba ay arintu sidaa u cakiran tahay  ayaa haddana waxaan arkay dad badan oo fal-celin ka sameeyay arimahan kor ku xusan oo ka biyo diiday.

Haddaba su’aasha meesha taalaa waxay maxay sababta keentay  inay warbaahintan VOA noqoto mid dhan ka raran?

 

Qalinkii: Cabdimajiid Iid Aadam “Dhimbiil”

e-mail:Cabdimajiidiid@gmail.com