Waa kuma geesiga xilliga doorashadu? (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

Tartanka Doorashadu waa mid qadhaadh, una muuqaal eeg kan tartamadda Ciyaaraha Kubadda cagta oo kale, Tusaale ahaan, Hidaha iyo Caadada tartamadda Ciyaareed waxaa lagu yaqaanaa in Kooxaha tartamayaa aanay waxba la hadhin Xiliga Ciyaartu ka socoto Goobta hardanka oo ah garoonka Ciyaarta, balse, dhamaadka Ciyaarta waxaa caddadu tahay in Kooxdii Badisay iyo Tii laga guulaystay aanay garoonka ka bixin ilaa ay isa sii salaamaan, oo laabta laabta isu saaraan, taasoo macnaheedu yahay in tartanku aanu colaad iyo dagaal ahayn, ee uu ka xeel dheer yahay, kana micno-badan yahay intaas.

Dhinaca kale, Tartanka Doorashada Madaxtinimaduna kama xikmad iyo macno duwana taas, in la tartamo macnmaheeduna waxaa weeye in guul la kala helo, laysuna hambalyeeyo, ee ma ahan in lays colaadiyo, nacayb iyo buqdina laysu qaadeo, halyeyga Guulaysta xiliga doorashadu ma ahan kan libtu raacday, ee waa ka aqbalay in laga guulaystay, una hambalyeeyay ciddii ka guulaystay, waana dhaqan iyo qaraar adag oo ay in-yar oo hogaamiyayaasha siyaasadeed ka mid ahi hibo u leedahay inay la yimaadaan, 2003-dii ayaa Madaxweynaha Maanta ee Soomaliland, Mr. Siilaanyo aqbalay in lagag guulaystay cod aad u yar, taasoo ay si weyn taariikhda iyo dadka aghlu;-caqliga ahiba ugu amaanaan, waxaa isaguna isla sunahaas mid la mid ah la yimi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo isaguna aqbalay in doorashadii dhacday sanadkii 2010-kii lagaga guulaystay, taasoo uu amaan badan ku mutay, dhab ahaantii, labaadaas hogaamiyaba markii ay qaadanayeen go’aanka ah inay aqbaleen in laga guulaystay  waxaa saaraa culayso aad u badan oo uga imanayay qaar ka mid ah hawlwadeenadii xisbiyadooda iyo taageerayaashoodii, kuwaasoo ku tirtirsiyay inaanay aqbalin natiijadda, balse, iyagoo eegaya Sumcadooda Hogaamineed, siyaasadeed iyo tan dadkoodaba ayay ku dhiiradeen inay aqbalaan natiijadda, una hambalyeeyaan kuwii ka guulaystay.

Hadaba, Waxaa maanta Taariikhdu u furtay bogageeda banaan labada Musharax ee Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro si ay ugu qoraan taariikhdooda berito shar iyo kheyr-ba waxay ku weelayn lahaayeen, oo ah, inay raacaan wadadii ay raaceen labada Hogaamiye ee Axmed Siilaanyo, iyo Daahir Rayaale,oo ay aqbalaan natiijadda doorashada haddii midkood guul-daraysto, oo ay sidaas taariikhdooda berito ku hagaajistaan, iyo inay Khaatumo-xumaystaan oo ka hor-yimaadaan Natiijadda Doorashada, sidaasna ku galaan bayjajka madow ee taariikhdooda berito, waxaan isaga werwer badan laga qabin, Eng faysal Cali waraabe, oo lagu yaqaano inuu yahay hogaamiye si maskax furan u aqbala Guul-darada, isla markaana leh mug iyo baaxad uu ku wajaho Guul-daradda siyaasadda.

Gunaanadkii, Waxaan kula talin lahaa labada Musharax ee Muuse Biixi, iyo C/raxmaan Cirro inay la yimaadaan bisayl siyaasadeed oo ay ku aqbalaan natiijadda doorashada haddii uu midkood Guusha waayo, sababtoo ah, dhaqanka Tartanka ayaa ah in ruuxna wax helo, midna wax waayo, isla markaana ay ka dheeraadaan inay umaddan u horseedaan fowdo iyo dhibaato aanay kazoo waaqsan, waa in marka lagu dhawaaqo natiijadda doorashada uu ninka laga helaa si xushmad, maskax-furnaan iyo hogaamiyo-nimo leh u aqbalaan natiijadda doorashada, una sheegaan taageerayaashiisa in lagaga guulaystay doorashadii la galay, , lana shaqeeyaan madaxweynaha guulaystay, oo ah madaxweynahoodii sharciga ahaa ee doorashada kusoo baxay, isaguna (musharaxa laga guulaystay) oo la shaqayn doono, waxaa hubaal ah, in haddii uu sidaas ula hadlo taageerayaashiisa ay noqon doonto wax dadka iyo dalkaba wanaag u horseeda, isagana magac iyo sumcad wanaagsan taariikhda u geliya.

Isku soo Wada duuboo, waxay dunidu aad u amaantay Doorashadii ka dhacday dalkeena 13ka- November 2017, taasoo ay ku tilmaameen inay ahayd mid ku dayasho u ah dunida inteeda kale, balse, waxaa iyana ay dunida isha ku haysaa sida ay u aqbalaan dhinacyada tartamayaa natiijadda doorashada, taasoo ah runtii Calaamatul-suaal dul saran weli heerka iyo Tayada Doorashadeena?

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii:- Hussein-lucky Mohamed Mohamoud

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com