Waa kuma Maxamed Baashe? (WQ: Prof. Osman Abokor Dubbe)

Maalmahan waxan arkayey dad si’ ka baxsan dhaqanka wax diidada u weeraya qoraaga Maxamed Baashe X. Xassan oo soo bandhigay ra’yi ah ‘isla doonidda shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay’.
Ujeedada qormadaydani waxay ku salaysan tahay in aan cod dheer ku sheego shakhsiyadda Maxamed Baashe, waxa haga ee hoggaamiya iyo inta aan ka aqaano oo aad xeel-dheerideeda ka dhex-heli doontid qoraalkan.

Ugu horrayn, Maxamed Baashe waxannu is baranay dhammaadkii qarnigii hore, qiyaastii badhtamihii 1999kii. Waxay ahayd London, ayaamahaas waxan maqaalo ku qori jirey Wargeyskii Jamhuuriya oo xiligaas qayb kamid ahi ka soo bixi jirtay Ingiriiska. Tafatirena uu ka ahaa Abdihakim M. Sheik oo hadda kamid ah Ganacsatada Hargeisa.
Maxamed Baashe maalmahaas uun buu ka soo guurayey waddanka Holland oo uu muddo dheer ku noolaa.

Wuxu akhristay maqaal aan ku qoray Jamhuuriya, kaddibna wuu isoo raadiyey. Aniga oo class ka soo baxay ayaa la ii soo tilmaamay, wuxu igu bilaabay ma adigaa ninka maqaalkan qoray? Maalintaa wixii ka dambeeyey waxanu noqonay afkaar wadaag. Waxaanan odhan jirey Maxamed maannu isugu xidhmin in aannu isku qoys nahay oo ilmaadeer hoose nahay ee waxa isu kaaya keenay ra’yi, aragti iyo himilo wadaag.
Sanadkaa aannu is baranay bilihii xigeyba waxanu wax ka wada aasaasnay xisbigii ugu horreeyey Xusbiyada ee Ilays la odhan jirey, waxanu ka wada qayb galnay kulamo, shirar iyo doodo. Waxanu kale oo noqonay dad si joogto ah isu arka maaddaama aanu isku xaafad noqonay.

Buuggiisii ugu horreeyey ee Hal Ka Haleel ee soo baxay 2004, wuxu ii doortay in aan qoro qaybta ka hadlaysa taariikhda qoraha.
markii aan qorayey taariikhdiisa oo aan meelo kala duwan ka soo min-guuriyey waxa i xiise geliyey dhawr arimood waxanse ka xusi karaa: Kow, isku aadka naadirka ah ee laba Maxamed. Waa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, Hoggaamiyihii Daraawiishta iyo Halgamaa Maxamed Baashe, Abaanduulaha Markale Midnimo; isku aadkaas oo ah in Maxamed Baashe ku dhashay duleedka Balliga Sacmadeeqo (Meygaagle) oo u dhexeeya Qorilugud iyo Buuhoodle, Gobolka Togdheer, oo ah isla balligii uu ku dhashay Sayid Maxamed, isla sidoo kalena uu dhashay Sanadkii 1964kii oo ku aaddan isla sanadkii uu qarnigii ka horreeyey ka dhashay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan (1864).

Waxa kale oo isku aadka sii xoojiyey markii aan dib ka ogaaday in Seyid Maxamed iyo Maxamed Baashe ehel yihiin. Seyid Maxamed waxa dhashsy Carro Magan Seed. Maxamed Baashe aabihii Baashe waxa ayeeyo u ahayd oo hooyadii dhashay Maryan Magan Seed.
Arrinka labaad ee i xiise geliyey wuxu ahaa in Maxamed Baashe ka soo jeedo qoyskii caanka ku ahaa garta iyo Caddaalada ee Reer Sanweyne oo uu Faarax Maxamed Yuusuf (Ina Sanweyne) awoowgii yahay.
Axmed Mooge heestiisa Gaasira waa ka ku celceliya ‘Garta Ina Sanweyna loo Geysan jirayee’
Arrinka saddexaad ee xiisaha lahaa Wuxu ahaa hal adayga iyo go’aan qaadashada Maxamed Baashe. Isaga oo yar oo 18 jir ah, oo u fadhiistay imtixaankii Secondary ga oo yoolkiisu yahay in uu noqdo dhakhtar ama muhandas ama Maamule Bangi sidii saaxiibkii ay isku fasalka ahaayeen ee Jamaal Cali Xuseen oo kale ayuu ka doortay dulmi diidnimo, jabhadnimo iyo in uu dan guud dhaafsado dan shakhsi. Maalmahaas aan Maxamed Baashe qorayey taariikhdiisa baan ka soo qaatay cajalad uu duubay 1984kii oo uu kaga waramayo geeridii iyo taariikhdii Ilaahay ha u naxariistee Macalinkii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan. Waa 36 sanadood ka’hor. Dhamacda, dhiidhiga iyo dhimbiilaha ninkaa Maxamed afkiisa ka burqanaya ka xiise goyn maysid Haddii aad cajaladdaas dhegeysato 10 jeer iyo ka badan.

Marka aan u soo gunda dego doodda cusub ee isla doonista shacabka Soomaaliyeed oo jiritaankoodii maanta halis ku jiro, cadow badanina ku wareegsan yahay, una dhutinaysa midnimo la’aan; ayaa waxa jira dad aan xal u arag isla doonista shacabka Soomaaliyeed, Laakiin aad ula la’yaabsan qofka xal u arka Midnimo. Nin madaxweyne ka soo noqday Soomaaliya ayaa habeen igu yidhi; Haddii kala tegistii dad qurxinayaan bal wadajirkiina ka waran sow kama sii muqaddasana oo kama sii qurxana kala tegista! Waa run, meel kasta, suugaan kasta, diinteena xaniifka ah, dhaqanka suubban, intuba waxay nacaan kala tagga, waxaanay ammaanaan midnimada (unity is strength, الاتحاد قوة).
Sidaa darteed Maxamed Baashe laguma dhaliili karo midnimo, midnimadaas oo inbadan Quraanka kariimka ahi inagu barbaariyo. Maanta, Hilowga ugu badan ee Midnimo Soomaaliyeed wuxu yaallaa Jigjiga, Burco-na iyadaa maanta ugu baahi badan Midnimo Soomaaliyeed.

Maxamed Baashena haddii maalintii uu SNM ta ahaa uu xabbad iyo qori caaradii ku raadinayey in Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo midaysan ay ku wada noolaadan; xoriyad, cadaalad iyo horumar, maanta in uu qalin iyo i qanci walaal isla intii uun ku raadiyo waxay muujinaysaa in halganka Maxamed uu ahaa mid ka fog damac shakhsi iyo danaysi kooxeed ee uu ahaa mid ku dhisan Han iyo Himilo fog oo Ummadeed.
Qofka sifahaas loo kale leh Mawlana Jalaludin Rumi wuxu odhan jirey: Ma tihid dhibic ku dhex jirta badweyn, ee waxad tahay badweyn ku dhex jirta dhibic.(You are not a drop in the ocean. But you are entire ocean, in a drop)
Aan ku soo af-meero maqaalkan kooban Maansadii aan tiriyey 2008 ee aan ku sharfay geesigii Reer Falastiin ee Maxmuud Darwiish.

Geesiga Dagaalkiyo
Basaaskiyo Danaystuhu
Dilka waa u siman yiin
Dulligiyo Haldoorkuna
ifkan lagu Dul noolyahay
Kuma kala Dambeeyaan
Darajadase kala mudan
Dambas iyo qof weeyaan
Da’ kastaba mid baa nool
Midna Duugta kama hadho
Qarniyada is Daba yaal
Xaqa kii u Diririyo
Ma Duugoobo Geesigu
Dahab buu ku qoran yahay
Qalbiyada Dadkaa sida
Daba-dhilifna lama tebo
(Maansada Maxmud Darwiish ee Suugaanta Mangalool)

WQ: Prof. Osman Abokor Dubbe