Sanad kasta wiiga ugu horeeya bisha afraad waxa la xusaa Xaalada caafimaad ee loo yaqaan Autism Spectrum Disorder (ASD).
Kelmada Autism waxay ka timid Ereyga giriiga ah ee โAutosโ oo macnaheedu yahay “Gooniyow ama kelinimo” waxayna sharaxaysaa hab dhaqanka Ilmaha ama qofka xaaladan ku jira oo ah mid uu dadka ka gooni noqdo, ay adagtahay in uu dadka dhexgalo oo la tacaamulo, waa qof aan fahmi karin dabeecada dadka iyo sida ay u xidhiidhaan (Inter-personal relations)
Eugen Bleuler oo ahaa Dhakhtar maskaxda ku takhasusay oo u dhashay dalka Switzerland ayaa 1911 kii markii ugu horaysay adeegsaday Ereyga Autism isagoo sharaxaya xannuunka Schizophrenia ee maskaxda ku dhaca. Hasayeeshee, 1940 kii, Dr Leo Kanner oo ka tirsanaa Jaamacada John Hopkins ee Maraykanka ayaa isagu si waafi ah u qeexay xannuunkan caruurta ku dhaca ee Autism-ka.
Autism waa xaalad caafimaad oo caruurta kasoo muuqata inta da’doodu ka yartahay sadex sanadood. Qofka waxa ku dhaca kala dhantaalnaan koritaanka maskaxda iyo dabeecada ah (Neurobehavioural disorder) . Taasina waxay saamaysaa ugu yaraan sadex qaybood shakhsiyada qofka ka mid ah.
1. khalkhal kaga dhaca xirfadaha dadka lagu dhex galo ee lagula dhaqmo (Social skills deficit); dadkan waxa ku adag in ay fahmaan caadifadaha bani’aadamka (emotional deficit) sida cadhada, farxada, murugada, necbaanshaha, jacaylka iyo kuwa kale ee badan. waxa kale oo ku adag in ay fahmaan xidhiidhka u dhexeeya ficilka qofka iyo dareenka dadku ka bixin karo.
2. Dadka Autism-ka qaba ma jecla Isbedelka, waxay jecelyihiin wax waliba in sida ay rabaan u habeesnaadaan oo aan la bedbedelin. Maalintoodu waa in ay noqoto mid ay sii ogyihiin waxa dhacaya. tusaale ahaan waa in ay markasta hab isku mid ah wax u cunaan, dharka u xidhaan, si kali ah u ciyaaraan.
3. Dadka Autism-ka qaba way kooban afka inta ay ka bartaan (Language and communication deficit). hadii si kasta la isugu dayo in kelmado badan la baro, waxa adagtahay in ay qabsadaan oo adeegsadaan. Waxa kooban awoodooda fikir iyo xalinta mushkiladhu. Caruurta Autism-ka qabta waxa ku adag in ay dareenkooda, fikirkooda ama caadifadooda ku cabiraan hadal, qoraal ama luqada jidhka iyo wajiga (Body language and facial expressios) intiisa kaleba.
Caruurta Autism-ka qabta waxa suura gal ah in ay damqaan wax yaalo dadka caadiga ah aan dhibin; sida codka, taabashada, urta qaarkeed iyo muuqaalada qaar. Waxa suura gal ah in ay is dhaawacaan oo nabaro isu yeelaan, gidaarada hirdiyaan, meelo sare iska soo tuuraan. Inta badan caruurta Autism-ka qaba waxa kale oo lagu arkaa xannuuno ay ka mid yihiin ku wa ku dhaca dheefshiidka, suuxdin, iyo xannuunada maqaarka.
Aurism-ku waa xaalad leh darajooyin aad ukala duwan. Dadka qaar ayaa si isku filnaan ah u noolaan kara. Qaar ayaa u baahan daryeel joogto ah oo aan waligood keligood noolaan karin. Qaar ayaa maskaxdoodu hal mowduuc ay si gaar ah ugu fiican tahay; sida muusiga iyo sawir gacmeedka, amaba xisaabta, iyo xasuusashada macluumaadka. Qaar ayaan waxba la bari karin.
Autism ku afar libinlaab ayuu ku badan yahay wiilasha marka la dhinac dhigo hablaha, majirto jinsiyad ama cirqi uu si gaar ah ugu badan yahay ama dabaqad dhaqaale oo uu si gaar ah u saameeyo
Waxa mudo dheer la baadhayay sababaha keena xaalada Autism-ka. Dhowr aragtiyood ayaa la tijaabiyay laakin wax cadaymo ah oo lagu taageero aragtiyahaas waa loo waayay. Waxa lasoo maray xili saynis yahanku aamin sanaayeen in sababtu tahay dhaawac ilmaha maskaxda kasoo gaadhay markuu soo dhalanaayay. Arinkaas markii si balaadhan loo baadhay wax lagu taageero waa loo waayay. Waxa jirtay mar la aamin sanaa in koritaankii maskaxdu qaldamay oo intii uu ilmuhu uurka ku jiray uu khatar la kulmay taasna wax daliil ah oo lagu taageero looma helin.
Xiligan waxa la aaminsan yahay in Autism-ku ka dhasho hidesidayaasha qofka oo u nugul khalkhalka iyo duruufo deegaan oo soo dedejiyay khalkhal-kaas.