Waa maxay Barrastu? (WQ: Maxamed Biixi)

 

Barrastu (vitilligo) waa astaan xanuuneed dadkeenu badanka u aqoonsan yihiin inay keento inkaaro, habaarro iyo nacdallo qofka ku dhaca.

Waa cuddur marka uu qofka jidhkiisa wada saameeyo uu qofkaasi dareemi jiray takoor iyo iska fogayn layska fogaynayo. Waa cudur in badan oo dadka kamid ahi u haysato inuu ku faafo iyada oo lays taabto amaba qofka qaba oo meel uu taabtay aad taabatid.

Qofka xanuunkani jidhkiisa wada saameeyay waxba lalama cuni jirin, shaqo looma dirsan iskaba daaye xataa waa ay adkayd inuu reer iyo xaas yeesho.

Intan uun maaha ee heerka uu bulshadeena ka dhex gaadhay ayaa ah inuu ina gaadhsiiyay heer dadka qaar kuba dhaartaan” waata barrasi igu dhacdaa iyaga oo u haysta xanuun hallis ah”.

Xanuunkan barastu waa calaamad astaameed ku dhacda maqaarka sarre ee qofka taasi oo keentaa in midabkii sarre ee maqaarku isbadallo( hypopigmentation), ma aha astaan badanka saamaysa unugyada kale ee guddaha jidhka ku jira( internal organs).

Maaha astaan ay keenaan xanuun dhaliyayaali( pathogenes), waase astaan xanuuneed aan ilaa hadda la aqoon sababta keenta; waxaase loo badinayaa inay salka ku hayso khalkhal amaba geddis ku dhacaya hiddo sidayaasha qofka xanuunkani haleelo iyo jidhka oo isagu is duqeeya( genetical and autoimmune abnormalities ).
Xanuunka ayaa waxa uu ku yimaad marka unugyada loo yaqaan melanocytes ka ee ku jira haraga u sareeeya ee maqaarkeena( epidermis)ay awoodi waayaan inay soo saaraan maadada loo yaqaan #Melanin oo ah iyadu tani siisa jidhkeena midabka madawga amaba bunniga ah ee aynu leenahay khalkhal hiddo sideed iyo is duqayn jidheedh aawadeed.

Xanuunka ayaa waxa mararka qaar weheliya oo uu la dhashaa macaanka iyo tayroodhka ( Diabetes and thyroid dysfunctions) waase tiro yar dadka ay labadan mid kamid ahi u weheliyaan xanuunkan.

Xanuunkan ayaa ah mid badanka ku dhaca da’da u dhaxaysa 10-30 jirka.

Ma kala laha xanuunkani doorbidis haween iyo rag.

Waxa xanuunkan astaamo u ah qaybo jidhka kamid ah oo caddaada( uu ka tago midabkooda rasmiga ahi); badanka waxa uu xanuunkani ku dhacaa goobalayda jidhka sida:-
Dabnaha, wareega xubinta taranka ee ragga, indhaha warreegooga, naasaha intooda madaw ilaa ibta, xubinta taranka ee haweenayda; waxa kale oo uu ku dhacaa gacmaha oo uu si isleeg labada gacmood farahooga u saameeyo, jiqilka, jilibka iyo xundhurta hoosteeda .

Meesha caddaatay ee jidhka kamid ahi kama sarayso jidhka, ma dhiigto, ma qolofaysato sida oo kalena waxay leedahay qarrar la siman jidhka intiisa kale.

Xanuunkan oo afrika ku badan ayaa haddii uu inbadan oo jidhka kamid ah uu saameeyo uu qofku hallis ugu jiraa kansar ka dhallan kara falaadhaha cadceedda haddiiba ay ku dhacaan jidhka qofkani isagoon adeegsan sun protection lotions.

Daaweynta xanuunkan.

Xanuunka ayaa waxa lagu daaweeyaa
Daawooyinka topical corticosteroidska iyo anti sun lotions kuwaas oo u baahan muddo 3 billood ah inuu qofku qaato.
Haddii 3 billood corticosteroidskaas topical ka ahi respond ku keeni waayaan waa in qofku qaataa Oral corticosteroids.

Physocological rehabilitation ayaa iyaduna muhiim ah gaar ahaan bulshadeena marka la eego.

Cawaaqibta xanuunkan ka dhalata.
Kalsooni darro.
Cadceeda oo gubta qofka.
Dhiig yaraan.
Tayroodhka oo bukooda.
Dheecaanada jidhka oo khalkhala.
Waxa midabka leh oo qofku arki waayo.

Mohamed Biihi